Gabiley: Qabyaalad qoys-kaliya ah

 

Sida aynu la wada socono waxay bulsho ama umadi wax qabsankartaa marka ay isu  tiirsan  ta hay, fahansantahay aayahooda danbe iyo qaabka ay u daboolayaan noloshooda, waxa aynu  k a dharagsanahay in aanay horumar gaadhi Karin bulsho kala jeeda oo aan isu hadaf ahayn kala garanayna dantooda guud iyo mida gaarka ah.

Hadaba Bulshada Gobolka Gebiley waxa lagu tiriyaa in ay hada dhaqaale ahaan iyo bulsha  aha anba ay leeyihiin baaxad wayn oo wax ku ool ah, balse ay hubaal tahay in laga qariyey  awood aha ILLAHAY siiyey oo ah ta manta dunida lagu hogaamiyo, “Dhaqaale iyo Bulsho” ka faa’iidayn la’aanta iyo fikirka horumarin la’aaneed wuxu sababi karaa in aanay raagin oo aan hore loo wadi Karin manta waxa la hayana aan barri la hayn doonin.


Maanta Mansha’aa Allaah meel wanaagsan ayuu marayaa dhaqaalaha iyo waxbarashada  dad ka ka soo jeeda Gobolka,  laakiin waxay ka qaawan yihiin wax wada qabsiga iyo fikirka guud ee wax ku oolka ah, waxanad moodaa in ay noqdeen bulsho iska dhex daawata xisbiyo iyo axsaab kala duwan, oo midba midka kale eryado, halka umadaha kale ka midaysanyihiin waxa wada  qa b siga iyo istaageerista, iyada oo ay bulshada kale leedahay wada tashi ku saabsan meesha ay dantooda, iyo mustaqbalkoodu ku jiro degaan ahaan iyo bulsha ahaanba,  ayaa ree Gebiley ka madhan yihiin , waxana dhamaan ka maqan fikir midaysan iyo taageerida kooda wanaagsan.

Hadaba waxa bulshada reer Gabiley biyo dhigtay Qabyaalad hal qoys ah ,oo ay isu arkaan in ay kala qabiil yihiin iyaga oo hal raas ah ama hal qoys.

Talo soo jeedin:

Waxan talo ahaan shaqsiyan soo jeedin lahaa in la qaado talaabooyinkan hoos ku xusan sida uugu dhakhsaha badan.

1. In la yeesho fikir midaysan oo ku wajahan horumarinta bulshadeena si aynu u hagaajino  mu staqbalkeena Aduun iyo Aakhiraba.

2. In la sameeyo Sanduuq degdeg ah oo laga maamulo waxbarashada iyo caafimaadka

3. In aynu samayno qorshayaal muhiim ah oo lagu hore mariyo Jaamacadda Gobolka

4. In aynu noqono tusaale horumarineed dhinaca wax soo saarka sidii aan horeba u ahaan jir ay
 


Waxyaabahan iyo waxyaabo kale oo badani waxay u baahan yihiin wada tashi iyo wax wada  q absi ay yeelato bulshadu guud ahaan, taasna waxa looga baahanayahay in aynu dhamaanteen ka wada hawl galo, khaasatan waxan ku boorin lahaa dhalinyaradu in ay ka hawl galaan sidii ay hawshaa sida uugu dhakhsaha badan u bilaabi lahaayeen.


Cidii u aragta dan in ay tahay sidani ama fikir ka wanaagsan haysa waxan jeclaan lahaa in ay igala soo xidhoodho ahmeddool@gmail.com
 

 

 

 

Ahmed Mohamed Hussein (Dool)
Hargeisa
Tel: 9100088/4429808