Lafo-gurka Qalinka: Xaajo-ba La
Yaablehe Bal Aan Qodo Xabaalaha
“Fashilaada Siyaasadda Dibbeda ee Wasiir Daakhiligu Maradii Ka
Fayday”
Wasiirka Daakhiliga ee JSL Maxamad Nuur Carraale [Duur]
ayaa Jimcihii la soo dhaafay oo uu Warey si siiyey Warbaahinta
qaarkeed ka sheegay arrimo aad iyo aad uga fog diblomaasiyadda oo
khatar ku noqonaya amniga iyo xasiloonida dalkani JSL, sidoo kale
markhaati fur la raad raaci karo u noqonaya Mas’uulkii Qaramada
Midoobay ee warbixinta uu ka diray Somaliland ku sheegay in kooxaha
Al-shabaab soo galaan meelo ka mid ah dalkeena, iyagoo gacan ka
helaya xubno aanu magacaabin oo ka tirsan Xukuumadda.
Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Maxamad Nuur Carraale [Duur] waxa
isagoo guul siyaasadeed ka dhiganaya cilaaqaadka ay lahaayeen
Madaxweynaha Somaaliya uu ku faanay in ay saamayn toos ah ku
lahaayeen doorashadiisii, wallow aanay aqoon gaara isu lahay Xasan
Sh. Maxamuud “Isma Na qaano Ninkan Madaxweynaha Soomaaliya ah
shakhsiyan” ayuu yidhi Wasiir Duur oo Jimcihii ina dha afay u
warramay
HCTV, waxana isagoo sii baanaya uu intaa ku daray in
Soomaaliya aanay ka maar mayn marka laga hadlayo xoojinta wada
hadalladii inoo dhexeeyay “Waxa hubaal ah Soomaaliya inaynu u baahan
nahay inaynu xidhiidh la samayno, xukuumadda aan ka tirsanahayna
waxay la waday wada hadal, immikana insha allah waa lala sii wadi
doonaa , markaa Raad waanu ku lahayn doorashadii , waayo waxa jirta
Cid Somaliland u Cadow ah iyo cid wada hadalkii lala sii wadi karo,
markaa xidhiidhka aanu la lahayn waxa uu ahaa Xidhiidh war is
gaadhsiineed, weliba aniga iyo xubno aan ku jiraa xidhiidh baanu la
lahayn waxananu ka taxadiraynay cid wada hadalladii aanu la wadi
karaynaa inay soo bixi weydo.”
Haddaba, Madaxweynaha cusub oo ah kii ugu horreeyey ee ku hadlay af
marka gees Laga eego ka duwan Madaxweynayaashii Somaaliya soo maray
ee isaga ka horeeyay u muuqd in siyaasadiisa ku saabsanaa Somaliland
ay tahay mid Diblomaasiyadeed oo ka khatarteeda leh, loona akhriyi
karo inuu gudaha Somaliland ka ansixin doono midnimadii Somaaliya
sifaha uu doono ha u mare,maadaa ma uu caddeeyey inaanu xoog Ciidan
iyo cadaadis diblomaasiyadeed toona aanu ku keeni doon waxa cad in
ay biyo dhaca labadaas hadal ee wasiir Duur iyo Madaxweyne Xasan ay
meel ku biyo shubanayaan ah in Xukuumaddani diyaarinayso sifihii
shacbigu isagoo jahawareersan ku tegi kaha ayeen Xamar.
Taasna Astaamihaheedii ugu horreeyey ee ifafaalayaashan durba waa la
arkay, kadib markii dadkii dan yarta ahaa ee ku ganacsan jiray
jidadka magaalada Hargeysa ee iyagoo aan meel loo diyaarin maalin
cad la mariyey cagaf, oo si bilaa naxariis ah sandaqadihii.
teendhooyinkii iyo wixii u hoos yaal ayba la burburiyay, ay
badankoodii u yaaceen magaalada Muqdisho, si wixii ay ka gaadheen
hamb ada ganacsigooda halkaa uga samaystaan iyadoo Xamarna laga
siiyey goobo ay ku ganacsadaan.
Arrinta labaad ee uu ku dhawaaqay Wasiirku ayaa ah iyadoo aanay
Somaliland ka jirin Kooxo Al-sha baab ah oo dagaal kula jira
Qarankeena uu Mudane Duur u gacan haadiyey, taasoo uu waraysigiisii
Jimcihii ku soo qaaday tiraabtan, “Waxanu ugu baaqaynaa xubnihii
dhallinyarada ahaa ee fikirkaas qaatay ee dagaalladaas ka qeybgalay
ee ka mid ah Kooxda Al-shabaab, in haddii ay ka waan tooba yaan oo ay
si deggan u joogayaan, waxanu u fidinaynaa CAFIS.”
Haddaba, Akhriste/Muwaadin waxa Is weydiin Mudan Masuuliyadda cid
kasta oo xasiloonada heeg an u ah ka saaran qalalaasaha xagjirka
maadaama oo sida aynu ognahay uu la dagaallanka argagixisadu yahay
mid Caalami ah, Kooxaha Al-shabaab ee ka dagaalamaya Somaaliya iyo
meelo kalena ay ka mid yihiin meelaha ku shaambadaysan
argagaxisada?. Wasiir Duur’se ma yahay masuulkii odhan lahaa waanu
cafinay isagoo aan cidna kala tashan, ileen xil qaran buu hayaaye?,
Maxaase Somalialnd uu Saamayn ku yeelan karaa In si dhib yar loogu
gacan haadiyo tuke Baal cad oo Caalamku ugaadhsanayo, dawladdo uu
Mareykanku u horreeyona ay u kala sameysteen liisas kala duwan oo
qaarkood ku suntan yihiin kuwa la daydayayo ee loo haysto Jariimado
waaweyn.?.
Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badaniba waxa caqliga saliimka ahi ka
sugayaa jawaabtooda Md. Du ur, labadan Arrimood ee uu ku
dhawaaqaynayna haddii la dhuuxo nuxurkooda waxa ay noqonayaan
dhaawac xun iyo boog aan la dawayn karin oo ku dhacday siyaasaddii
Dibedda ee Somaliland, waa yo xataa haddii uu damacsanaa Madaxweynaha
cusub ee Somaaliya inuu gacan ka geysto Qadiyad da Madaxbannaanida ee
Somaliland, maanta shaag uma rogi karo, HAddii ay jirto wax tallaabo
ah oo dhinaca Somaliland u danaynayn lahaana waxa khashifay oo
fashiliyey hadalkii uu Wasiirkan Itixaad ka ahi ku iclaamiyey in
Somaliland saameyn ku lahayd soo bixitaankii Madaxweynaha cusub ee
Som aaliya, Taasina waxa ay Garashadayda saboolka ahi isku qancisay
inay muujinayso halkay Som aliland Madaxdeeda sare ka taagan yihiin
diblomaasiyadda, isla markaana dhianca kale digniin u tahay cid
allaale ciddii u soo hanqal taagaysay in si hab diblomaasiyadeed ah
wax ugala qabtaan Somaliland dhinaca aqoonsiga.
Ugu dambayn lafa gurka qalinka ee arrimahani waxa ay huwan tahay waa
la wada sugi, waana halkii Riwaayadii Caan baxday ee Xaajoba la yaab
leh bal aan Qodo xabaalaha, Waqtiguna wuu kala saari Muwaadinka sir
maqabaha ah iyo Munaafiqa Siyaasad gaara huwan.
Xasan Xuseen Keefkeef
Hargeysa, Somaliland
Togaherer@gmail.com
|