Gabillayeey shashmiir oo shaydaanka iska naar

 


 


Nin abwaan ahaa oo raganimo u dhashay laakiin dadkiisa ka horeeyey oo la odhan jirey dhegaw eyne oo naba da jec elaa ayaa markuu arko nin cadhaysan ku odhan jirey shashmiir, isdeji. Kelmadii dalka way ka hirgashay oo dadweyn aha gobolka ku nooli wuu u bogey oo aad ayay u fiday oo loo isticmaalay muddo dheer.


Sidii shashmiirta loo hayey ayaa la arka dhegaweyne laftiisii oo xayraansan oo sidii qof telefoo nku ku hadlayaa gaca nta dhegta saaray oo leh Helloo Hunnaa Allaybaday maxdatu xaaji Gaad h. Shaw war aan dadku ogeyn a yuu maqlay oo uu daba socdaa. Dadkii intay ku dhawaadeen ayay ku yidhaahdeen shashmiir Degaweynow. Wuxuu ugu jawaabey miirta ka reeb Muraa la xidhee. Mure wuxuu ahaa ganacsade gobolka ka tirsan oo ay xa lay oo kale Xabashidu xidhay.

Haddaba markaan arkay banaanbixii Gebiley ka dhacay ee Madaxweynaha kab xaaraanta laga ga hortegey wa x kale oo aan idhaahdo garanmaayo ee waxaan idin leeyahay aniga oo aan mi irta ka reebin shashmiir, shashm iir, shashmiir waar ha la isdejiyo. Madaxweynuhu hugii Qaran kuu sitaaye , kab xaaraanta gashada idinkaa u ba ahane waana bacade, oo waxaad ayidaan Galbeed oo xaalkaa ay Awdal iyo Wajaale bixiyeen.

Anigu kama soo horjeedo banaanbaxyada mid taageero iyo mid diidmo ah toona, laakiin waxaan diidanaha kuw a ku salaysan dan qofeed oo diidmo ah iyo kuwu dan qofeed ah oo guulwadayn ah. Waxaan barbar taaganah ay kuwa ku salaysan dan guud, dan gobol, dan deegaan, dan bee leed iyo dan koox wax gaara aaminsan oo hir gelinteed cadaadis kala kulmay. Laakiin mudahaar aad kab lala soo baxay waan ku nacay mooyee dan gobol, d an beeleed, iyo waxaad ta banayso midna ma sheegayo. War saxaafadeed maad soo saarin aad waxaad taba nayso ku qeexayso.I ntaanad dawl ada dhexe ammaan iyo dhalliil midna u jeedin bal horta dawlada degmadaad iswe ydii ammaanteed iyo dhaliisheeda.Waxaa intaa ii raaca erey kale oo aan ula dan leeyahay Gebil ey, Gobola da kale, qurba joogta iyo warbaahinta.

Waxaa had iyo jeer Gebiley iyo Gobolada kalaba mushquul ku yihiin ammaanta iyo dhaliisha guri ga madaxtooya da. Gobolkastaa dawlad hoos oo awood buuxda leh oo sida madaxweynaha loo soo doortay loo doortay aqoo ni iyo daaca dnimo meel ay dhigtaba ayaa ka jira. Dawladahaa ho ose dadkii doortay lama xisaabtamaan oo wa xay noqdeen lama taabtaan, waxaa kale oo iyad una jirta odayaal dhaqameed beeluhu leeyihiin arrin iyo addu un midna beeluhu kulama xisaab tamaan, dhammaantoodna beelihii ma dhex joogaan ee magaalo madaxda ay ay ku soo urureen si ay allog u no qdaan guriga madaxtooyada. Waxay ummaddii ku foogan tahay M/weynaha iyo dawladdii dhexe oo keliya. Taasi ayu unbaa laga hadlaya, xildhibaanadii ay doorteen golaha wakiilada iyo golaha deegaanka dadka kama yaqaanin.


Haddaba Guriga Madaxtooyada waxba ma yaaliin, jagooyin ayaa lagu qaybiyaa taasna waa lag u kala hagaage. Adeegii dadweynow idinku qabsada oo kheyraadka iyo hormar gobolkaaga ma rkaa daacad ugu taliso dawlada dhex iyadaaba is sixi. Laakiin nin xildoon ahi intuu farta kuugu fiiqayo guriga madaxtooyada, ee ku iloosiinayo hawshii guda haaga meelna gaadhimeysaan.



Warbaahinta iyaga waan u garaabayaa

Warbaahinta iyaga ku canaanan maayo geed sarwaabnimada, iyaga danbaa ku khasbaysa in a y sida shinbirm a lanta dawlada dhexe ka dulwareegaan. Hadday dawladaha hoose ka hadlaan waa adiga oo beeshii hoos ugu sii daadegey oo jilibo ayaad isqabsanaysaan, oo gondahaaga ayay dagaal ka dhacayaa taasi waa mid. Teeda kale habeen qudha intay kuu tashadaan ayay dumarka iyo carruurta kugu soo jeedinayaan oo waxaanay dawl adda dhexe kugu samayn karin haddaad wax ka sheegto ayay kugu samaynayaan oo meelaha qaarkood Gola ha deegaanadu ka awood badan madaxweynaha. Markaa haddaad aragtaan warbaahinta oo ka war wareege ysa dawladaha hoos ha la yaabina.



Qurba joogta

qurba joogta iyagana madaxtooyada wax loo saar. Xaynkii iyo faraqii Marwada iyo garbilihii m adaxweynaha a yay ka lushaan. Waxay ku baqamaalayaan beribaan ri' gees ka ridey. Waxaa la gaadhsiiyey heer jagooyinkiim in haydh tuulo ilaa Wasiir iyaga laga simo. Muwaadinkii waxaa la qoray wax ma tarayaal maalinta cod bixinta l oo baahan yahay oo ay iyagu weligood iyo waaqood noqodaan calaf sugayaal aan caaqiibo lahayn.

Warkan oo intan ka sii ballaadhan ka akhriso Longlivesomaliland.com

 

 

 

 

Inj. Hamud Duale