Architectural.Eng Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) (UK & Holland)

 

 

Eng./IT-er & Network Specialist Mohamed Ali Muuse

Waxaan marnaba muran ku jirin in TNN ay shabakadaha kale kaga soocan tahay  dhex  dhexaa dnimada, maqaallada tayada leh, iyo wararka isku dheellitiran ee aad akhristayaasha u soo gu dbisaan. Hambalyo baaxad leh halkaana ka sii wada.



Architectural.Eng Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) (UK & Holland)
Wa Billaahi Tawfiiq,
Guul, Horumar iyo Aqoonsi Somaliland

 



.........................................................................................................................................................
 

Gacan Haadis

 

Architectural.Eng Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) (UK & Holland)
 

 


Professor Ahmed Ismail Samatar iyo Professor Abdi Ismail Samatar Waxaan idin odhan lahaa:


Ha is Martiyeynina Abtiyaal! Somaliland waa dalkiinnii aad ku dhalateen, una dhalateen. Aqoontiina iyo magaca weyn ee aad leedihiinna, marka ugu horraysa Somaliland baa xaq iyo xasuusba idiinku leh! Mashruucii Soomaali Weyna Socon Waa !



1. Hordhac:


Professor Ahmed Ismail Samatar iyo Professor Abdi Ismail Samatar waa laba aqoon-yahan oo wada dhashay, waxayna ka mid yihiin aqoon-yahannada sida weyn looga yaqaanno loogana qadariyo guud ahaanba bulshada afka-Soomaaliga ku hadasha iyo weliba bulsho weynta  caal amka ee arrimaha Soomaalida daneeya. Waxa ay ku dhasheen una dhasheen Jamhuuriyadda Somaliland, siiba magaalada Gabiley ee Gobolka Gabiley. Waxa ay ka soo jeedaan qoys si aad ah loogu tixgeliyo aqoonta iyo hoggaan dhaqameedka bulshdaba.


Labadan Professor ee walaalaha ah, waxaa lagu tiriyaa inay yihiin aqoonyahannada sida  aad ka ah u aaminsan fikirka Soomaali Weyn iyo in aanay Soomaaliya kala go’i karin, sidaa  dartee dna fikir ahaan ka soo horjeeda in Jamhuuriyadda Somaliland ka go’do dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Arrintani waxay dhalisay colaad ay bulsho weynta Somaliland iyo dawladda  Soma liland-ba u qaadaan labadan aqoon-yahan ee iyaga ka dhashay, loona arko rag ka soo  horjee da gooni isu-taagga iyo madax bannaanida Somaliland.

Iyada oo ay dhici karto inaan qaldanahay, qof ahaan waxa aniga haatan ii muuqda saadaal iyo ifa-faale ka duwan tan kor ku xusan, taasoo dhallin karta isu soo dhawaansho iyo soo debac. Waxa keliya ee loo baahanyahay waa gacan haadis iyo wada hadal si ay u timaaddo is  garwa aqsi iyo in la iska qanciyo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland ka jirta iyo in fikirkii ahaa SomaliWeyn uu haatan yahay mid aan shaqaynayn.

Waxana ila habboon in fikirka iyo aragtida shaqsiga ah ee ay labadan aqoon-yahan aaminsan yihiin aan colaad iyo xumaan midnaba loogu qaadin.

2. Ciddii doonto ha guulaysato, dagaalku waa mid sii socon doona:

Dulucda iyo ujeedada maqaalkaygani waxay daba socotaa, faallo koobanna ka bixinaysaa  do od uu Telefishanka Caalamiga ah ee Al Jazeera English 14-02-2010 baahiyey, dooddaas oo uu Professor Ahmed Ismail Samatar ka qayb qaatay, isaga iyo laba nin oo kale lagagana hadlayey xaaladda nabad-gelyo ee sii xumaanaysa iyo dagaallada ka socda dalka Somaliya, gaar  ahaan na koonfurta dalkaa.

