Dugsigii Farsamada Gacanta ee xaafadda JARMALKA oo Jaaliyadda Somaliland ee Jarmalku ay ballan qaaday dib u dhiskeeda.
 

Burco (TNN)-Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer waxaa maanta soo  gaad hay wafti ka socda Jaaliyadda Somaliland ee Germany, waftigan oo ka koobnaa 2  xub nood oo kala ah Guddomiyaha Jaaliyadda Germany Maxamed Xuseen Dhacsi iyo mid ka mid xubnaha jaaliyadaasi oo la yidhaa C/laahi Axmed ayaa kulamo Gooni gooni ah la  qaa tay Maamulka Gobolka iyo kan degmada Burco.

Guddomiyaha Jaaliyadda somaliland ee dalka Jarmalka Mr. Maxamed Xusseen Dhacsi  ay aa maamulka Gobolka iyo degmada oo xafiisyadooda uu kula kulmay warbixin kooban ka siiyey hawlaha ay u socdaa iyo waxay maamul ahaan iyaga uga baahan yihiin, wuxuuna u sheegay Maayarka iyo Badhasaabkaba in ay wadaan hawlo ama mashaariic lagu  dhis ayo Dugsigii hore ee farsamada Gacanta oo ay hore u dhistay dawladda Jarmalku, isla markaasna imminka ay mar kale ka soo dhammeeyeen xaggaas(DAWLADDA JARMALKA) ay dib u dhis lagu samaynayo Dugsigaasi, isagoo warbixiintiisa ku daray in ay  hargays ana Dugsi farsamo gacmeed oo kan la mid ah ka dhisayaan oo isagana ay ka soo  dham meeyeen dawladda Jarmalka iyo hay’ado kale oo halkaasi deggenba.

Maayarka Magaalada Burco ayaa isna warbixin Kooban ka siiyey weftiga, Dugsigan  far samada Gacanta ee horeba jarmalku u dhisay, wuxuu sheegay maayarku in ay aad ugu faraxsan yihiin kuna farxaan markasta oo la yidhaa waxbaan u qabanayna Burco, wuxu una xusay in Dugsigani maamul deegaan ah uu iyaga si gaar ah dhib ugu hayyay, hadd ay tahay ilaalin, nadiifin iyo dayactir intaba, isagoo ku nuuxnuuxsaday in ay u  baahna ayeen cid ay ku sii daayaan oo mar uun dhista ama Deyr ku wareejisa inta la dhisayo, loona baahan yahay Dhisitaanka Dugsigan fursad aad u weynna u ah dhammaanba  Dad ka Reer Burco.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin oo isna xafiiskiisa ku qaabilay  wefti ga ka socda Jarnalka ee reer somaliland ayaa ka dhegaystay ugu h oreyn wixii ay u  sid een, waxayna u sheegeen in waxa keliya ee ay u socdeen ay ahayd sidii aan maamulka iyo dadka reer Burco uga qaadi lahayn jawaab cad oo waafi ah oo ku aaddan  dhisita anka Dugsiga farsamada Gacanta, iyagoo u sheegay in ay meelo badan soo mareen sida Hargaysa oo ay kula soo kulmeen wasiirkii waxbrashada Somaliland Md: Xasan  Gadhwe yne, isagoo noo sheegaybay yidhaahdeen in Dugsiga ay heshiis kula galeen dhisiddiisa Hay’ado kale, waxaanu maamulka Gobolka Mr.Biin warbixnta waftiga Kadib u sheegay in aanay suuro gal ahayn in cid loo xannibo dhisidda Dugsigani oo uu laftiisu ku sheegay mid aad muhim u ah, wuxuuna xusay in loo baahanyahay Ballanqaad rasmi ah, isagoo u sheegay in hay’ado badani ay kala kulmeen arrintan oo kale isla markaasna aan dib loo arag, isagoo u sheegay mid waliba in uu wasiirka illa madaxweynaha kala hadli doono arrinkan.

maamulka Gobolka iyo kan degmada burco ayuu Guddomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Jarmalku ku wareejiyey Documentskii caddaymaha ahaa ee Hay’adaha iyo dawladda  jar malka ee hawlahan gelaya ay ku kala saxiixdeen.

badhasaabka iyo weftigii ayaa kormeer ahaan ku soo maray iskuulkii farsamada  Gacan ta ee ay dhisayso imminkana dawladda jarmalku.

maaha markii u horraysay ee ballan qaad noocan oo kale ah la soo gaadhsiiyo  maamul ada degmada iyo gobolka, balse marar hore ayay hay;ado u keeneen codsiyo noocan oo kale oo ay sheegayaan in Machadka Farsamada Gacanta ee Burco ay dhisi doonaan, la mana garanayo halka ay ku danbeeyen ballanqaadyadaasi. waxaana iyana mid kan  la mid ah laga dhisayaa caasimadda somaliland ee hargaysa.




Nafisa Ciise Yusuf
{kalgacal}
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland