February 20,2011, oo ku beegan sannad guradii 29 aad ,ee dhacdadii dhagax tuurka,waxay mudan tahay in loo aqoonsado maalin Qaran

 




Waxaan marka hore salaanta islaamka u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland , meel walbba oo ay joogaana ba, Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.


Maanta ,
Feb 20,2011, oo aan xusaynno sannad guuradii 29 aad, ee ka soo wareegtay maalintii ardayda  dugisy ada magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso , taariikhdeeda la qoro , loona aqoonsado maalin Qaran.


Haddii waqtigu ii saamaxo, waxaan si kooban
isku dul taagi doonaa maalintaasi halka aan ku sugnaa, jawiga mag aalada Hargeysa iyo mashaqadii goobtaa ka dhacday.


Waxaan ka mid ahaa ardaydii dugsiyada sare ee joogtay markii maxakamadda la keenay macallimiintii,dhakhaat iirtii,aqoonayahanadii dhallinyaradii UFFO,ee xaq darrada lagu xidh xidhay,iyadoo sabab looga dhigay , maxaad ug a damqateen dhibta iyo caddaalad darrada lagu hayey shacabka.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka magaalada Hargeysa iyo xaaladda murugada leh ee uu ku sugnaa 1982 , ahaydna runtii arrin laga  d amqado,laga gil gisho,waxaanay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFFO , ay u guntadeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga  qar san karin,ee bulshadii laga cuna qabateey ey … Dawo aad u doonato dhaafee,nadaafad darrada, tayo xumada , curyaaminta iyo dayac tir la’aanta loo  gey stay,ayaanay nafiba kuu geyseen, haddii aad waqtigaa Hargeysa  joo gi lahayd.


February 20,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo, waxaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadhay,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana faraha ka haadey , ciidankii Siyaad Barre jaha wareer ku habsaday, miciinna u arkeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Hargeysa.Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weedhaadu ma gasho,” waana maalintii keligii taliyihii Afweyne Barre ,Basaasiintiisii iyo Qabbaanadiisiiba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,loona dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhumuc roonaaday rasaastoodii !!!


Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee
ardaydii ku shahiiday  maalinta asi,waxaanan ilahaay uga baryayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabiyo.Waxaan kale oo aan tacsi gaar ah u dirayaa, ehelkii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aad isu naqaanay ,kana mid ahaa ardaydii dhagax tuurka, ee ku naf wayday rasaastii dhiigyo cabkii Siyaad Barre sida arxan darrada ah ugu furayeen ardayda .


Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan
hambalyo u dirayaa dhammaan dhalinyarada Somaliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada , u shaqeeya , difaaca , ilaaliya , kuna dada ala inaad gaadh ka haysaan Nabad gelyada,Jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland , ee lama taabtaanka ah , naf iyo maalnna aynu ku bixinnay.



February 20 ,2011, oo ku began sannad guuradii 29 aad ee maalintii dhagax tuurkii ardayda iskuulada ee magaal ada Hargeysa , ay dhagaxa kala hor tageen askartii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, waa maalin mudan in si weyn loo xuso ,taariikhdeeda la qoro, loona aqoonsado maalin Qaran.




 

 


 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
February 20 , 2011