Gebilayeey dhul u dhacaaga hubso,Beedalka waa la isku ogaaye , baroor ha i maqashiin



 


Todobaadkan iyo weriyaha Laanta curdinka




Weriyaha Laanta Curdinka:
Todobaadkan gobolka Gebiley oo isku ciil kaambiyayey beryahan danbe codkii uu kulmiye u loogey doorashadii ugu danbeysey, ayaa waxay ku soo kordhiyeen saaxada si yaasada waxaan hore loo arag oo aan loo maqal oo ah in la beedalo oo marka mooge saamiri soo qoystaba dhiig loo bilqiyo, casharadii carruurta dugsiiyada beedalka laga doorbido, shaqadii gobol ka waxaa loo xayiray laba aflayn. In lacagtii cashuurta dadweynaha gobolka oo dhan xusbi gaar a h loo loogo oo aan xusbiyadu u sinnayn. In maamulkii gobolka u adeegyo xusbi gaar ah oo aanu u adeegin xubnaha ka tirsan xusbiyada kale.



Haddaba Immaashihii xusbiga Kulmiye ee Gebiley dadweynuhu umay wada beedaleyn. Shinbir walib a codkeedee ciyeysey oo cosibsiga iyo dheemaalaysugu waa halkiisee, waa la kala aragti duwana a. Waana kuwan qaar ka mid ah shibiraha codkoodii.



Haweenka Gebiley:
Cumar dayo, Cali dayo, fardaha qoobkooda kala duwa”.



Aalo gooray ( Kulmiye ): Cumar iyo caloo, codkiina caano dhaafsada, cilmi jammac ku iibso. Nasiye iyo Gobonimo carruur weey qalqaaliya, waa Kulmiye caasigaroobey, waa cumar iyo Cali ka bax, w aa dooni shaxar. Ururka SDP culays soo kordhay ma ah, duul cirroobey weeyaan, waa buukada ha dhuudhka, waa reer Qaaxo. Sedexdaa iyo kuwa soo socdaaba waa awaareetidii hadhuudhka biiska ah ahayd. Kulmiyay ku gudhaaye “kaalaya hortayd hadhkan soo fadhiista heesa heesa, hees wana agsan heesa.” Waar miyaanay sidaa ahayn?



Dayaanka Fardaha qoobkoodii: Haa huunno dee.


Buukada iyo awaareetidii hadhuudhka :
Ogaalkay beertu aale iyo awaarti ma kala leh, ayaxii finix aar ilaahay ka badbaadi. Haddana qodaalkii qaan gaadhi waa. Muuse saamirina xal ma ah. Xatooyo xoolo dadweyne xal ma ah. Xinjiro loo loogaana oo lagu sooryeyaana xal ma ah. Casharkii dugsiiya da carruurtoo laga joojaa calashaan fadligiisa xal ma ah.



Reer Qaaxo :Ma ogtahay aqoonta ammaah la iskuma siiyee, Ma ogtahay aqoonta miyaa la soo er gistaa? maahaa waa intuu qofba eeba gashaa ayay nala tahay, ma ogtahay Mujaahid dib looma a buuro dadkee.”



Dhaawacii: Mawlaxda dhaawacyaga habeen hore ayaa la noo qadimey. Waa sobobta Cabudla na geysey. Ciil ma qabno, cadho ma qabno. Beedalka waa la isku ogaaye Baroor ha i maqashiin.

 

 

 

 

 

Haamud Duale