Dr Maxamed Cabdillahi waa cad ceed iyo waa san oo
u beryey Somaliland




Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan umadda reer Somaliland meel wallba oo ay ku sugan yi hiinba,kuna ciida farxad iyo ray raynta munaasabadda 18 May, oo ay ka soo wareegtay 19 sanno  m aalintii  aan la soo noqonay karaamadeenii iyo sharftii dalkeenna. Waxaan ilaahay subxaane wataca ale ka baryayaa , inuu dalkeenna ka yeelo kii nabad iyo caano lagu wada nagado, Aamiin.

Aan hoos ugu dhaadhaco dulucda qoraalkaygan,waxaanan wax ka odhan doonaa haddii ilaahay qa darro, Xisbiga UDUB , Xisbiga Kulmiye iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda , Dr Maxamed Cabdillahi Cum ar, oo ah cad ceed iyo waa san oo u beryey Somaliland.


UDUB:


Waxaa hubaal ah oo aan muran ku jirin, in Xisbiga UDUB ee uu aasaasay ilaahay naxariistii janno Far dawsa ha ka waraabiye,Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, inuu dalkan wax badan ka qabtay,
Ilaahaw ka sokowna uu isagu  nabadda iyo dhamaan nidaamka dawladnimo ee dalkani ku dhisan  ya hay maanta, uu  dhidibada u taagay.

Haddaba , su'aasha qof walbba oo wadaniya,oo jecel horumarka iyo wanaagga Somaliland uu is wey diin karaa waxay tahay: Marxuum Cigaal dabadii muxuu maamulka Riyaale dalkan iyo umaddan ku so o kordhiyey mudadii 8 Sanno ahayd, oo mudan in loogu abaal gudo mar kale in loo doorto kursiga Ma daxweyne nimada ?.

Jawaabta su'aashaasi akhristaw adaan kuu dhaafayaai, balse aan waxa yar guudka ka xaadho  wax qabadaka iyo guulaha maamulka Riyaale:


1-Boob lagu hayo hantida Qaranka iyo ma guurtadii umadda
2-Musuq maasuq baahsan oo xakamihii goostay
3-Kheyraadkii Badda iyo Kalluumeysigii oo sharci darro ajaanib loogu fasaxay
4-Biyo la'aan iyo surmi shacbigii la baday oo ay la il daran yihiin
5-Golahiisa Wasiirada (Gofanyaasha) oo qirtay inay xoolihii umadda ka dhargeen
6-Cunaqabatayn dhaqaale oo lagu hayo muwaadininiinta dalka
7-Dulmi iyo cadaalad darro baahsan
8-Xoriyadda muwaadinka oo gabi ahaanba meesha ka baxday
9-Cago jugleynta iyo cabudhinta lagu hayo saxaafadda  iyo Ururada Xuquul Iinsaanka
10-Xoolihii noolaa ,shidaalkii iyo ilihii dhaqaalaha oo shisheeye loo xidhay
11-Marsadii Berbera oo ku dhaw in albaabada loo laabo
12-Shuruucdii iyo Distoorkii Dalka oo loo adeegsaday dano gaar ah
13-Xaalad abuur ,fidnno iyo colaad shacbiga laga dhex wado
14-Guul darro iyo fadeexado hor leh oo ka soo gaadhay xagga Siyaasadda Arrimaha Dibadda
15-iyo  guul darrooyin  badan oo aanan qoraal keliya ku soo koobi karin.



Halkaa waxaa kaaga soo baxaya,inaanay jirin wax maamulka Riyaale umadda la horyimaaddo,waana
sababta ugu weyn ee ay uga war wareegayaan inay soo bandhigaan wax qabad koodii iyo barnaam ijka ay ugu talo galeen doorashada.Waxaana hubaal ah in aan Dalku dib u dhac intaa ka badan qaadi karin,loona baahan yahay in isbdel siyaasadeed dalka ku talaabsado, si looga gudbbo maamulkan ma dhaleyska ah .



KULMIYE

Uma baahna sharaxaad badan waxa uu Xisbiga Kulmiye u taagan yahay, ku dhisan yahay , aaminsan yahay iyo in looga waramo shacbiga Karaamda badan ee reer Somaliland toona,  ka uu yahay hoga amiyaha Xisbigu, magaciisa ayaana  innagaga filan, abaal aan la gudi karin ayaanay dalka iyo ummad duba u hayaan  Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxaa  xusid mudan , halganka maanta lagu jirana qayb weyn ka qaatay, oon marnaba la illoobi kar in dadaalkiisa,wax qabadkiisa,khibradiisa , aqoontiisa,waayo arragnimadiisa , wadani jacaylkiisa,Xog hayaha Arrinmaha Dibadda ee Kulmiye ,Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, ahna   cad ceed iyo waa san oo u beryey  Somaliland .

 
Bal aan waxa yar dul maro, laba erayna ka idhaahdo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Kulmi ye.Mudadii koobneyd ee Dr Maxamed Cabdillahi hayay hawsha Xisbiha Kulmiye u igmaday,wuxuu gu ulo wax ku ool ah ka soo hooyey Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Somaliland,wuxuuna daboolay ka alintii uu maamulka Riyaale ka gaabiyey,wuxuuna qadiyadda Somaliland gaadhsiiyey gayi  aan dalkee na laga aqoon.

Intaa waxaa u dheer, aqoonta iyo waayo aragnimda uu u leeyahay siyaasada caalamka iyo dadaalkii uu muujiyey iyo habkii  diblomaasiyadeed ee uu u xaliyey  fadeexaddii wasiirka Arrimaha Dibadda ee maamulka Riyaale kala kulmay madaxda sare ee Kongreska Dalka Maraykanka.Wuxuuna furay xidh iidho  saaxiibtinimo oo caalami ah ,  mustaqbalkana innaga caawinaya sidii aan ula jaan qaadi lahayn bulshada  caalamka,taageero dhan walba ahna uga heli lahayn.


Dr Maxamed , wuxuu qadiyadda Somaliland kaga hadlaa Jaamacada ugu waaweyn  adduunka, kana qayb galaa shirarka  Caalamiga ah , wuxuuna xidhiidh wanaagsan la leeyahay saxaafadda dunida , una gudbiyaa qoraallo waxa ku ool ah , oo ka tarjumaya sidii bulkshada caalamku waxa ula qaban la hayd Dimuqraadiayadda curdinka ah ee ka hana qaaday dalkeenna Somaliland.


Waxaa taa u dheer, xidhiidhkaa qotada dheer ee uu la sameeyey diblomaasiyinta caalamka,waxaanu uga xogogaal warramaa marbba  marxalladda dalku marayo iyo siyaasadda Xisbiga Kulmiye  ee ku
ku salaysan nabad ku wada noolaanshaha , wada shaqaynta,is af garadka,wax wada qabsiga iyo is xaq dhowrka.


Waxaan u soo jeedinaya shacabka Somaliland iyo  bulshada deggan magaalada aan ku dhashay ee Tog-Wajaale, inay codkooda ku taageeraan Xisbiga Kulmiye , si looga baxo maamulkan ma dhaley ska ah ee Riyaale,iyo Golihiisa Wasiirada (Golaha Gofanyaasha) ee  hantidii umadda sidii AYAXA u xa alufiyey.


Qoraal kaliya laguma soo koobi karo wax qabadka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kulmiye,waxaan an idinku dhaafayaa , Dr Maxamed Cabdillahi waa cad ceed iyo waa san oo u beryey Somaliland.

 

 

 

By: Cabdirisaaq  Cali Muse (Shiine)
Birmingham  UK