Farriinta Cali Gurey Beeshiisa u Diray Waa Arrin Ka Baxsan Milgaha Siyaasadda

 



Hargysa,(TNN)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf Cali (Cali Guray) ayaa shalay Beesha uu ka soo jeedo u diray hadallo iyo we edho ka fog milgaha Siyaasadda, kuwaasoo si dareen dhiillo liyo guubaabo leh uu ugu tebina yey inay ka digtoonaadaan xilal ka qabtaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

inkastoo ay suurtogal tahay in biyo-dhaca hadallada masuulkan aanu ahayn kuwo ujeeddad oodu tahay sidii dhacday Xukuumaddii Marxuum Cabdiraxmaan ee hal mar ay isku casileen dhowr oo ka soo jeeday Beesha Madaxweyne Siilaanyo, balse hadana marka la dhadhamiyo ereyada qaarkood waxa dulucda hadalladiisu u dhadhamayaan in arrintiisu tahay mid uu ku Xinniinyo taabanayo xubnaha ay isku Beesha yihiin.

Tusaale waxa Md. Cali Gurey ereyadiisii ka mid ahaa; “Reerka Sacad Muuse la yidhaahdo, ma rka Nin ka mid ahi uu xil ka doonanayo Madaxtooyadda waa in uu Xiniinyihiisa Xirsi u sii dhiib taa”. Isagoo intaa ku daray; Waxan hore ugu sii sheegay Boobe in aanu Xirsi kabo-qaad u noqonayn oo xilka laga qaadi doono.

Waa ereyo kakan oo runtii aan ku qurux badnayn in Siyaasi calaf-doon ahi ka tiraabo fagaar eyaasha Siyaasadda, maxaa yeelay Siyaasiga dhabta ahi waa Ninka taageero ka haysta Bee shiisa iyo Beelaha kale ee Qaranku ka kooban yahay, sidoo kale Ninka Siyaasiga ahi marka uu hadalladan oo kale ku dhawaaqayo waa inuu maanka ku hayaa inuu taageero uga baahan y ahay Beesha hoggaanka talada haya.

Waxa kale oo hadalladan loo fasiran karaa kuwo lid ku ah jiritaanka Qaranimada Somaliland, waxana haddii si kale loo dhigo waxa uu macnaheedu noqonayo Somaliland ma jirto.

Waxa kale oo Saaxiibkeen Cali Gurey seegtay in Somaliland ka gudubtay nidaamkii ku dhisnaa qabaliga, una gudubtay hannaanka dimoqraadiyada ee axsaabta badan, kaasoo suurto geliy ey in aabbe iyo Caruurtiisii ay ku kala jiraab Xisbiyo kala duwan, gurigana u wada hoydaan iyagoon wax xumaani u dhaxeyn.

Waxan arrinta gundhig uga dhigayaa, kuna af-meerayaa tallo ku socota Mujaahid Cali Gurey, taasoo ah mid aan ugu tebinayo si aan turxaan lahayn inuu da’yarta iyo bulshada inta caafimaadka qabta ka raali geliyo hadallada aynu kor kusoo sheegnay.


Source: Yool