Fadeexad Naxdin'leh Oo Dul Hoganaysa Wasaarada Gaashaandhigga Somaliland

 



Qoys uu dhalay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Qaranka oo geeriyooday oo Wasaarada Gaashandhigu albaabada ka xidhatay, kana goysay raashinkii.



Hargeysa, (TNN)- Hooyo Foosiya Maxamed waa hooyo Somalilander ah oo ninkeedii oo ka tirsanaa  sara akiisha Ciidanka Qaranka ee Somaliland oo la odhan jiray Sarkaal Maxamed Xuseen Rooble uu bishii  Sid eedaad ee 2010-kii oo ah mudo hada laga joogo dhowr bilood uu ku geeriyooday agagaarka Widhwidh kadib markii isaga iyo sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Adan Ruush ay ciidamo shufto ahi ay  rasaas eeyeen gaadhiigii ay wateen kadibna labadaas sarkaal ay sidaasi ku naf waayeen oo ku geeriyoodeen.



Hadaba caruurtii uu ka baxay marxuun Sarkaal Maxamed Xuseen Rooble oo ah Todoba caruur ah oo xoogaa yar kala waaweyn iyo marwadii dhashay oo ah marwo Foosiya Maxamed Ciid, ayaa si aad u xun ugu dayacan magaalada Hargeysa taasi oo aad ka naxayso marka aad u kuur gasho noloshooda iyo niyad jabka haysta ee kala soo gudboonaaday geerida ku timid caruurta aabahood oo la dilay isaga oo ku jira shaqo qaran.

Foosiya waxa ay noo sheegtay in ayna haba yaraatee waxa tacsi ah ayna ka helin Wasaarada  Gashaa ndhiga ee Somaliland iyo taliyaha ciidnaka qaranka mudane General Nuux Ismaaciil Taani, Foosiya oo ilmo ku taagantahay ayaa aad uga dayrisay sida loola dhaqmay iyada iyo caruurtii agoonta ahayd ee uu ka baxay Marxuun, Sarkaal Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa aan haystaa todoba caruur ah oo sanad sanad kala waaweyn, waxa la naga jaray oo lanaga  jooj iyay raashinkii aanu heli jirnay, waxa aanu in badan ku noq noqonay oo xitaa odayaal iyo cidkastaaba noogu tagtay taliyaha ciidanka Nuux Taani, waxa aanu ka soo istaagnay quus.


Ilmahayga ugu yar waxa uu dhashay ninkayga oo faranta jooga waanu na soo gaadhi kari waayay, isa ga oo nala soo hadlay uun noona sheegay in danta qoyskiisa ay ka horayso ta qaranku, isla markaasna aanu dhabar adaygno, waxa uu ahaa nin naxariis miidhan ah oo aad noo jecel aniga iyo  caruurtayad aba waxa aanu aad u jeclaa oo kale shaqadiisa uu naftiisii qaaliga ahayd ku waayay.

Waxa aanu u haysanay in uu ninkaygii uu ka baxay qaranka Somaliland oo dhan, lakiin waxyar kadib  wa xa aanu ogaanay in uu anaga oo qudhaata naga baxay, waxa aanu Wasaaarada Gashaandhiga u soo bandhignay in aqal na loo dhiso oo caruurta la iga caawiyo waxbarashadooda iyo waxyaalaha asaasiga ah ee nolosha ee la kari karo, taasna waxa is hortaagay oo aanu mari waynay taliyaha ciidanka Nuux Taani.

Waxa nasiibdaro ah in ninkii kale ee sarkaalka ahaa ee ninkayga ay mar wada dhinteen in caruurtiisii uu ka tagay markiiba ay dawladu u dhistay aqal isla markaasna dhul laga siiyay buurta kala jeexan, isla markaasna caruurta looga bixiyo fiiga iskuulada ilmihii ugu weynaana loo shaqaalaysiiyay, taasi anagu kama xumin waanu soo dhowaynaynaa ee anagu maxaanu galabsanay ee Nuux Taani uu noogu qori waayay in anagana la na siiyo intaas in le'eg oo ay caruurtii ay maanta geed hoostii iyo sandaqad yar ay ku noolyihiin.

Iminkana waxa aan ka codsanaynaa madaxweynaha anaga oo amaan u hayna iyo sharaf iyo Wasiirka Gaashaandhiga in la noo dhiso aqal aanu dhaxanta ka galno isla markaasna caruurta u sheegno in uu aabahood ka baxay dalka iyo dhamaan qaranka Somaliland oo dhan oo ayna ciil ku korin.

Hooyo Foosiya waxa ay xustay in xiligan ay noloshu ay aad u adagtahay isla markaasna ay guno aad u yar oo ay helaanba ay ku filantahay uun biyahooda bishii, waxa ay hooyo Foosiya Maxamed ay amaan u soo jeedisay ciidamada qaranka gaar ahaan kuwa ku sugan gobolada bariga oo ay sheegtay in ay  ciida madii yaqaanay Marxuun Maxamed Xuseen Rooble ay soo tacsiyadeeyeen kuwaasi oo aanu ku jirin nin sarkaal ah oo qudhaati, se ay ahaayeen ciidamadii uu marxuunku maamuli jiray, waxa aan  taageersan ahay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland gaar ahaana waxa aanu garab taaganahay ciidanka  qaran ka, sidaasi waxa hadalkeeda ku soo koobtay hooyo marwo Foosiya Maxamed Ciid oo ilmaysnaysa.



Hadaba marxuun sarkaal Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka soo jeeda deegaanka bariga Hargeysa  isa ga oo in mudo ah ku soo jiray ciidanka qaranka waxa uu ka mid ahaa saraakiil dhowr jeer dibada  waxb arasho ugu baxday waxana lagu waday in uu ka mid noqdo saraakiisha sar sare ee ciidanka qaranka, w axana uu ahaa muwaadin daacad u ah shaqadiisa iyo hawlaha qarankaba.

Waxa hubaal ah in arinta dhibka badan ee maanta haysta, qoyskani ay niyad jab iyo murugo ku abuuri doonto qoysaska kumanaanka ah ee ciidamada qaranka,waxana haboon in ay xukumaddu ay qoyskani wax la qabato, taasi oo loo kari karo waxa ay u baahanyihiin oo kuwo horeba loo qabtay.

Waxa kale oo aan ka codsanynaa dadka reer Somaliland siiba qurba joogu in ay kala xidhiidhi karaan  a goontaasi oo wax loogu hagaajin karo Account-ka Xawaalada Qaran Express ee hoos ku qoran.

Foosiya Maxamed Ciid: Acount No" 2136"
Hargeysa  Somaliland

 

Source:Qaran news