Faallo: Muxuu Cismaan Hindi Ku Daboolayaa Ku Eedaynta Xisbiga Kulmiye “Al-Shabaab”?

 


Xisbiga Kulmiye waa Xisbiga ugu weyn Axsaabta Mucaaradka Somaliland waana xisbi ay taageerayaashiisa aad ugu badanyihin geesiyadii iyo halyeeyadii Ururkii SNM ee ka  sama tabaxashay dadka iyo dalka Somaliland halistii weyneyda ee soo foodsaartay  jiritaanko oda xilligii Taliskii Siyaad Barre. Waa xisbi daacad u ah qadiyadda, qaranimada iyo  aqoon siga Somaliland diyaarna u ah markasta ka difaaca dadka iyo dalka cadowga gudaha iyo dibedda sida ururka argagixisada ee Al-Shabaab iwm. Waa xisbi ay ka go`antahay inuu dalka ka hirgesho nabadgelyo dhab ah kuna maamulo cadaalad iyo horumar si weynna uga soo horjeeda siyaasadda xukuumadda Daahir Riyaale oo dhaawac weyn u geysatay sumcaddii iyo aqoonsigii Somaliland. Xisbiga sidaas qiimaha iyo sharaftaweyn ugu leh dalka Somaliland ayaa madaxdiisa iyo taageerayaashiisa Cismaan Hindi ku eedeeyay inay ka tirsanyihiin ururka argagixisada ee Al-Shabaab. Eeedayntaasu waa dembi culus oo meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada ummadda dhaawac weynna ku ah sumcadda qaranimada Somaliland waana arrin aan si fudud loo dhihikarin haddii aanay hordhac u ahay dhagar qarsoon oo qaranka loo maleegayo.


Haddaba su`aashu waxay tahay muxuu Cismaan Hindi ku daboolayaa ama ku qarinayaa ku eedaynta Xisbiga Kulmiye ururka argagixisada ee Al-Shabaab? Runtu waxay tahay  w axaa Cismaan Hindi eedayntan ku daboolayaa falal argagixiso halis ah oo xukuumadda  Da ahir Riyaale maagantahay inay dalka ka riddo si loo wanjalo doorashada madaxweynaha caalamkana loo tuso in aan nabadgelyo ka jirin Somaliland sidaas darteedna aan  dooras ho laga qabankarin. Sida muuqata falalkan argagixisada ah xoogada waxaa lagu  eedayn ayaa oo lagu masabidayaa ururka argagixisada Somalia Al-Shabaab qaarna waxaa lagu masabidayaa Xisbiga Kulmiye si loo wiiqo awooddiisa mucaaradnimo ee dalka.



Maadaama madaxweyne Daahir Riyaale ka rajo-dhigay muddo-kordhin dambe oo Golaha Guurtidu u sameeyo ogna inaan dibdambe loo soo dooranayn ayaa waxa uu maciin  mood ayaa maleegidda falal argagixiso uu dalka ka rido oo lagu khalkhalinayo nabadgelyada  da lka si doorashada madaxweynaha loo baajiyo. Daahir Riyaale iyo kooxdiisu waxay falalkan argagixisada ee qarsoon u arkaan habka keliya ee ay ku baajinkaraan doorashada kuna sii haysankaraan xukunka dalka. Falalkan argagixiso waxaa intooda badan lagu  ugaadh sanayaa mas`uuliyiinka iyo saraakiisha Axsaabta Mucaaradka (rayid iyo ciidanba), Xubn aha Golayaasha Qaranka, saraakiisha Sare ee Ciidanka Qaranka iyo culimada dalka  caan ka ka ah ee caadiga ah ee ka soo wada horjeeda xukuumadda Daahir Riyaale si loo wiiqo Axsaabta Mucaaradka, la iskaga horkeeno Beelaha Somaliland marmarsiiyana loogu helo baajinta doorashada madaxweynaha nabadgelyo-xumo awgeed.



