Munaasabad Magaalada Toronto Duco Iyo Baroo rdiiq Ah Oo Lagu Xusay Marxuum Cali Xaji Muxumed Guuleed

 

Toronto, Canada- Munaasabad kulmisay oo isu keentay dad aad u fara badan oo isugu jiray jaaliyada Soomaliland ee magaalada Toronto iyo dad kale oo ku soo hadlayay telefon  (teleconf erence) ayaa lagu xusay marxuum Cali xaji Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal). Munaasabadaas waxaa ka soo qayb galay qoyskii, ehelkii , asxaabtii iyo dad kale oo reer Somaliland ah oo aad badnaa. Waxaa munsabadaas kaga soo qaybgalay telefoon( teleconference) asxaab badan oo uu marxuumku lahaa halkaasna ka akhriyay taarikhdii iyo sifihii wanaagsanaa ee ay ku barteen marxuum Cali xaji Muxumed Guuleed. Waxaa ka mid ahaa dadkii telefonka kaga soo qayb galay munsabada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ka soo hadlayay magaalada Hargeysa halkaasna erayo duco iyo baroor diiqaba ah ka soo jeediyay.

Magaalooyinka telefonka lagaga soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Los Angles oo uu ka soo hadlay halkaas isna gudoomiyaha gudida fulinta ee waqooyiga Maraykan ee xisbiga Kulmiye Eng Xuseen Cabdi Ducaaleh oo si wayn uga sheekeeyay taarikhdii marxuumka iyo sida ay isku barteen. Waxaa isna si aad ah uga hadlay saxiibtinimadii ka dhaxayn jirtay isaga iyo marxuumka md Rashiid Gaaruuf oo ka tirsan gudida fulinta ee waqooyiga Maraykan ee xisbiga Kulmiye oo ka waramay sida geerida marxuum Cali Guuleed ay u taabatay isaga iyo asxaab badan oo kaleba. Waxaa khudbado aad u taabtay dareenka dadkii ka soo qayb galay munaasabada telefonka ka akhriyay nin oday ah oo magaciisii aanaan imika hayn kana soo hadlayay gobolka California , waxa kale oo isna khudbad taa la mid halkaa ka akhriyay md Cisman Saxardiid iyo Cabdillahi Cisman Geeljire oo labadubaka tirsan gudida fulinta ee waqooyiga Maraykan ee xisbiga Kulmiye. Tiradada dadka sugayay in ay munaasabadaas telefon kaga soo hadlaan oo u badnaa waqoyiga Maraykan iyo dalka Ingriska ayaa tiradooda aanu ku qiyaasna 1000 ill 1500 oo qof. Waxaa suurta gal noo noqon wayday in dhamaan dadkii soo dirayay telefonka la wad siiyo fursad ay ku wada hadlaan tirada oo fara badnayd awgeed. Waxaa xuskii telfoonka wacdi, waano iyo ducaba noogu soo gunaanaday Sheekh Sacad oo telefonka (teleconference) ka soo galay magaalada miinniapolis ee gobolka Minosota.



Marki laga gudbay xuskii iyo baroor diiqdii telefoonka ( teleconference –ka) waxa bilaabmay barnaamijkii magaalada Toronto loogu talagay oo ugu horaynba uu furay gudoomiye ku  xigee nka gudida fulinta waqooyiga Maraykan ee xisbiga Kulmiye md Maxamed Cabdillah Ismaciil ( Be ergeel) oo isaga iyo xoghayaha guud ee gudida fulinta ee waqooyiga Maraykan marwo Saynab Yusuf Xaji Adan Qabile ay lahaayeen labadoodu dadkii munaasabadaas sida wayn u soo  qabanq aabiyay soona agaasimay. Waxaa ugu horaynba halkaa khudbad ka akhriyay oday Ducaale Maxamed Xirsi oo si wayn uga sheekeeyay taariikhdii marxuumka dadweynihii munaasabada fadhiyayna erayo iyo weedho diini ah halkaa uga sheegay kuna waaniyay dadkii in ALLA ka cabsiga iyo cibaadada EBBE la badsado.

Waxaa isna khudbad halkaa ka akhriyay Md Abiib oo ay marxuumka soo wada barbaareen  yara ntoodii ilma ay soo gaadheen dugsigii sare ee Sheekh. Waxaa khudbad isna halkaa ka jeediyay md Maxamed Cisman Fadal oo dhawaann ka soo noqday dalkii hooyo marxuumkana wada  shaqa yni soo dhexmartay mudooyinkan dambe.


Ugu dambayn munaasabadaas oo aad u qiiro badnayd dhamaan dadkii ku soo hadlayay  telefoo nka ama joogayba magaalada Toronto waxay wada qireen iskuna wada raaceen inuu marxuum Cali xaji Muxumed Guleed ahaa ruux shakhsiyad wanaagsan, akhlaaq badan oo afgaaban, daac adnimo ku sifoobay oo deeqsi ah, ehelka, qaraabada iyo asaxaabtaba u wanaagsanaa oo aan la halkan lagu soo koobi Karin. Marxuum Cali Guleed waxaa la isku wada raacay inuu ahaa qof  nax ariis badan Illaahay ku manaystay oo gargaara dadka jilicdasan. Waxa intaa u dheerayd inuu ahaa ruux dadku ay u wada siman yihiin oo isku si u soo dhaweeya una ixtiraama yar iyo weyn. Allah ha u naxariistee Cali xaji Muxumed Guuleed Cali Marshal waxaa dhamaan la isku wada  raac ay in uu marxuumku ahaa tusaale lagaga daydo wanaagi , naxaristii iyo saaxibtinimadiii u la  saa xiibka ahaa dad aad u tira badan. Waxaa la wada qiray in marxum Cali Maarshaal u ahaa shakhsi aan kursi jeclayn oo mansab jeclayn balse jeclaa in uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto, xaar aantaa ka fogaan jiray isaga oo nolol iyo mushahar fican ku haysta cariga Maraykankana ka doortay in uu aqoontiisii iyo khibradiisaba uga faa’ideeyo wadankiisii Hooyo. Waxaa ugu  damba yntii munaasabada lagu soo gunaanaday duco iyo Qur’aan loo akhriyay marxuumka.

 



 

Maxamud Lafcanbe
Toronto, Canada