Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo Warbixin Qoto Dheer ku Soo Bandhigay Ceebaha Wasaaradda Daakhiliga

 

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa soo bandhigay qoraal dheer oo uu kaga hadlayo qalalaasaha Geeska Afrika iyo saamaynta uu ku yeelan karo

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Urur-siyaasadeedka QARAN Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa soo bandhigay qoraal dheer oo uu kaga hadlayo qalalaasaha Geeska Afrika iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland iyo waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.


Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu eedayn u soo jeediyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu sheegay inay ku guul-darraysatay xilkii ay ummadda u haysay ee dhinacyada maamul-fidinta, kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka, ammaanka, shirweynayaasha kala jeeda ee UDUB xaalka xukuumadda hadda talada haysa.


Qoraalka Eng. Maxamed Xaashi oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan:


“Ujeeddada qoraalkani waa xaaladaha qasan ee Geeska Afrika iyo saameynta ay ku leeyihiin xasiloonida iyo daganaanshaha JSL. Waxa isweydiin leh Wasaaradda Arrimaha Guduhu ma gudataa xilka nabadgelyada ee loo igmaday mise ambad bay kaga sugan tahay?


Bal marka hore, aan si guud u tilmaamo, qaab-dhismeedka xukuumadan ku meel-gaadhka ah, taas oo ka kooban, lix iyo labaatan (26) wasaaradood iyo shan iyo konton (55) wasiir, Wasiiru-dawle iyo Wasiir-ku-xigeeno, waa tiro ku culus dawlad yar oo sabool ah.


Waxa intaa u dheer, wasaaradaha oo aan hawluhu u kala qeexnayn; Tusaale, iyadoo ay jirto Wasaarad Ganacsi, ayaa W. Xannaanada Xoolaha, W. Kalluumaysiga, W. Macdanta iyo Biyuhu heshiisyo ganacsi la saxeexdaan hay’ado shisheeye, W. Maaliyadduna wareegto ka soo saartaa alaab ganacsi.


Haddii aan u soo laabto, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ujeeddooyinka loo dhisay waxa ka mid ah: sugidda nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, gaadhsiinta dadweynaha siyaasadda iyo barnaamijyada xukuumadda dhexe, dejinta qorshaha guud ee gobollada iyo degmooyinka (horumarin iyo degaameyn), ilaalinta sohdimaha JSL, ku baahinta maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka iyo kala xadeyntooda iyo xaqiijinta dariswanaaga dalalka aynu jaarka nahay.


Wasaaraddu ma gudataa xilalkii loo igmaday, mise way ku guul-darraysatay, haddii ay tahay sugidda amaanka dalka iyo maamul gaadhsiinta gobolada Sool iyo Sanaag-bari oo ay ku qaadatay $ 1,284,700, sida ku cada miisaaniyadaha Qaranka (2003 ilaa 2008).


Waxa kale oo ay ku guul-darraysatay kala xadeynta Gobolladii iyo Degmooyinkii hore (Xeer Lr 23/2002, Qodobka 7aad -1, 2, 5, 7; waxay odhanayaan, “Xuduudaha Lixda Gobol ee JSL ka kooban tahay waxay ku salaysan yihiin Xuduudihii ay lahaan jireen Lixdii Degmo ee Waaweynaa ee jiray xilligii Ingiriiska, ka hor 26/06/1960” iyo Qodobka 9aad oo leh; “Kala xadeynta Xudduudaha Gobollada iyo Soohdimaha Degmooyinku waa xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.”


Dhinaca nabadgelyada, waxay ahayd, in Wasaaraddu la socoto xasilooni-darrada ka aloosan Geeska Afrika, fiiro gaarna u yeelato ajnebiga dalka ku soo qul-qulaya ee ganacsato leh, muruq-maal leh, xoolo-jir leh, beer-qode leh, waardiye leh iyo in badan oo dawarsata. Waxay ahayd in wasaaraddu u dejiso qorshe iyo barnaamij, si loo sugo ammaanka dalka iyo nabad-galyada dadkaa ajnabiga ah.