Falalka aragagixisada ah iyo dhagarta dilalka siyaasadeed ee qorshaysan oo ay  malee gayso xukuumadda Daahir Riyaale si loo baajiyo doorashada madaxweynaha loona wiiqo qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland waxaa muuqata inay u qaybsantahay 2 qaybood. Qaybta koowaad waxa weeye falal aragagixiso oo lagu qaadayo Axsaabta Mucaaradka iyo dadka kale ee ka soo horjeeda Maamulka Daahir Riyaale dabadeedna lagu  masabid ayo ururka argagixisada Somalia ee Al-Shabaab. Qaybta labaad waa falal argagixiso  xuk uumadda Daahir Riyaale ku qaadayso shakhsiyaad kooban oo taageersan ama ka tirsan xukuumadda iyo dhawr xarumo dawladeed si loogu qaldo dadka looguna qariyo falalka argagixisada qaybta kowaad ee xukuumaddu fulinayso. Qaybtan dambe waxaa la rabaa in lagu eedeeyo ama masabido inuu ka dambeeyo Xisbiga Kulmiye. Waxaa la xaqiijinayaa in xukuumadda Daahir Riyaale u diyaaryihiin dadkii dalka ka fulinlahaa hawlaha argagixisada.



Falalkan argagixiso ee dalka dhawaan ka dhacay waxaa ka mid ah
:


- November 1, 2009 : Waxaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka  Qa ranka Somaliland Eebbe haw naxariiste Gaashaanle Sare Cismaan Yuusuf Nuur isaga oo maraya magaalada Laas Caanood dhexdeeda. Dilkan qarsoon waxaa la aaminsanyahay in loola jeeday sidii la iskaga horkeenilahaa Beelaha kala dega Togdheer iyo Sool waxaana dilkan argagixiso salka dhigay madaxtooyada Daahir Riyaale Kaahin.



- November 4, 2009 : Waxaa dil gaadmo ah ka baxsaday Xildhibaan Moxamed Faarax  Qab ille oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland isaga oo ay weerarkaas ku soo qaadeen laba nin oo afka ka xidhan goor uu sii gelayay gurigiisa. Mudane Qabille waxa uu ummadda iyo saxaafaddaba u sheegay in madaxweyne Daahir Riyaale ka dambeeyo isku dayga dilkiisa.



- December 2, 2009: Waxaa Ciidanka Qaranka ee aagga Sool xabsiga dhigeen Cabdifataax Muuse Yuusuf oo ah sarkaalka sirta ugu sarreeya Gobolka Sool ee Maamulka Riyaale. Cab difataax waxaa Ciidanka Qaranku xidheen markii uu qirtay inuu ka dambeeyay dhigidda laba ka mid ah miinada qaraxda oo la dhigay meherada laba nin oo ganacsato ah kalana ahaa Cabdiraxmaan Ibrahim Muuse iyo Mustafe Daahir Axmed. Labadan ganacsato oo lagu xidhay magaalada Laas Caanood lana rabey in lagu eedeeyo looguna wanjalo dilkii Taliyihii Qaybta 12 aad waxaa la siidaayay December 8, 2009. Miinooyinka qarxa ee uu qirtay inuu ka dambeeyay dhigidooda Sarkaalka sirta ee Daahir Riyaale, Cabdifataax  Mu use Yuusuf, waxay isku noocyihiin miinadii lagu dilay G/Sare Cismaan Yuusuf Nuur. Guddii loo saaray baadhista dilkii Taliyaha Qaybta 12aad waxay sheegeen inuu dilkaas ka  mas`u ul ahaa madaxweyne Daahir Riyaale. Markii sirta dilka Taliyihii Qaybta 12aad ay ka  fash ilantay

Madaxweyne Riyaale ayaa waxa uu xoogsaaray in xukunka Cabdifataax loo soo  wareeji yo Hargeysa si keligii loogu eedeeyo dilkii G/Sare Cismaan Yuusuf isna uga badbaado  fad eexad weyn laakiin Ciidanka Qaranka ayaa arrintaas gashaanka ku dhuftay si cabdifataax maxkamad loogu saaro magaalada Laas Caanood oo ah meeshii falka dembigu ka dhacay.



