Gaadhi Tikniko ah iyo ciidan ka soo goostey kooxda nabad d iid ka ah ee khaatumo iyo ciidanka Somaliland oo si la yaab leh u soodhaweeyey

 



Taliyaha Ciidanka qaranka ee Qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa sheegay inay Unugan iyo baabuurka ay wateenba lagu qaramayn doono ciidanka qaranka...


Sool (TNN):- Taliyaha Ciidanka Qaranka ee qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa caddeey ay in xalay abaaro 8:00 cawaysnimo ay ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay gobolka Sool ay soo gaadheen unug dhawr iyo toban xubnood ah iyo Baabuur Tikniko ah oo ay wateen, ku waasi oo ka soo goostay kooxda Nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo.

Taliyaha Ciidanka qaranka ee Qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa sheegay inay Unugan iyo baabuurka ay wateenba lagu qaramayn doono ciidanka qaranka.
a0a90c72ed87f50700a7641f9d44f92a_M
Taliyuhu waxa uu sheegay inay u mahad celinayaan soona dhaweynayaan muwaadiniinta la k halday ee la hubeeyay, waxaanu inta kale ee baaqiga ku sii ahna u soo jeediyay inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland oo ay iska dhigaan hubka.

Mid ka mid ah kooxdan oo halkaasi ka hadlay ayaa ciidanka qaranka ee jiida Sool uga mahad celiyay sida ay diiran ee loogu soo dhaweeyay duleedka Laascaanood, waxaanu xusay inay ka soo goosteen kooxda Khaatumo ka dib markii ay ka waayeen wax rejo iyo naruuro ah oo ay u hayaan bulshadda.

Maah markiiugu horesay ee ay ciidan tikniko wataa ay ka soo goostaan kooxda nabad diidka ah ee khaato seeg. Dhawaan ayey ahayda markii ciidan iyogaari tikniko ah ay kazoo joogteen. Ciidanka Somaliland ayaa marwalba sidiiran u soo dhaweeya ciidankaasi.
 

 

Timacade News Desk
Sool ,Somaliland