XUKUNKA HUBAAL MAAHA HAWL YARI HADAYNU NAHAY SHACIBI GA WAA INAYNU FADHIGA KA KACNAA DEGDEGNA UGA JAWAABNAA


 


Salaan Ka dib qoraalkaygani maaha Caadifad iyo Mid qabiil ku dhisan toona, Akhristaha Sharaf ta leh waxaan Xusuusinayaa Askarta Saxaafadu waa Shacbiga Sidoo kale Tooshka Shacbiguna waa saxaafada Madaxa banaan, ku darsoo aqoon uma lihi ragaa wargeyska hubaal ee sida sh arci darada ah loo xukumay, laakiin mid kamid ah ayaan wajigiisa ku arkaa saxaafada.


Aan ku dillo dawna yaan Bixinin, mihnadaada aan xayiro, xadhigna kuu raacsho, miyaanay aha yn arintan Hubaal, hadaanu nahay shacbiga waxaanu leenahay ma ogolin.

Akhriste wax inoo hadhay ma jirto waxaynu ku dhacnay tubtii kaligii Taliyaha  waxa taas mark haati u ah talaabada waxashnimada ah ee lagula kacay Saxaafada Madaxa banaan oo ah Golaha Afaraad ee Qaranka.

Hadaynaan ka Dhiidhiyana waxay ina dhaxal siin doontaa Meel ay adkaan doonto inaynu wax ka qabano oo ah inaynu jabhadayno iyo in aynu dawladaha jaarka magan galyo Siyaasadeed Waydiisano.



Gunaanad

Akhriste isla Wiigan waxa aynu abaabulaynaa Mudaharaad aan ku muujinayno dareekeena ina goo isku xidhan nabad gelyadana Ilaalinayna.

Allah mahad leh
 

 


Mohamed Abdulahi Omar

Kaarshe99@hotmail.com