Burco: Dufcadii 2aad ee kaqalin jabisay Mchadka waaberi oo shahadooyin lagu gudoonsiiyay Hotel city plase
 

 



Burco (TNN)- Waxa xalay kadhacday hotel city plaza ee magaalada burco xaflad,xafladan oo ahayd mid shahaadooyin lagu gudoonsinayey arday ka qalin jabisay iskuulka Waaberi.

xafladan oo ahayd mid si heersare loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin maamulayaal iyo marti sharaf kale oo aad utiro badan,oo ay kamid ahaayen Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmi ye ee g/togdheer Sahal aadan,gudoomiyaha xisbiga ucid ee G/togdheer Cismaan afgaab,gudoomiyaha garabka dhalinyarada udub Daahir cali ibraahin,gudoomiyaha dalada Unita Saynab Yuusuf cabdi  ,maamul aha dugsiga Geeska africa maxamed xandule maamulaha ilayska togdheer C/samad faarax guure .

waxaana ugu harayntii xafladan kahadlay maamulaha machadka Waabari mr Cali axmed c/laahi oo  ka waramay marxaladihii kaladu wanaa ee iskuulku soo maray waxaanu yidhi, isagoo ugu horayn u  mahad naqay martisharaftii tiraad badnayd e ka soo qaybgashay, kadibna ka warbixiyey taariikhda machadka wuuxuna yidhi "waxaa iskuulka la asaasay Sanadkii 2008{labadii kun iyo sideedii} waxaana lagu asaasay magaalada burco fikrada lagu asaasayna waxaa keenay aniga wakhtigii la asaasay ardaydu aad  noolam ay jaan qaadin waayo may garanayn aqoonta iyo tayada ay leedahay" waxaanu hadalkiisa kusoo xidhay in ardayda sha hadooyinka lagudoon siin doonaa yihiin 75arday{shan iyo todobaatan } ardaydan 38 kamida ayaa ah gabdho ayu yidhi waxayna ardaydani kaqalin jabiyeen bu yidhi madada englishka oo  co urse english ah ayu ahaa oo 4 bilooda ah ,madooyinka kale iskuulka lagu dhigo waxaa kamida bu yidhi ,english,soomaali, xisaab,carabi Bioology Chemistery, Physics,iyo madooyinkale oo badan.

waxaa isna xaflada kahadlay Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee kulmiye ee gobolka togdheer mr, sah al aadan waxaanu yidhi waxa aad iyo aad uqiimo badan 75arday oo ku qalin jabisay waxbarasho bilaasha waxay waxbarashada bilaash ka ahi soo jiidanaysaa dhalinyarada si ay wax ubartaan waxaanan aad ugu mahad naqayaa maamulaha machadkan waabari waxaan kaloo macalimiinta iskuulada kale wax kabara dadka kuboorinayaa inay sida iskuulkan waabari oo kale bulshada ufidiyaan waxbarasho bilaasha.

waxaa kaloo isna kahadlay xaflada Gudoomiyaha xisbiga mucaaradk ucid ee gobolka tog dheer mr  cism aan afgaab waxaana hadaladiisii kamid ahaa wax barashadu madhamaato ee waa inay ardaydu kafa iidaystaan waxbarashada bilaashka ah ee loo soo diyaariyay waxaanu macalimiinta waxbartay ardaydan ilaahay uga baryay inuu ilaahay ka abaalmariyo sida fiican ee ay ardaydooda wax ubareen.

waxaa isna xafladan kahadlay Gudoomiyaha Garabka dhalinyarad ee xisbiga UDUB mudane daahir cali ibraahin waxanu ugu horayntii aad ugu mahad celiyay maamulaha iskuulkan waabari mudane cali axmed waxaanu yidhi waxbarashadu waa muhiim waxaan ardayda kula talinayaa inay noqdaan kuwo dadkooda iyo dalkoodaba wax uqabta waalidiintiinana adeeca ,waxaanu halkaa duco uga jeediyay waalidiinta sida fiican ubad kooda wax ubaraya.

waxaa iyana xafladan kahadashay Gudoomiyaha Dalada unita Marwo saynab yuusuf cabdi oo kudhiigi galisay inay sifiican wax ubartaan ardaydu gaar ahaan hablaha waa inay habluhu latar tamaan wiilasha oo aanay waxbarashadooda ka hadhin waaxay aad ugu dheeraatay waxbarashada iyo qiimaha ay  leed ahay iyadoo ku adkay naysa inay habluhu waxbartaan.

Waxaa isna kahadlay goobtan maamulaha dugsiga Ilayska togdheer mr c/samad faarax oo yidhi waa inaynu wadankeena wax uqabanaa oo daacad unoqonaa oo aynu waxbarashada ku da daalnaa ,waxaa ugu danbayntii xafladan kahadlay maamulaha dugsiga Geeska africa mudane maxamed xandule waxaanu yidhi "waxaan aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada, waayeelka saxaafada iyo dhamaanba marti  shara fta kale ee kasoo qaybgashay xafladan waxaanan idiin sheegayaa inay aqoontu tahay furaha nolosha ee waa inaynu ku da daalnaa" ayu yidhi mamuluhu.


Ardaydan shahaadooyinka lagudoon siinaayay ayaa noqonaysay Dufcadii labaad ee kaqalin jabisa  mach adkan waabari ,xafladan ayaa lagu soo bandhigay riwaayad ka hadlaysa waxbarashada iyo tayada ay leedahay .


Dhamaadkii xafladan ayaa shahadooyin lagu Gudoonsiiyay ardaydii kaqalin jabisay machadka waxaanay xafladii kudhamaatay farxad iyo rayn rayn .







Ifraax Cawil Siciid

Timacade News Network TNN
Burco  Somaliland