- December 14, 2009 : Waxaa qarax miino ka dhacday magaalada Laas Caanood ka  badb aaday G/Sare Indho Balac oo ah Taliyaha Qaybta 31aad ee Aagga Sool. Miinadu waxaaa la sheegay inay la xidhiidhay miinadii lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad G/Sare Cismaan Yuusuf Nuur.



Falalkii argagixisada ahaa ee dalka ka dhacay falalkan kor ku xusan ka hor wax raad ah lagama hayo, kuwan dhawaan dhacayna xukuumaddu way ka cagajiidaa baadhistooda ama dembabisaysaa taasuna waxay caddaynaysaa in falalkan argagixiso ay ka dambayso xukuumadda Daahir Riyaale.



Waxaa la aaminsanyahay in qorshahan qaran-dumisnimo ee ku salaysan argagixisada ay Maamulka Daahir Riyaale kula jiraan Maamulada Jabuuti iyo Somalia oo si weyn iyagu uga soo horjeeda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, fal kasta oo fool xumo ahna la  male egaya Daahir Riyaale si aan doorasho dalka uga dhicin loona aqoonsan. Saddexdan (3) Maamulba waxay aaminsanyihiin in haddii doorasho dalka laga qabto uu xukunka dalku gelayo gacanta madax daacad u ah qaranimada iyo madxbanaanida Somaliland  dabade edna la aqoonsandoono muddo aan fogeyn. Jabuuti waxay noqotay xarunta lagula dagaallamo midnimada iyo qaranimada Somaliland.



Sida lala wada socdo waxaa Daahir Riyaale hore u laalay Dastuurka dalka, waxa uu isku boobay awoodihii fulinta, garsoorka iyo sharci-dejinta dalka, waxa uu aad u wiiqay  dhaq aalaha dalka taas oo keentay in Somaliland noqoto maanta dalalka ugu musuqmaasuq badan adduunka, waxa uu dhawr jeer horjoogsaday doorashada madaxweynaha, waxa uu ku xadgudbay xuquuqda insaanka isaga oo siyaasiyiin caan ah, weriyayaal iyo  dadwe yne dhallinyaro u badan xabsiga dhigay sabab la`aan, waxa uu dil, dhaawac iyo xadhigba u geystay dad rayid ah oo si salmiya u banaanbaxayey, waxa uu waxbadan isku dayay inuu iska horkeeno beelaha Somaliland, waxa uu shaqada qaranka ka horjoogsaday  Gola ha Wakiilada ee sharci-dejinta dalka arrintaas oo aan addunka ka dhicin, waxa uu  waxb adan khalkhalgeliyay nabadgelyada dalka, waxaana uu jebiyay heshiisyo heer qaran iyo heer caalamba ahaa. Intaas oo dhan waxa uu kas ugu wiiqay sumcaddii Somaliland si aan loo aqoonsan dalka isla markaana aanay u hanaqaadin dawladnimada iyo qaranimada  So maliland. Dhammaan arrimahan oo ah dembiyo khiyaamo qaran iyo qaran-dumisnimo lagu mijaxaabinayo jiritaanka Somaliland waxaa Daahir Riyaale la maleega cadow sokeeye iyo cadow shisheeye.



Waxay ahayd arrin aan marnaba la filayn in Daahir Riyaale Kaahin oo si weyn ula safnaa Taliskii Moxamed Siyaad Barre laguna eedaynayay dembiyo culus loo doorto  madaxwey naha dalka dabadeedna laga sugo inuu dacaad ugu adeego dawladnimada iyo  qarani mada Somaliland. Waxaa kale oo aan iyadana la filayn in kelitalisnimo dambe oo weliba huwan qaran-dumisnimo ummaddu sii daawato oo aan laga hortegin waqtiga ku habboon lana diidin in marba mudada loo kordhiyo. Weli taariikhda adduunka laguma hayo dal kuwii laga xorreeyay markiiba gacanta loo gesho lagana sugo wanaag. Dib-u-heshiisiinta ummadda waxay ahayd in la soo afjaro dagaallada sokeeye lana walaaloobo si wadajir ahna loo hirgesho nabadgelyada iyo dawladnimada dalka ee ma ahayn in madaxweynaha dalka la doorto eedaysane aan nacayb iyo xumaan ka bogsan. Si loo wiiqo dawladnimada iyo aqoonsiga Somaliland, wuxuu Daahir Riyaale xukuumaddiisa ka buuxiyay hadhaagii Taliskii Siyaad Barre iyo damiirlaawaal laaluush ku nool ah oo dadka iyo dalka midna dan ka lahayn. Haddii aan taariikhda, dawladnimada iyo qaranimada laga ilaalin cidda wax u dhimaysa waxaa laga dhaxlaa nabadgelyo-xumo iyo burbur. Waxaa la sheegayaa in labada jasiiradood ee kala Sacaadiin iyo Ceebaad oo ay leedahay Jamhuuriyadda Somaliland uu Maamulka Daahir Riyaale ka iibiyay laba nin oo ganacsato ah oo Jabuuti u dhashay. Haddii arrintaas run noqoto waxay la mid tahay gobol dalka oo la iibshay.



Doorashada Daahir Riyaale waxaa dhabarka loo jeediyay laguna wacadfuray Halgankii  H ubaysnaa ee SNM oo dadka iyo dalka ka badbaadiyay Taliskii Siyaad Barre, nabsigii  waca dfurkaasna maanta ayaa la hayaa dhibkiisa. Qabyaaladda iyo isnacaybka waa cadowga nabadgelyada dawladnimada, horumarka iyo taariikhda ummad. Siyaasadda waa la isku khilaafaa laakiin wadaninimada iyo qaranimada la iskuma khilaafo waayo waa qaran-jab waana arrinta baabi`isay Somalia. Maanta cadowga Somaliland waxa uu sacabka u  tuma yaa dhibaatada Daahir Riyaale dalka ku hayo waxayna u haystaan geesi Somaliyeed oo aaminsan midnimada Somaliyeed..



Nabadgelyada oo hirgasha iyo doorashada madaxweynaha oo si nadiif ah waqtigeeda loo qabto waa labada arrimood ee ugu muhiimsan oo aqoonsi dhakhso leh u keenaya  Somali land waana labada ay Daahir Riyaale iyo cadowga la safan ay rabaan inaan midna  hirge lin oo ay ka hortagaan waana sababta Daahir Riyaale markasta u jebiyo heshiisyada uu galo.



Waxaa muhiim ah in aad looga fejignaado shirqoolada iyo falalka argagixisada ku  salay san qaran-dumisnimada ee ay maleegayaan Maamulka Daahir Riyaale iyo cadowga  shis heeye ee la safan isla markaana aad loo adkeeyo nabadgelyada xafladaha iyo kulamada.

Haddii Daahir Riyaale iyo kooxdiisu ku wanjalaan doorashada madaxweynaha falal  argagi xiso, xaalad abuur, qasidda Komishanka Doorashada ama inta doorashada la qabto ay musuqmaasuq ku boobaan waxaa markaas khasab iyo waajibba noqondoonta in dulmiga iyo qaran-dumisnimada loogu galo daaraha lana burburiyo si loo samatabixiyo dadka, dal ka iyo qaranimada. Somaliland Ha Noolaato.


 


Ibrahim Hassan Gagale

Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: December 15, 2009.