|http://english.aljazeera.net/programmes/insidestory/2010/02/201021513640589730.htm|
Dooddaa iyada ah waxa lagu bilaabay Professor Ahmed I. Samatar, waxana uu fursad u helay inuu ka hadlo daqiiqadihii (4’:02”); (07’24”); (15’18”); (23’59”). Waxa uu dhaleecayn dusha uga tuuray m/weynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed oo uu ku tilmaamay inuu dhibta  had da Soomaaliya taagan qaybta ugu weyn ku leeyahay, dawladdiisa taagta daran lihina ay ka sii liidato tii ka horraysay kuna guul darraysatay wax kaleba iska daaye inay nabadgelyada  Xam ar oo keliya sugto, dalka intiisa kalena hadalkiiba daa.


Professor A.I. Samatar waxa uu sheegay inuu isagu beri hore, muddo aan dhawayn ka sii  dig ey bur-burka baaxadda leh ee Soomaaliya ku soo fool leh, isagoo si adagna u dhalliilay guud ahaanba hoggaamiyeyaasha dhaqanka, kuwa siyaasadda iyo aqoon-yahannada reer  Sooma aliya. Waxa uu ku sifeeyey inay yihiin kuwo ka hoogay dareenkii dadnimo, ummadnimo iyo  kart idii ay dadkooda dhinaca wanaagsan ugu jahayn lahaayeen si ay dhibaatada iyo colaadda  daa shatay uga saaraan. Professor Ahmed I. Samatar waxa uu si adag u dhalliilay wax garadka iyo hoggaamiyeyaasha reer Soomaaliya waxana uu ku tilmaamay kuwo aan iyagu marnaba ka  sh aqaynin wixii umadda u dan ah, balse xukunka, taladaba iyo taageerada dhaqaale ee beesha caalamku dadka dhibaataysan u soo fidiso ay dano iyo ujeedooyin iyaga u gaar ah u  adeegs adaan Professor Ahmed I.Samatar waxa uu ku dooday in dhibta iyo halaagga Soomaaliya ka socda 20-kii sano ee ugu dambeeyeyna aysan bulshada caalamku eed badan ku lahayn, balse ay reer koonfureedku yihiin kuwa iyagu eedda koowaad iska leh. Waxa kale oo uu Professor Ahmed Ismail Samatar si cad u sheegay in dawladda Sheekh Shariif aysan haba yaraatee ka duwanayn kuwii hore u soo maray Soomaaliya, haddii uu Sheekh Shariif guulaysto iyo haddii ay Al-Shabaab guulaysatoba dagaalku waa mid ka sii socon doona koonfurta dalka  Soomaali ya.



3. Ha laga jeesto Somaliya(Muqdisho), ha loo jeesto Somaliland:


Waxaa xusid mudan, intii ay dooddu socotay qaabka uu Professor Ahmed Ismail Samatar uga hadlay qadiyadda iyo xaaladda Somaliland.

Somaliland waxa uu Professoorku ku tiriyey weli gobol ka tirsan dalka Soomaaliya. sida uu  had alka u dhigay. Balse waxa uu Professor Ahmed Ismail Samatar si weyn u qiray wanaagga, xas iloonida, maamulka dawladnimo ee ay Somaliland dhisatay iyo adeegyada bulshada ee  Somalil and ka hirgalay. Waxa uu bulshada Somaliland ku tilmaamay inay yihiin dad iyagu leh dareen ummadnimo, garanayana waxa ay yihiin iyo cidda ay yihiin.

Professor Ahmed Ismail Samatar waxa uu si cad ugu baaqay bulshada caalamka, waddamada arrimaha Soomaaliya safka hore kaga jira iyo cid kasta oo dooddiisa dhegaysanaysaba, haddii la doonayo in arrimaha Soomaaliya xal waara loo helo, in la gaadhay waqtigii ay bulshada  caal amku u jeesan lahayd ahmiyadna u siin lahayd waxna la qaban lahayd maamullada ku  guulays ta inay dhistaan nabad-gelyo iyo xasiloonida sida Somaliland oo kale, Puntland-na xagga  dam be ayuu ka raaciyey.


Waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in bulshada caalamku Somaliland wax la qabto maal-gelinna ku sameeyaan, taasoo aan macnaheedu ahayn in Somaliland laga gooyo Soomaaliya inteeda kale.

Waxa kale oo uu si aan gabasho lahayn bulshada caalamka ugu baaqay in la gaadhay waqtigii Muqdisho la iska illaawo lahaa, meelaha nabadda iyo horumarku ka jirana wax lala qaban  lah aa. Sababta oo ah ummadda Soomaaliyeed gebi ahaanba 20-kii sano ee ugu dambeeyey  Muq disho oo keliya ayay u afduubnaayeen, bulshada caalamkuna wax guul ah Muqdisho ka gaadhi weyday.


4. Geba-gabo:

Guud ahaanba dooddii Professor A. I. Samatar ee Telefishanka Al-Jazeera/English uu  baahiy ey, muuqaalka laga dhex akhrisan karayey waxa uu ahaa in Professoorku aaminsan yahay in Somaliland weli tahay gobol ka mid ah dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, taasi oo ah arrin tilmaamaysa in Professor Ahmed Samatar uu ilaa hadda aaminsan yahay in aanay Somaliland ka go’in Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxa muuqata in Professor Ahmed I.Samatar uu quus, faro madhan iyo rajo  la’ aan ka joogo in dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya uu mar kale sidiisii hore ku soo noqdo. Waxa dhici karta in Professor Axmed Ismail uu haatan garawsaday xaqiiqada dhabta ah iyo waaqiciga aan la dafiri karin ee isaga maanta horyaalla. Dabadeedna waxa uga soo baxay  sa wir maqal iyo muuqaalba leh si cadna runta uga tarjumaya: horumarka bulsho iyo bisaylka  um adnimo ee Somaliland yaalla iyo xaaladda ka sii daraysa iyo rajo la’aanta koonfurta  Soomaali ya ku habsatay (Rabbi iyagana Talada ha waafajiyee). Waxa dabadeed Professoorka  dhegihi isa ku soo dhacay dhawaaq dheer oo farriin adag sida oo leh: “Laba la Isku Dherersho oo Isku Dhiganta Maaha! Kala daaya! Islama jaan qaadi karaan! Hana ku daalina Soomaali Weyn iyo midnimo Soomaaliyeed.”

Isku soo wada duuboo waxa barnaamijkan dooda ah ka dhex muuqata in Professor Ahmed  Is mail Samatar uu si cad u qiray wanaagga iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, isla markaana uu bulshada caalamka ugu baaqay in la gaadhay xilligii Somaliland lagu abaal marin lahaa  naba dgelyada, horumarka iyo wanaagga ay kasbadeen.

Haddaba, inkasta oo ay aad iyo aad u wacnaan lahayd Professor Ahmed iyo Professor Abdi  Is mail Samatar oo u olole ugu jira qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland, taasoo faa’iido weyn dalka iyo dadka Somaliland u soo hooyn lahayd, waxaan qabaa in qofka ficilkiisa lagu naco, bals e fikirkiisa iyo aragtidiisa qof ahaaneed aan lagu nicin ama aan colaad loogu qaadin.

Waxa muuqata oo ah arrin jirta in labadan aqoonyahan fikirkooda iyo aragtida ay aaminsan  y ihiin dhalisay colaad loo qaado. Waxaa xusid mudan in aaniyagu ugu horraynin aqoon-yahanno u dhashay Somaliland oo aaminsan mabda’a Soomaali Weyn ama u ololeeya inaanay  Soomaa liya kala go’i karin. Rag badan oo magac leh oo dhalasho ahaanna Somaliland ka soo jeeda  ay aa fikirkaa iyaga la qabay, tusaale ahaan Madaxweynihii ugu horreeyey ee Jam. Somaliland  (AL.H.U.N.) C/raxmaan Ahmed Cali (Tuur), Jaamac Max’ed Qalib, Ismail Buubaa, Sifir, Maxamed C/laahi Oomaar iyo kuwo kaleba oo qaarkood laga yaabe inay haatan qaranka Somaliland  xila lba u hayaan.