Wasaraddu way SAADAALIN KARI WAYDAY, tuuga iyo Xasilooni darrada ka dhalan karta ;


1. Xurmayn la’aanta sharciga iyo Dastuurka Qaranka, ku tumashada xuquuqda iyo xorriyadda muwaadinka.


2. Shaqa la’aanta iyo sicir-bararka noloshii dadweynaha si weyn u saameeyay.


3. Fiiga (lacagta) dusiyada iyo jaamacadaha ee qaaliga ah ee ubad badani ku waayay waxbarasho.


4. Da’yarta ka qaday waxbarasho ee suuqa tuban ama TAHRIIBTA.


5. Mushaharka yar ee shaqaalaha iyo ciidammada ee saamaynta ku leh; wax soo saarka, horumarka iyo musuq-maasuqa baahay intaba.


6. Baasaboorka JSL ee dadweynaha laga xakameeyey iyo ka TFGu saamaynta uu ku yeelan karo dadweynaha JSL.


7. Doorashada innagu soo fool leh haddii ay wakhatigeeda dib u dhacdo iwm.


Baraad la’aanta, W. A. Gudaha, waxa si weyn u muujiyay falalkii dilka ee isdaba-jooga ahaa:


1. Dhicii lacagtii Tog-Wajaale ee 2003, ee haddii si haboon loo baadhi lahaa muftaax u noqon lahaa falalkii ka dambeeyay.


2. Dilkii Annalena Tonelli ee Boorama, 6 Oct. 2003.


3. Dilkii lamaanihii Ingriiska ee Sheekh, 21Oct. 2003.


4. Dilkii gabadhii Kenya ee 19 March 2004.


5. Maxaabiistii xabsiga Hargeysa ka baxsatay, 26 March 2006


6. Qaraxyadii Hargeysa ee Madaxtooyada iyo xaffiisyada UNDP iyo Itoobiya ee 29 Oct. 2008, ee 24 ka qof ku qudh baxday, 29na ku dhaawacmeen.


Maxaa Wasaaradda ka mashquuliyay hawlahii iyo xilkii loo igmaday?


Tababarku (Training) saamayn buu ku leeyahay fikirka iyo wax qabadka qofka. Shaqadii NSS, si weyn bay uga muuqataa maamulkan guud ahaan ba. Dadku wuxu ugu qaybsan yahay, sidii hore:


“kacaan iyo kacaaan-diidka” Muxaafid waa Kacaan, mucaaridkuna waa Kacaan-diid ay waajib tahay in laga xayuubiyo xuquuqdda iyo xorriyaadda aassaasiga ah. Sidaa awgeed; Wasiirka Arrimaha Guduhu, waa guddoomiyaha Guddida nabadgalyada Qaranka ee xukunka degdega ah ee Baarlamaankii hore laalay.


Raadka iyo saamaynta uu ku leeyahay maamulkii Maxamed Siyaasd Barre, Wasiirku wuxu u sibladay dambi-baadhis iyo hawlihii uu khibradda u lahaa ee NSSta, waxa uu BBC ka sheegay, inuu waraystay waardiyihii gurigii ay nimankii wax qarxiyay kiraysteen, waxa kale uu dambi-baadhe ka ahaa Falalkii argagixisada ee 2003 iyo 2004 kii.


Wassaaradda.A.Guduhu, iyadaa Halis ku ah xasiloonida dalka. Tusaale:


1. Dilkii gabadhii reer Kenya ee 19 March 2004, waxay u nisbeysay beel JSL ka mid ah, Beeshii baa dambiilayaashii ku soo qabatay Dhoqoshay maalintii ba.


2. Iska horimaadkii beelaha Gabiley iyo Awdal ee soohdimaha labada Gobol, Wasiirku inuu fuliyo sharciga; Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Lr. 23/200, wuxu ka doorbiday rabitaanka Madaxweynaha iyo raali-gelintiisa.


3. Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka – Xirsi, wuxu ku sheegay inuu ka tirsan yahay AL-SHABAAB. Xirsi waa la siidaayay, dambina laguma soo oogin.


4. Wuxu Wasiirku BBCda ka sheegay in Hargeysa lagu qabtay gantaalaha lidka dayuuradaha ee degta lagu qaado, Kuwaas oo laga keenay dalka Ereteriya, lana soo mariyay Dhuusa-mareeb- Somalia. Wasiirku xaq uma layan inuu ka waramo fal-dambiyeed maxkamadi gacanta ku hayso. Warar xog-ogaal ahi waxay tibaaxayaan in runtu ka fog tahay sida Wasiirku sheegay waxase looga fadhiyaa in raggii iyo qalabkiiba maxkamad la keeno. Haddii la waayo sidaa, waxa is-weydiin leh cidda uu wasiirku u shaqeeyo.


5. Labada Xisbi-Qaran (Kulmiye iyo UCID), way qabsadeen shirweyne ay ku soo doorteen, musharaxiintii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka. Xisbiga UDUB, waa loo diiday musharax aan Rayaale ahayn inuu shirweynaha soo fadhiisto. Hoteladiina amar baa la siiyay in aanay ku qabsadan shirkooda. Raggaa shirka loo diiday waxa ka mid ah, mudanayaal Baarlamaanka ah, isla markaana ah xubno golaha dhexe ee UDUB.


Labada shirweyne ee labada kooxood ee xisbiga UDUB kala qabsadeen muxuu komishanka Doorashadu ku kala saari?


Xeerka No. 14/2000 ee ku saabsan Axsaabta, Qodobka 2aad; Wuxuu u xilsaarayaa Guddida Diiwaangelinta ee Madaxweynuhu diiday inuu magacaabo.


Xeer 14/2000, Qodobka 4aad -5. Xisbi, Urur kasta oo siyaasadeed, waa in xeerkiisa ku cadyahay ku dhaqanka dimuqraadiyadda iyo tallo-wadaaga hogaamintuna ay timaadaa hoosta ee aanay taladu ka iman xagga sare.


Qodobka 5aad – 4 Xisbi kasta waxa ka reeban inuu adeegsado koox ama ciidan hubeysan oo uu ku fushado danihiisa gaarka ah.


Miyeyna nasiib-darro iyo dambi ahayn, in Wasiirka A.Gudaha iyo Taliyaha ciidamada Booliisku u fuliyaan, Madaxweynaha amar ka soo horjeeda Dastuurka Qaranka iyo sharciyada dalka? Waxa ka haboon fulinteeda inay istiqaalo ka bixiyaan xilkii loo dhaariyay, wixii halkaa ka yimaad masuuliyadeeda waa loo xambaarin..


Xukuumaduhu waa saddex nooc:-


1. Mid talo wadaag ah (Democratic), oo sharciga iyo Dastuurka lagu kala dambeeyo. Xukuumadda noocan ah doorashaa lagu beddelaa.


2. Mid kalidi-taliye ah oo aan sharci iyo Dastuur xurmayn. Noocaa waxa lagu baddelaa halgan hubaysan.


3. Mid labeeb ah, sida teenan oo kale oo la soo doortay, balse gadh-wadeenkeedu yahay musuq-maasuq iyo xurmeyn la’aan sharciga iyo Dastuurka Qaranka.


Doorashada madaxtooyadu waa inay ku dhacdaa wakhtigeeddii, 29 March 2009, sidii lagu heshiiyay. Waxase muuqata awood is-muquunis ah oo ka socda Madaxtooyada iyo cagajiid Komishanka Doorashada Qaranka.


Si doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoonto; waa in ciddii danaynaysa Dalka; xisbiyada mucaaradka, saladiinta, culimada iyo wax-garadku talo isugu yimaad, si loo dhiso dawlad ku meel-gaadh ah oo doorashda qabata.”





Jamhuuriya