GARTII INDHO DHEGO
Sheeko gaaban

 



 

Waxa la weruyey sheekada Islaan u soo baxday baadidoonka riyaheedii oo ka lumay. Waxay kolba dhinac u meeraysataba, waxay ugu dambayn ku soo baxday oday weyn oo jidka dhinaciisa shaah ku karsanaysa. Odaygu wuu dhego cuslaa, iyadoonse  dareensana yn inuu dhega culus yahay ayey weydiisay:

Ma aragtay riyo baadi ah?

Odaygu wuxu moodayey inay weydiisay ceelkii biyaha oo dhinaca dooxa ayuu gacanta u gu fiiqay.

Islaantii intay u mahad naqday ayey xaggii dooxa u dhaqaaqday. Halkaas baanay si lama filaan ah uga heshay riyaheedii.

Waxay heshay riyihii oo bed qaba waxar yar oo lug ka jabtay mooyee. Intay waxartii  sin ta ku soo qaaday ayey riyii soo kaxaysatay. Waxay soo ag martay odaygii kolkaasay is ag taagtay si ay uga mahadnaqdo riyaha uu u tilmaamay. Waxay abaal uga dhigtay inay siiso waxartii lugta ka jabtay.

Laakiin odaygan dhegaha culusi muu fahmayn waxa ay islaantu ku hadlayso , markii ay waxarta xaggiisa u soo fidisayna wuxu u qaatay inay leedahay adigaa iga jebiyey oo ay dacweynayso, aad baanu u xanaaqay.

Anigu shaqo kuma lihiâ ayuu sare ugu dhawaaqay

Laakiin adigaa ii tilmaamay meesha ay joogaanâ bay islaantii tidhi.

Waa arrin riyaha oo dhan ku dhacda, aniguna shaqo kuma lihi ayuu haddana kor ugu  qay liyey odaygii oo fiigsani.

Waxan ka soo helay halkii aad iigu tilmaantay, waxanan doonayaa inaan waxartan abaal kuu siiyo  bay tidhi islaantii.

Ha i caayin, anigu waxaraha ma jebiyee ayuu ku dhawaaqay odaygii isagoo cadhaysan kolkaasuu islaantii dhirbaaxay.Orodoo iga tag anigu weligay waxartaadan ma arage ayuu raaciyey.

Ma arkaysaan inuu i dhirbaaxay, maxkamadda ayaan ka dacweynayaa bay islaantii dadkii ku soo xoomay ku tidhi.

Markaas ayaa islaantii oo waxartii laa laadinaysa, odaygii dhegoolaha ahaa, iyo dadkiiba garsoorihii ugu tageen maxkamadda.

Garsoorihii baa u soo baxay si uu cabashadooda u dhegaysto.

Ugu horrayn islaantii baa hadashay, kadibna odaygii, kadibna dadkii.. garsoorihii madaxa ayuu kor iyo hoos u ruxay. Laakiin hadalkan dadku macno uma samaynayn garsooraha oo sida odayga ayuu isna dhego cuslaa. Weliba aragga indhahana wuu ka liitay.


Ugu dambayn garsoorihii intuu hadalkii xidhay ayuu goaankii garta dhiibay. Wuxu yidhi

Dadkiinan xaasaska ahi inaad maxkamadda isa soo tubtaan ceeb bay ku tahay  boqorka Wuxu ku jeedsaday odaygii oo ku yidhi, immika laga bilaabo islaantaada ma dili kartid

Haddana islaantii waxarta gacanta ku haysay buu ku jeedsaday, adiguna iska daa  caajis ka oo odaygaaga cuntada ha kala habsaamin

Wuxu intaa raaciyey isagoo indho darraanta darteed waxarta moodayey ilmo yar, Ilmah an yar ee aad wadataanna Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo oo ha ka dhigo kii idin anfaca

Dadkii oo fajac iyo anfariir ku dhacay oo caddaaladda garsooruhu yaab gelisay baa halkii ku kala dareeray
 

 

 

Xasan C. Madar
nabaadiino@yahoo.com