Gabay Uu Daahir Riyaale U Tiriyey Shacabka Reer Somaliland




1-Somaliland waxaan u ahay duq iyo waayeel

2-Dar illaahay weeyaan inay Ani i doortaane

3-Mar hadday waxay doonayeen damacii beenoobey

4-Oo aan rag ii daacadoo dirira aan yeeshay

5-Mar haddaan hubkay ila damceen dib ugu liishaamay

6-Oo aan dagaalkay galeen daaqad kala boodey

7-Mar haddaan waxaan doonayaba cidiba diidaynin

8-Oo aan damaashaad ku maro dunida guudkeeda

9-Dantaydii haddaan gaadhay oo daaro badan jeexday

10-Inay duubka boqor ii xidhaan doorkan waan heliye

11-Shicibkaa i doortee ninkii dudaya yeelkiise

12-Deeganta roob baan u ahay dayrtan maanta ahe

13-Hadday Daahiroow leeyihiin diif intaan badaye

14-Markaasaan u daadshaa nin helay doollar baan ahaye

15-Dekedaha markaan xidhay miyay doonni wadda raacday

16-Iyagaa is dooxee cidkale uma dulloobeene

17-Dalluun laguma tuureen waxay doonayeen abide

18-Derbiyada ma jiifeen agoon loo daweriyaa

19-Durbaan uma garaacdeen Nimaan ahayn hawl kar daacadahe

20-Dastuurkay dhigteen iyo haddaan doorashaba diido

21-Waa ii diyaar ciidankii daacadda ahaaye

22-Iyagoo dubaabado watiyo kaare daba jooga

23-Duhur sow ma layn karo iyagaa doortay cadowgoode

24-Haddaanse dawladnimaday rabeen dabin u soo qoolay

25-Oo aan kuwaan hore u dilay cidi u doodaynin

26-Mar haddii diktooradii la xidhay duudsi laga yeelay

27-Isku duubnidoodii haddaan deyr u kala ooday

28-Derejadii Siyaad ii xidhaan daawadeed helaye

29-Oo ay dibnaha ruugayaan diricyadoodiiba

30-Inaan Xamar ku daro baan rabaan doorkan maanta ahe

31-Allahayoow waxaan daarranahay doqoni waa moogee
 

 

 

 

Calikhadar Xasan Cismaan
SWEDEN