Gaaskii Diyaaradaha Oo Berbera La Keenay Markii Uu Maalmo Ka Go’naa
 

Ganacsade Cawil Cawl Cabdillahi



Berbera (TNN) – Gaaska Diyaaraddaha oo maalmihii ugu danbeeyay ka go’naa dalka ayaa maanta ga adhay Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera.

Gaaskan oo sidda warku sheegay si weyn loo suguyay ka dib markii uu kalla go’ ku yimi markii  xukuu madda Somaliland ay tirtirtay Heshiiskii lagula jiray Shirkadda Total. Ayaa waxaa geeyay Berbera G anacsade Cawil Cawl Cabdillaahi,  oo sidda uu sheegay ay gudidii loo xil-saaray in ay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira haamaha iyo Madaxda Gobolka Saaxil ka dalbadeen in uu daboolo baahidda loo qa bo gaastan cad ee ay isticmaalaan Diyaaraduhu inta ka horeysa tartan loo dhigi doono shirkadaha Ganacsiga ee Somaliland, sidaasna ay ku keeneen iyaga oo dhawaana ka qeyb gali doona tartan ay qaban doonaan gudida qandaraasyadda qaranka oo loogu tartamayo cidda keenaysa gaastan cad
ee diyaaradaha sidda uu saxaafada u sheegay Cawil Cawl Cabdilaahi.


Gaastan oo ganacsadduhu ka keenay sidda uu sheegay deg-deg looga dalbadday dalka Djibouti ay aa warku sheegay in shalayba lagu shubay Haamaha Kaydka Shidaalka.

Cawil Cawl waxaa uu sheegay in shirkadaha diyaaradah ee Macaamilka la leh garoonka diyaaradaha ee Berbera ama garoomadda kalle ee dalka iyo cid kasta oo Daneynaysa gaasta cad ee diyaaradaha ay kaga iibin Doonaan qiime aad uga jaban qiimihii ay siin jirtay Shirkada Total ee imika laga  caydhi yay fara ku haynta Haamaha iyo iibka shidaaladda ay keenaan Ganacsatada reer Somaliland iyo Tot alba, waxaana hadaladdii ganacasadde Cawil Cawl ka mid ahaa Sidan Marka hore, waxan u mahad celinayaa qoladiinan saxaafadda ee maanta (Shalay) halkan nagu soo booqatay, Marka labaad waxa an u mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaan yo) iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo dhamaan Xukumada Somaliland, waxa anaga na soo   war ga lisay gudidii loo xilsaaray inay wax ka qabtaan baahiyaha haamaha, waxaanay nagu wargaliyeen g udidaasi in uu kala go’anyay gaasta ay isticmaalaan diyaaraduhu ee loo yaqaan Oil Jet 1, waxaanay
guddidaasi naga codsadeen in aanu si dag-daga u keeno gaastaa diyaraadaha ee Oil Jet 1.

 Dabadeetana anaga oo kaabayna go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaanu ama rkii Gudida Qaadanay,waxaana aanu markiiba ka dalbanay booyadihii keeni jiray, waxaananu ka dalb anay halkii laga dalban jiray oo ah dalka aynu Jaarka nahay ee Jabuuti, waanad aragtaan oo waat aa la shubayo booyadihii, ta kalle waxa iyana nagu dhiiri galiyay in aanu keeno gaastan gudida qan daraasyada qaranka oo iyana yidhi sii wada hawshaa keenista gaasta diyaaradaha hadhawna waxa ad ka mid noqonaysaan shirkadaha galaya tartanka loo yaqaan(Bidh),laakiin immika waxa aanu sii kifeynaynaa oo aanu qoraal ku haysanaa in aanu kala go’in gaasta diyaradaha ama aan laga waayin garoonka diyaaradaha ee Berbera gaasta loo yaqaan nooceeda Oil Jet1, waananu wadaynaa illaa inta ay gudida Qandaraasyad da qaranku qabanayaan tartankaa oo aanu ka qeyb-gali doonno hadd ii ilaahay yidhaa.” Ayuu yidhi.

Gaastan oo ay siddeen booyado ka soo daabulay dalka Jabuuti, waxaa hawshoodda shubista Gaasta diyaradaha bilaabay shaqaalihii caadiga ahaa oo waqtigan ka mid noqday shaqaalaha Dawlada ee haamaha, halka ay markii hore ahaayeen shaqaale shirkadda gaar ah u shaqeeya. Dhinaca kalle shir kadaha diyaaradaha ee macaamilka la leh garoonka Berbera ayaa iyaguna soo dhaweeyay talaaba dan loogu keenay Gaasta.

Source:Somaliland.org