WAA  GABAYGII Midabalay

 

 

gartan murugtay iyo
mashaqada dhacdee
mudaneey hargays
lala maagay iyo
murugada jirta
maskaxdaba ka wayn

waa maalin culus
dhacdo meeriskeed
meel lagu qorta

aheey meel shishiyo
maankiyo qalbiga
way ku meeraysa

markaan dayo guryaha
muslin aan wax galin
waygu meeraysa

xinjiraha marmiyo
mulacyaynta dhiig
madaxyada cidlada
kalidood maree
muska laga heliyo
maqaarada badalan

milicsiga ishay
naftu maagtayo
maanku inuu rogmaan
muusow sigtee
masiibadu cusla

nabadii mudnayd
waa ta mar qudha
la mildhawsadee
muska laga guree
gaaduhu na miray

rabow magansiga
kama maaranee
dhib maleegihiyo
naga qabo mid xume

afarta dhe miim
mowjadaha sariyo
maayadaha lagdama
mid kaleeto waa
mulaax diirashada
kolkaan maanso iyo
gabay maaganay
wadadaan u maro

qaaf iyo majiid
inta miimku gallo
lagu soo munguro
xadiis muu ahaan
makalaha naftoo
janno maaxayee

tallow mawlaheen
macbuudkeena wayn
maxuu odhan illaah

iblays baa makalay
marinkii ka riday
waana maqan yihiin
tallow mawlaheen
macbuudkeena wayn
maxay odhan illaah

maah maah fogba
miisaanka tidhi
dab munaafaq shaday
muuminow ku gubo

mudanow kamaal
waa mahadho tani
meel la salaara iyo
maqaar loo dhigayn

waa mashaqo qaran
dad midaysayoo
midigtays qabsade

codku waa miduun
kama maaranee
midigtays qabsada

ku mitda xornimo
calan keena muddan[dhuka ku qotoma
kama maaranee
midigtays qabsada

afartaa dhe miim
mowjadaha sariyo
maayadaha lagdama
midkaleeto waa
mulaax diirashada
kolkaan maanso iyo
gabay maaganay
wadadaan u maro

mar waxaan idha
aniga maskiyo
abeesada malmalan
isku soo maro
marta soo gashtoo
ku macsuumay dhagar

mar waxaan idha
waad maarantee
nabadaada maal
misna kuma tashado
malow iyo qaniin
mugdi inay socdan

mar waxaan idha
maandeeq hashii
maantay dhashee
mahiigaan da,i iyo
carro roobku miray
mahad doogu baxay
maqahsow dhigoo
meerisyada ku celi
maxastana ku kori

mar waxaan idha
mala waan hurda
iska miir kaca
waxaan muuqan iyo
midab yaan arka
madow iyo casaan

qaasin mahadhadii
wuxu yidhi mar kale
waxan ahay macaan
malabkoo kaliyo
maalay qadhaadh
mowdkiyo dirkii

ana waxan ku milay
mustafow ku xidhay
murtidana ku ladhay
madaxow dadaal
shacbowna maqal
magansada ilaah

 

 

 


Mowliid Aaden Qolqol