Galiilyo:Waa Maanso Iftiimineysa Cawaaqib Xumada Heyb Sooca Iyo Kala Sareynta Ku Dhisan Cadaalad Darada

 

Waxa muddo aan dheerayn soo booqday magaalada Oslo ee dalka Norway Garaad Axmed Diiriye Jaamac,oo ka mid ah isimada beelaha la hayb sooco.Garaadku wuxu ka soo kicitimay dalka Sweden, waxaanu kulan la qaatay  waxg aradka Oslo.

Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde wuxu ka mid ahaa  d adkii ku sugnaa golaha, golahaa oo uu garaadku kaga  sh eekanayey dhibaatooyinkii kala gudboonaaday caano shubkii  garaadnim  ad iisa, geedkii lagu caleemo saarayey iyo wacdarihii ka dhacay goobtaa.

Haddaba, kolkii uu Garaad Axmed ka sheekaynayey sheekadaa oo dadkii  gol aha fadhiyey wada damaqday, ayaa nin dadkii golaha fadhiyey ka mid ahi xa ggii abwaanka jaleecay oo yidhi miyaanad eraygii ku haboonaa ka  odhana yn.


Abwaanku isaga oo ku halqabsanaya faca soo koroya, ayuu dabeetana cur iyey maansadan
GALIILYO.

 

 

Gabanada koraayiyo
Gabdhayahow ma maqasheen
Sheekada guracan iyo
Taariikhdan guunka ah
Inuu reer go’aansaday
Markay talo gorfeeyeen
Guddi ay u saareen
In garaad la yeeshoo
Gadh-wadeen u talin-kara
* * * *
Galbiskiyo damaashaad
Gurdan raaca habaqli’i
Goonyaha ka joogsade
Golii caleemo saarkiyo
Kolkay geedkii keeneen.

* * * *
Inuu guluf ku soo kacay
Inay beelo guuxeen
In hinaase wada galay
Hoos loo gunuusiyo
Gocashada xinkoodii
Inay gaadhay sheekadu
Miyey nala gudboonyiin
Sawnagii gumaynee
Sinji-guurka lagu falay
Iyagoo gabooye ah
Gob miyey la simanyiin
Gar miyey u leeyiin
Boqotooyo gooniyah.
* * * *
Gugbaa laysku soo yidhi
Goolaaftan quudhsi ah
Galabtaa wax may hadhin
Warmaa laysu soo guray
Gaashaanka loo qabay
Gacalkiyo xigaalkii
Guutooyin soo tube
Goobtiina kama noqon

* * * *
Garnaqsiga la yaabka leh
Galaabixiye doodii
Waxaa hadal ku soo go’ay
Guracaa ku dhaqantaan
Ajigow ma garatidee
Ha ka tegin garowshaha.
* * * *
Nin gar-waaqsanaayiyo
Nin gafuurka taagaba
Geb-gebtii ma soconine
Garabkii Is-bidi jiray
Ka huleele gegidii.

* * * *
Sacabkii Is-wada gaadh
Hees lagu gardaadshiyo
Durbaan loo garaaciyo
Goo-gooye jaantii
Iyagoo Is-garabsaday
Kuwii guushu raacdaa
Garaadkoodii mood yidhi.
* * * *
Ma gunbaa walaalkaa
Adiguna gob-baad tahay
Godobtaad ku faantaan
Jahligaa garbinayee
Ma gefeen dadkayguba
Hadday garasho leeyiin.

* * * *
Inta gabadh darmaaniyo
Kuwaa guudka loo dabay
Ama ugub gashaantiya
Carmal iyo garoob-wacan
Gaari ka xujowdee
Garba duubka ugu xidhan
Dhaqan lagu gabraartiyo
Xeer lagu goblamayiyo
Caadooyin soo gudhay.
* * * *
Inta inan gabowdee
Guun aad ku caydaan
Geesigay u dhixi layd
Waa gabooye lagu yidhi
Kuma geyo ku diiday.
* * * *
Tiradaa gedmaysoo
Maankaanay geli karin
Inta guri ku baaqsaday
Inta calaf la gowracay
Ama gacal kala fogeyseen.
* * * *
Garaadkii xuskiisiyo
Gadaal aan u noqonee
Geeraar tilmaaniyo
Gabay bay ku tiriyeen
Xilka guudka loo sudhay
Waa garaad u yaal
Astaan gaar ihiyo
Sumad gooniyoo
Guul noo horkaca
Waa garaad xoroo
Weligii gun noqon

* * * *
Waa garaad ku yimi
Galiilyada dareen
Naceyb gaamuroo
Ciil gaaxday-iyo
Guhaad lagu korshay
* * * *
Waa garaad u yimi
Arin guunahoo
Gu’yo soo tirsaday
Goortu lahaa
Soo go’ay shinkii
Wadar iyo guddoon
Ku haboon go’aan.

* * * *
Waa garaad u yimi
Gashi raagay iyo
Dulmi laga galiyo
Godob duug ahayd.
* * * *
Waa garaad u yimi
Gadhwadeenadii
Xaqay gees mareen
Guurtigu dadeen
Inuu golaha tuso.

* * * *
Waa garaad u yimi
Gudashada xilkii
Gabayaa dafiray
Go’a inuu ka rogo.
* * * *
Waa garaad u yimi
Culimadu gefkii
Ay ka gaabsadeen
Inuu soo gundhabo
Gidi soo bandhigo.

* * * *
Waa garaad u yimi
Gardarada fidee
Geesigii ka baqay
Inuu soo gunaanado.
* * * *

Waa garaad u yimi
Geed kibir ku baxay
Gunta inuu ka jaro.

* * * *
Waa garaad u yimi
Inuu geedi raroo
Guri roon ku furo.
* * * *
Waa garaad u yimi
Gobanimo u dirir
Gurmad uu u taro
Ciddii lagu gefee
Ku gabood fasheen.

* * * *
Waxba yaan gudbine
Soo gaabiyee
Ha ku noqon gardiid
Ummadeena guud
Ama gaar bulshooy
Guddo waajiboo
Gacan qabo dadkoo
Ha go’doominine
U gargaar xaqoo
Dhibta gaadhiyo
Godobtii ka maydh.
Gurmad bay u tahay
Gacaltooyiyo
Samo loo galee
La gorfee wanaag
Oo garab istaag.
* * * *
Waa guul allee
Gacal kala lumoo
Isu-soo galoo
Galad iyo dareen
Gebi qayb sadoo
Boholyow gundheer
Farxad goohayoo
Ilmo gobo’ ka tidhi.

* * * *
Fadalow gudoon
Gudbi maansada
Oo geli ramaas
Gabayaa u sheeg
Iyagaa godkaa
Ila garanayee
Gaadhsii warkana.
 

 

Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde
Oslo Norway