Gabaygan waxa layidhaa kala maan, waxaa curiyay Abwaanka Wayn ee Cabdi Cismaan Ibraahim ( Cabdi Siyaaro).



Gabaygani wuxuu ka hadlayaa sida magiciisa ka muuqata  dad ku waa kala maan, duniduna waa kala maan,gabaygaana inoo iftiimin doona. wuxuu ku bilaabay gabaygiisa sidan:

 

 

Ragu inuu ismaan dhaafi uuna abid midoobaynin

Mabdi’iyo inaan aragtiyaha laga masoobaynin

Ninba maskax ugaariyo inuu mawjad saxa haysto

Madmadow inuu kala dhexgali oon muran la daynaynin

Maangaabkii liitaan ogay maqanihii jooga

*********

Waqtigani nin raga maydhay een tiisa la maqlaynin

Waqtigani maraan liita iyo nacaska meeleeyey

Waqtigani munaafaqu taliyee muumin la takooray

Waqtiqani xaqii mugdigu galay ee dulmiga muujay

Waqtigani maxkamadihii noqdeen saylada macaashka

Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga

*********

Waqtigani muftiga caalimka ah jaahil muransiiyay

Waqtigani ninkii jaamiciya badow jikaaraayo

Waqtigani manuuskii xun iyo macangag taageeray

Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga

*********

Waqtigani marwooyinkii haween meel kastaba taagay

Ee marduufyo qaadiyo ku raray kolay maraatayna

Ee ragii mujulis kala dhigee maydhay sumcadoodiii

Masaariif inay u raadiyaan maatidiyo qoyska

Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga

*********

Waqtigani maalkaan dhaqanayniyo midhihii naafeeyay

Waqtigani magoolkii dhirtiyo mankii nabaad guuray

Waqtigani cirkii mayayi jiray maraqa loo jiiday

Waqtigani adduunyada ay mari mucjiso dheeraada

Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga

*********

Waqtigani ismaqalkii dadkiyo maxabadii maydhay

Waqtigani dadkii kala madhee maafiyada raacay

Waqtigani mirqaankiyo barjuhuun la isku madadadaasho

Waqtigiyo malaasinkan fasaqan ee la maskax guuray

Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga

*********

Waqtigani casriga lagu matalay duni macaan beeshay

Waqtigani masiibada batee magacyo loo sheego

Waqtigani ay moobilada sidan mowjadihii beentu

Waqtigani muraayadu ku tusi meel kasta ood daawan

Waqtigani ay mari adduunyada mucjiso dheeraada

Maangaabkii liita ayaan ogayn maqanihii jooga.

 

*********

 




Waxaanu idiin soo gudbin doonaa gabyo qiiro leh oo taxane ah oo uu tiriyay Abwaan Cabdi Siyaaro oo ka tirsan Ciidanka  Qar anka Somaliland.
 

 

 

 

 Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Somaliland