Tog-wajaale:Ey-ga Calanka Udub xidhan iyo
Qiso dhacday 1972-73 kii oo laga gabyay
isku eekaa ! Yaab

 

Meeshu waa Tog-wajaale, xiligu waa horaantii todobaatanadii, waa markii uu ugu car carta iyo daf dafda badnaa maamulkii uu hor-boodayay Siyaad Bare, ee uu ku ju juubayay dalka habkii la odhan jiray Hanti-wadaaga iyo kacaamay nta, Tabta ay u doorteen askartu inay ku hergliyaan hadafkani waa mid dareen cidhiidhsiimo iyo sandulayn ku salaysan, oo dadku way la qabsan kari laayihiin kana xajiimoonayaan ad adayga iyo qawlal-manjaxiiskan mutuxa!

Waxa habkani si uu u hirgalo miciin looga dhigay dadka lagu habsiinayo, bara bagaando ku dul-qotonta faan, been iyo laab-la-kac '' hamo been ah'' aan lugo ku taagnayn, oo ay si jibaysan idaacadahii dalku u afuufi jireen hadh iyo habe en intuu tiro leeg yahay! Dhanka kale taa ka sokow waxa uu maamulkaasi  sam eeyay xoogag badanoo kala duwan oo uu ugu talo-galay inay hawshan xaga d anbe ka riixaan, tusaale ahaan Guul-wadayaashii garabka loo sudhay maradii isha-casi ku tolayd, nimankan oo aan shaqo cayiman oo la garanayo oo ay laha ayeen jirin, kuna qordiyay shaqooyinkii ay hayadaha kale qaban jireen, sida cii danka bilayska iyo nabad-sugidu.

Guryaa meel kasta laga dhisay la yidhaa Hanuunin, oo dadka lagu soo khasbo inay galabaha khamiisaha ah yimaadaan oo narsada la tumayo iyo qudabadaha guul wadayaasha dhagaystaan, xadhig iyo ganaax ayaa abaal kaagu ahaa had aad maalin ka maqnaato !. Qolyaha hadaba mar kasta ay arimahaas qudbada ha iyo hanuuninta dadka isku hiifeen ee ay iskaga hor iman jireen, ee ay had iyo jeer isku dhici jireen waxay ahaayeen xoogagan cusub ee la yidhaa Guulw adayaasha, kuwaasoo ahaa dad markaa laga dhaadhiciyay in ninka hanuuniinta ka maqnaadaa yahay Kacaan diid iyo dib u socod, oo uu Aabo-siyaad iyo Gola ha sarena canbaar ku yahay, ay waajibna tahay inay Bulshada laga qabto.

Aan hadaba sheekada uu maqaalku ku socdo ee ay aadka iskugu eeg yihiin dh acdadan argagaxa leh ee Xisbiga UDUB ka sameeyay Tog-wajaale, iyo  jawaab ta waafiga ah ee dadku ka bixiyay " ey-ga calanka loo xidhay'' guda galee, wax a ka dhacday Tog-wajaale ( 1972-73) mudo hada laga joogo in ka badan 35 gu, sheeko aad u xiiso badan oo dhex martay Guul-wadayaal iyo dadkii shacabka ahaa qaar ka mid ah.

Waxa sida aad garan karto dadka magaalada joogaa maqshquul ku yahay sidii uu nin kastaaba quruskiisa u soo saari lahaa, jaad ibiyaa, maqaaxi shidyaa, dil aal noqoyaa, bir tunyaa, tukaan haysayaa, XAMAAL NOQOYAA! Isaga oo  welib a baylahdii kale ee badnayd ee noloshu lahaydna barbar wada! Sidaa awgeed,-

