Wasiirka Daakhiliga Oo La Sheegay Inuu Amar Ku Bixiyay In Gudoomiyaha Wargeyska Yool Lagu Xabiso Masqusha Saldhiga Dhexe

 



Hargeysa (TNN) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in gudoomiyaha wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad oo lix maalmood ku xidhan saldhiga dhexe ee Bilayska ee Caasimada Hargeysa lagu xabiso Musqusha ay isticmaala an maxaabiista ku xidhan saldhigu, taas oo la sheegay inay shalay subax ay Bilayska Saldhigu suxufigaasi u wareejiyeen.

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedyo u dhuun-daloola qadiyada xadhiga wariye Curad, ayaa sheegay in xadhiga wariyahaasi uu salka ku hayo aargoosi siyaasadeed oo Wasiirka Daakhiligu Duur uu kaga daba joogo warar iyo dhaliilo uu ka daabacay wargeyska Yool, taasina ay keent ay inuu kaga aarsado xadhiga iyo tacadiga loogu awood sheegtay suxufigaasi lixda maalmood wasiir Duur ugu xidhan saldhiga Bilayska.

Dhinaca kale Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xadhiga suxufigaasi Yool si weyn ug u cambaareeyay Wasiirka Daakhiligu inuu si qayrul sharciya oo shakhsiya suxufigaasi ugu xidh ay saldhiga, kuwaas oo ku eedeeyay in wasiirka Daakhiligu xidhiidho ay ku sameeyeen xadhiga suxufigaasi uu iska diiday inuu kulan kala yeesho, taas darteedna ay sheegeen in taariikhdu qo ri doonto tacadiga iyo xadhigyada qayrul sharciga ah ee wasiir Duur uu kula kaco suxufiyiintra saxaafada madaxbanaan.

Wasiir duur ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyay ee muddadii uu xilka hayay cadaawad iyo fi cilo hagar daamo ah u muujiyay suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta madaxbanaan

Si kastaba ha ahaatee tan iyo intii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo talada dalka majaraha u qabatay ayaa waxa si aan sharciga waafaqsanayn loo xidhay wariyayaal ka hawlgala saxaafad a madaxbanaan ee Somaliland, kuwaas oo aan xadhigooda loo marin xeerka saxaafada, iyadoo xeerka saxaafada iyo xoriyaul qawlka uu Distoorka Somaliland jideeyay, isla markaana saxaafad u leedahay xeer dhaqangal ah oo golaha wakiiladu ansixiyay 2004-kii, isla markaana qalinka ku duugay dhaqangalkiisa Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Xukuumada haatan talada haysa ayaa wakhtigii ay mucaaridka ahayd ee Xisbiga Kulmiye ku ol oleeyay saxaafada madaxabanaan iyo xoriyatul qawlka inay ixtiraami doonto, isla markaana ay xeerka anshaxa saxaafada ee dhaqangalka ah xeer lr 2004 ay u hogaamsami doonto, ayaan ilaa hada wax iska badalay habdhaqankii maamulada Somaliland aanu jirin.
 

 

Source:Haatuf