5. Talo soo jeedin:


Sida ugu wacan ee fikirka qofka lagu waajihi karaa waa fikir iyo aragti tiisa ka soo horjeedda, iyada oo aan colaad iyo calool xumo midnaba loo baahnayn in loo muujiyo.
Waxay ila tahay in Professoorada ilma Ismail Samatar ayna sidaa u sii fogeyn, waxa dhici  kart a inayna diidanayn Somaliland iyo jiritaankeeda, balse ay jirto wax kale oo ay diiddan yihiin  am a ay saluugsan yihiin. Xukuumadda Somaliland weli iskuma hawlin inay soo jiidato aqoon  yaha nnadan Somaliland u dhashay, oo ay deristo bal fikradda ay iyagu hayaan iyo sida ka  wanaa gsan ee Somaliland u dhaami lahayd sidaa ay maanta tahay.

Wax garadka, aqoon yahannada iyo xukuumadda Somalilandba waxaan kula talin lahaa in  Prof essoorada ilma Ismail Samatar loo gacan haadiyo, lala doodo oo laga qanciyo haddii ay wax t abanayaan. Waxaynu tusaale aad u wanaagsan u soo qaadan karnaa dooddii xiisaha lahayd ee Radio Dalmar daadihinayey ee dhex martay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga  Kulmi ye Dr. Mohamed Abdillahi Omar iyo Professor Ahmed Ismail Samatar 03/07/2008.

Waxaan aaminsaanahay inay inna hagto aragtida odhanaysa:“Ha fogeynin aqoon yahankaaga iyo wax garadkaaga. Intii ay cid kale ka faa’iideysan lahayd ama ay wadan lahayd, adigu soo dhawee oo ka faa’iideyso. Fikirkiisana ugu dulqaado, xataa haddii uu qaldan yahay. La arkee inaad taada ku soo riddo”.

Professoor Ahmed iyo Professoor Abdi Ismail Samatar waxaan iyaga jeclaan lahaa inaad ku id haahdo:
“Haybad Waxaad ku Leedahay Dalkaaga Hooyo. Cidna idinkama xigto Somaliland. Waa dalkaad ku dhalateen ee aad u dhalateen. Aqoontiina iyo magaca weyn ee aad leedihiinna, marka ugu horraysa Somaliland baa xaq iyo xasuusba idiinku leh! Mashruucii Soomaali Weyna Socon Waa! Ha is Martiyeynina Abtiyaal! Marka aad Somaliland wax la qabataan, Somali inteeda kalena wa xbaad u qabateen.”.

“May ahayn in fikirkiina colaad la idiinku qaado. Balse madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto. Idinkaa ah aqoontii ugu sarraysay ee bulshada, waa idinka kuwa ummadda hagi lah aa. Ku soo hirta halka aad u dhalateen. Idinka oo dhex jooga dalkiinna iyo ummadda aad ka dh alateen, u soo bandhiga fikirka iyo aragtida aad aaminsan tihiin.”

“Bulshada Somaliland aad bay u jecel yihiin in walaalahooda ay wada dhasheen ee Somaliya ay wax u hagaagaan. Waxyaabaha dhacay 20-kii sano ee la soo dhaafay, denbiyada iyo  jariima daha la galay, xataa haddii ay koonfuri xasisho oo ay talada haleelaan, waxa xaqiiqo ah in aa nay meeli idiinka bannaanayn meeshaa. Waxa idin hurran Somaliland”.

Ugu dambayntii, magaaladii aad u dhalateen ee Gabiley oo aan rumaysanahay inayna  marn aba xasuustiinna iyo xiskiinna ka guurin, waxtarkiinna way idinka sugaysaa, siiba jaamacadda Timacadde University ee dhawaan Gabiley laga asaasay.”


Wa Billaahi Tawfiiq,


Guul, Horumar iyo Aqoonsi Somaliland

 

 

 


Architectural.Eng Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) (UK & Holland)