ogaysiis ay soo saareen kdqs

 

Xasuusnow! Inaad kaadhkaaga Cusub Ka Doonato Goobtaad Iska Diiwaan-gelisay 13-19 May Bilaabo 7:00 Subaxnimo ilaa 6:00 fiidnimo Oo Jimcuhu Ku jiro.

Waxaad ogaataa in aanu ololahani ahayn isdiiwaangalin cusub. Dadkii hore isu diiwaangali yey ayuunbaa heli karo kaadhka cusub.

Haddii aad tahay 16 jir iyo wax ka weyn, isna diiwaan galisay xilligii Isdiiwaangalintii hore ,waa in aad ku laabata goobtii aad hore isaga diiwaan galisay si aad u qaadato  kaadhkaa ga cusub ee codeynta inta u dhexeysaa 13 ilaa 19ka bishan May ee aynu ku jirno.

Si aad u qaadatid kaadhkaaga cusub waa in aad la timaadaa kaadhkaagii hore meeshii aad markii hore iska diiwaangalisay;

Waa in aad qaadatay kaadhka cusub si aad u codeyn karto Doorashada Madaxtooyada;

Waa in aad si shakhsiyan ah u doonataa kaadhkaaga cusub, sababtoo ah cid kale kuuma soo qaadi karto;

Waa in aad kaadkaaga cusub ka doonataa goobtii aad markii hore iska diiwaangalisay;

Haddii aad ilowday goobtii hore ee aad iska diiwaangalisay markii hore, waxaad tagi kart aa Xafiiska Doorashooyinka Qaranka ee Degmada si aad u ogaatid goobta aad ka doonan kartid kaadhkaaga;

Kaadadhka cusub waxa laga doonan karaa goobaha lagu bixinayo inta u dhaxeysaa 13ka ila 19ka bisha May ee aynu ku guda jirno.