Foognidaa dadku ay dantooda wataan waxay keentay in dadka reer Tog-waja ale qaarkood waqti waayaan ay ku tagaan hanuuninta, taasi waxay u cuntami wayday oo ay ka cadhaysiisay Guul-wadayaashii Isha-cas labisnaa, kuwaasoo dadkii kula kacay inay ganaaxaan, meheradaha ka xidhaan, iyaga laftarkooda xadhaan i.w.m. Taasi waxay hidisay dareen leh necbaansho gaar ah oo bulsha du u qaado Guul-wadayaasha guud ahaan, gaar ahaana nin ku cusbaa  magaal ada oo markaa loo soo badalay oo ugu darnaa, uguna dhib badnaa, rag-se la ma maleeyee, hadii Guulwadayaashu iyagu dawlada isku halaynayaan oo dadka la iska xidh xidhan karayo, dadkuna caqligooda fiican ayaa ay god layaan ooy isku halayanayaane, waxa hadaba dhacay in nin farsamo yaqaan ahaa oo birta tumi jiray '' Tumaal '' oo qalaanbaawi ahaa dadku aad u jecel yahay oo gabayg ani aan dabadii la hadal, oo magaciisa la odhan jiray Faarax Tumaal ( ahun) uu markii uu arkay dhibta dadka lagu hayo, ee xanuunka badan ee waliba ninkan cusubina sii bal baliyay, uu afar-lay ( gabay ) aloosan oo ciil bax ah suuqa ku dhex tuuro.

Waa gabay furan oo uu waliba qaab dadka ku cusub oo qabyo ah uu u sameey ay, isaga oo u unkayn afar-layda qaab la mid ah qaabkii laylis yada casharada dugsiyada lagu dhigto ee la odhan jiray, buux buuxi meelaha banaan ! ka dibna dadkii ayaa buux buuxixyay, markaasuu noqday gabay dhamays tiran, u fiirso waa kan hoosta ku qoran, gabaygii oo marna banbanaan oo aan dhamays tirna yn, oo ah sidii uu Faarax Tumaal u dhigay, marna bulshadu biixisay.

Faarax Tumaal gabaygiisii.
 

 

............. Lanoo soo badalay
Mase arkaysaane.


............. Ilaahay iyo arlada
Wada nijaaseeye


........... Ayaan dhawto
Waa la eryi doonaaye


 

Dadkii madaniyiinta ahaa markii uu gabaygii oo meel banbanaan wataa gaad hay, isla markiiba waa ay buuxiyeen oo ka hore ka danbe ma gaadhsiin, waxa na ka soo baxay gabay qurux badanoo oo haysta meeshiisii oo dhamays tiran, oo ah kan hada Ey-ga calanka UDUB loo xidhay uu isoo xasuusiyay !.

Bulshadii waxay ku dartay intii dhinayd oo way dhamays tirtay waxana ay tidhi sidan hoose * eeg Khadka Cas!.
 


Ey baa Lanoo soo badalay
Mana arkaysaane.


Aqalkii Ilaahay iyo arlada
Wada nijaaseeye.


Insha-Allah ayaan dhawto
Waa la eryi doonaaye.

 

Hadaba mashaqada Tog-wajaale ka dhacday maalmihii aan soo dhaafnay, ee dumarka, hooyooyinka ah, hablaha Ugubka ah, caruurta iyo biri-ma-gaydada lagu xidhxidhay, walibana dadka muruqmaalka ah ee Xamaaliinta loogu hanajab ay in laga qaadayo shaqadooda hadaanay UDUB ku soo biirin, iyo ta ugu xalada badan leh oo ah, Ey-ga calanka UDUB loo xidhay ee Jawaabta looga dhigay dad ka qaar, iyo maanay isku eekayn xaaladii ( guul-wadayaasha iyo reer Tog-wajaale) 1972-73-kii ka dhacday Tog-wajaale, oonu Ey-gani ahayn kii uu  shee gayay Faarax Tumaal ? ! Jawaabta su' aashaasi waa qabyo ban banaan ee ad na buuxso !



F.G. Waa maqaal aan cid gaar ah ku jeedin, ee kaliya xasuus hore iyo xaaladan cusub ee Tog-Wajaale is ag dhigaya.



Somaliland ha jirto oo ha joogto.


 

 

 

Cali Cumar Xasan