Tog-Wajaale (Timacade News)-Cabdi Maxamuud Aw Xasan ,waa nin dhalinyaro ah oo laxaadka Aragga iyo Maqalkaba beelay isagoo 7 sanno jira.Taa waxaa u dheer, in dhammaan qosyskoodii aabihii,hooyadii ,walaalihii ,ay geeriyoodeen, kana nool yihiin oo keliya isaga iyo inanka walaalaha ay yihiin , ee immika isaga gacanta ku ha ya, walaw walaalkiina uu yahay nin iska dhibaataysan , oo isaguba gar gaar u baahan. Weriyahayaga Timacade News ee magaalada Tog-wajaale, C/rasaaq Muxumed Aw Daahir (C/rsiaaq Dhego) , oo arrintaa markuu maqlay ku booqday halka uu ku nool yahay wiilkani,ayaa wareysi la yeeshay walaalkii, oo magaciisa la yidhaado, Axmed Maxamuud, waxaanu yidhi ," Walaalkay meella ka ma tagi karo, waxna uma qaban karo, waxaa keliya een gargaar mar mar ka hellaa dadka jaarka ah , oo waxaanu cunno nagu kaalmeeya,mararka qaarkoodna maba hello. Buulka aan ku nool nahay na waxaa nagu caawiyey nin dadka degaanka ka mid ah." Axmed wuxuu ka codsaday weriyahayaga Timacade News ee magaalada Tog-waja ale , inuu dhammaan ummadka Somaliyeed u codsi ka gaadhsiiyo, oo ilaahay dartii qofkii awoodi karaa wax u soo taro. Ilaahay subxaana watacaale, nimcooyinka uu inna siiyey waxaa ka mid ah lixda la xaad, markaan dhexdeenna isku gar gar gaarnana, wuxuu inoo fidinayaa nimcooyi nkiisa faraha badan een la qiyaasimkarin. Haddaba, annagoo ka jawaabayna codsiga nooga yimid walaalkeen , waxaanu idi nka codsanaynaa, in qofkii ilaahay dartii u soo caawinaya nin kaa dhalinyarada ah ee laxaadkiisii Aragga iyo Maqalkba beelay, een cid caawisaana jirin , in wixii aad ku tari kartaan ugu soo hagaajisaan cinwaanka hoosta ku qo ran.
Dadka
ilaahay dartyii deeq lacageed soo gaadhsiiyey Cabdi Maxamuud Aw
Xasan:
|