Faysal A.Warabe oo Maydkii UCID ka dul dhaqaaqi la’ iyo Aqoonyahan Jamaal oo Saluugay



 


Sida maanta ka muuqata saaxadda siyaasadeed ayaa waxa mar qudha daaqadda ka baxay Xisbi gii UCID oo laga waayey dardartii iyo dhaqdhaqaaqii lagu arkayey tan iyo markii uu Aqoonyahan Jamaal ku soo biiray. Waxa taasi markhaati ka ah in Faysal iyo Jamaal laga waayey fagaarayaas hii lagu yaqaanay isla markaana labadii isu soo baxii ugu dambeeyey aad looga dareemay wadan ka oo dhan iyo saxaafadda.

Waxa kale oo muuqata oo aan qarsoonayn in dad badan oo loo arkayey in ay UCID tiirar u yihiin oo la arkay iyaga oo u digo rogtay ururro iyo xisbiyo kale sida Suldaanka Guud ee Ciidagale Sul dan Maxamed Suldaan Cabdiqadir oo ka mid ahaa odayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii 8da qodob ahaa ee ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale waxa iyaduna cadayn u ah iyada oo hogaamiyeyaashii UCID khaas ahaan Faysal uu ka dar daar warinayo doorasho wadanka ka dhacda isaga oo dhawr jeerna ku cel celiyey hadallo m uujinaya in aanuu xisbigoodu ku qancaynin natiijada soo baxda haddii laga badiyo.

Haddaba waxa dad badan ayaa dood culus ka yeeshay sababaha keenay in UCID mar qudhaata uun naaquso oo hawada ka baxo. Dadka siyaasadda Somaliland falanqeeyaa waxa ay tilmaama an in arrimo dhawr ahi sabab u yihiin hoos u dhaca ku yimid xisbigii UCID waxaana kamid ah kuwan.

1. Jamaal iyo Faysal qodobada 8da ah ee ay wada galeen waxa kamid ahaa in Jamaal bixiyo dhaq aalaha Xisbigu ku dhaq dhaqaaqayo Faysalna beeshiisa wada keeno xisbiga oo ay wada taagee raan. Hase ahaatee qodobkaasi muu dhaboobin. Marka koowaad Faysal beeshiisii waxa ay ku fi ridhay ururada iyo xisibiyada wadanka ka jira oo ay ugu horeeyaan Kulmiye, Rays, Wadani iyo U madda. Waxa dhacday in Beelaha Ciidagale badankoodu dadkii ay soo xuleen ka sharaxeen Xisbi ga Xaakimka ah ee Kulmiye oo uu ka mid yahay nin ka tirsan Faysal jilibkiisa hoose.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Rays ayaa isaguna iska sharaxay deegaanka Hargeisa isla m arkaana sharaxay rag kale oo ka tirsan Ciidagale. Sidoo kale rag kale ayaa iyagana laga sharax ay ururada Umadda iyo Wadani. Waxa intaasba ka sii daran in Suldaankii Guud ee Beelaha Isaaq isla markaana ka mid ahaa raggii Jamaal ku soo dhaweeyey UCID , mar qudhaata uun lagu dhex arkay isaga oo u ololaynaya ururka Xaqsoor , oo uu ka noqday Guddoomiye ku-xigeen ka tirsan.

Tani waxa ay Jamaal iyo taageerayaashiisa u caddaysay in Faysal aanuu taageeradii uu ku ballan qaaday waxba ka haynin haddii uu wax ka hayona aanay ahayn mid u dhiganta 30%, taas oo aa n u dhawayn cod Xisbi lagu noqon karo. Arrintan ayaa hadaba Jamaal ku keentay in uu isna jeeb kiisa haysto oo uu dalbado in reer kastaa soo saaro ninkiisa.

2. Sidoo kale heshiiskii 8da qodob ahaa waxa kamid ahaa in marka Xisbigu soo baxo in shirweyne loo qabto xisbiga oo Jamaal si sharciya loogu doorto Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga. Hase ah aatee culays badan ayaa arrintaa kaga yimid Jamaal waxaana lagula taliyey in Jamaal doorashad a ka hor sharciyaysto Musharaxnimadiisa taasina waxa ay keentay in shir Golaha Dhexe ee xisbi ga si deg deg ah oo aan qorshaysnayn loo qabto lagana gaadhsiiyo waqtiga ololaha ka hor.

Haddaba arrintan ayaa Faysal iyo taageerayaashiisa ku keentay niyad jab iyaga oo u arkay in Ja maal muujiyey kalsooni darro weyn oo uu ka qabo Faysal iyo taageerayaashiisa. Arrintan ayaa waxa ka dhashay in Faysal iyo taageerayaashiisu Jamaal u daayaan in uu culayskii xisbiga tuurta u rito maadaama uu noqday Musharax rasmiya. Halkaasna waxa ka dhashay isku-halayn iyo aami naad xumaan niyad jab dhaxalsiisay Xisbiga.

3. Asbaabaha kale ee BATTERY LOW ka dhigay UCID waxa kamid ah, 3) Xeer 14, 4) Tirada Xisaab aha Codadka ee Boqolayda, 5) Khilaaf soo kala Dhex Galay Aqoonyahan Jamaal iyo Faysal, 6) Hab dhaqanka Jamaal, 7) Hadalladii Qabyaaladda Qaawan ahaa ee Faysal, 8) Saddex Nujub oo astaan u noqday guuldarada xisbiyada, 9) Is duqayntii beelaysnayd ee taageerayaasha dibedda ee Fays al iyo Aqoonyahan Jamaal....... ee qaar kaloo badan ee LA SOCO QAYBTA DAMBE.........


 

 


Qore. Mujaahid. A. Raxman Dhereeye

Midlands,UK
a.dhereeye@gmail.com