Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo si Weyn u Naqdiyey Siyaa dsadii Aqoonsi-raadinta Xukuumadihii Ka horreeyey



Hargeysa  (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cu mar, ayaa naqdiyey siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadihii ka horreeyey, isaga oo xusay in siyaasadoodii arrimaha dibadda ee la xidhiidhay aqoonsi raadintu ahayd mid aad u liidatay.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shalay su’aalo lagu weydiiyey barnaamijka la yidhaahdo  ‘Dadka aga la hadal’ ee ka baxa teelfishanka qaranka, waxa uu sheegay in xukuumadoodu guulo waaweyn soo hoysay muddaadii koobnayd ee ay xilka hayeen, isla markaana ay himiladoodu ka duwan tahay labadii xukuumadood ee ka horreeyey ee uu dhaliilay siyaasadooda arrimaha dibadda.

Waxa uu ugu horreyn wasiirku ka warramay waxyaabaha uu ku dhaliilayo xukuumadii uu madaxwe ynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim oo uu sheegay in mudadii ay talladda haysay hal-ku-dhig ka dhigatay ‘Maanta dunidii dhabarka ayey noo jeedisay.’

“Waxaan doonayaa in aan halkan ka qiro xukuumadihii hore ee ka horreeyey xukuumaddan aan ka tirsanahay, xukuumad waliba kaallin hoggaamineed oo masuuliyadeed bay ka soo qaatay, maamul walbana waxbuu ku soo biiriyey maamulida iyo horumarinta siyaasadda dibadda Somaliland, hase yeeshee way kala duwanaayeen waxtarka ay yeesheen iyo waxa u suurogalay. Waxa kale oo lagu kala duwan yahay iyadoo ay himilada guud ee qaranku ay mid tahay, sida loo dhigaayo dooda  siya asiga ah ee dalka iyo sida loo dhigaayo garnaqsiga siyaasadeed ictiraaf doonka, ayaa aad loogu kala duwanaa.

Waxa kale oo lagu kala duwanaa qaabka istiraajitiyeed iyo hawlgalada ay xukuumaduhu fulinayeen si ay uga midho-dhaliyaan himilada qaran ee ictiraafka siyaasadeed oo aynu helno, ummaddana  a ynu ka mid noqono. Haddaan tusaale idinka siiyo xukuumaddii madaxweyne Cigaal ee ka horreysay xukuumaddii waqtigeedu dhammaaday ee Daahir Riyaale arrimo badan iyo hawlgalo badan ayey ka qabatay siyaasadda arrimaha dibadda, haseyeeshee waxa hal-ku-dheg siyaasadeed u noqday  xa gga arrimaha dibadda, dunidii dhabarka ayey noo jeedisay, kaasina waa mid muujinaaya qalbi-jab iyo niyad-jab, waa mid muujinaya in ay yaraadeen siyaasadihii iyo hindisayaashii kale ee wax  laga ga qaban laha dhabar jeedintaa ay dawladdaasi muujisay ee ahaa dunidii dhabarka ayey noo jeed isay,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirka arrimaha dibaddu waxa kale oo uu dhaleecayn u jeediyey xukuumaddii hore ee xilka laga guulaystay ee uu hoggaaminaayey Daahir Riyaale kaahin oo uu ku sheegay in ay aad ugu liiteen xagga maamul wanaaga iyo doodaha ka socday Geeska Afrika oo ay aad ugu hoobteen, wasiirka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Xukuumaddii kale ee ku xigtay ee uu hoggaaminaayey madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, waxay iyaduna halkaa ka sii qaaday siyaasaddii arrimaha dib adda oo wax wanaagsan ayey ku soo kordhisay, haseyeeshee waxa ka horyimi laba dhibaato oo ay ka mid yihiin laba arrimood oo waaweyn mid waxay ahayd tayada dawliga ah ee markaa jirtay oo runtii adduunyadii aynu ictiraafka ka doonaynay u arkaysay in aanay ahayn mid ay dawlad wa naagu ku badnayn oo aan lagu aamini karin qadiyada siyaasadeed ee dalkeenu markaa doonaaye y, matalan waxa ka mid ahaa in xisaabtanka iyo daah-furka maamulku in uu aad u yaraa, waxa ku badnaa maamulkaa xagga musuqmaasuqa, waxa kale oo hir geliwaayey doorashooyinkii qaranka ee adduunyada deeqaha bixisa ee aynu saaxiibka la nahay ee aynu ictiraafka ka doonaynaa ay maalg ashiga iyo taageerada ay siinaysay ay dhawr jeer dib u dhac badani ku yimi.

Waxa kale oo ka mid ahayd dhibaatada labaad ee ka hor timi meqaamka iyo karaamda ay ku  laha yd waddamada jaarka ah oo aan waqtigaasi badnayn iyo doodihii siyaasiga ee dunida iyo  mandaq ada Geeskaba ka socotay oo ay ku hafteen.

Halkudhigii xukuumadda madaxweyne Riyaalena waxa uu ahaa dunidu way noo soo jeesatay, halka ay qoladii horena ka ahayd dunidi way naga sii jeesatay.”

Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu ka warramay guulihii iyo waxyaabaha ay kaga duwan yihiin xagga siyaasadda arrimaha gudaha, isaga oo intaa ku daray in waxyaabihii u qabsoomay ay ka mid ahaayeen, safaradii uu madaxweynuhu ku tagay waddamada Jabuuti iyo Itoobiya iyo soo dhawaynihii uu kala kulmay wadamadaasi, isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi  “Anna gu waxa aannu aaminsanahay dawladayada cusubi halkudhiga, marka la eego waayo-aragnimadii iyo guulihii soo hoyday 6 bilood in uu hayay kaayagu dunidii way noo timi waanay nala joogtaa, waanay nala shaqaynaysaa.”

Wasiirka arrimaha dibadda oo sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha Somaliland doonayso inay beesha caalamka ka iibiso si ay aqoonsi u hesho, waxa uu yidhi;

“Waxay Somaliland la shirtagaysaa bulshada caalamka markay la hadlayso, waxa ka mid ah ee  aan nu ka iibinayno Somaliland waa dal nabad ah oo nabadgelyo leh oo arrimaheeda siyaasadeedna ku maamulaayey muddo badan.

Somaliland waxay leedahay oo ay kaga duwan tahay waddamo badan, waa qaran madaxbannaan oo ku dhisan habka dumuqraadiyada, habka isdoorashada xorta ah iyo xisbiyada badan ee  tartam aaya, Somaliland waxay leedahay khayraad badan oo dabiici ah, hadday tahay macdan dhulka ku jirta, saliid tahay, xoolaha nool iyo kalluunka oo intuba adduunka qani ka dhiga,” ayuu yidhi wasiir ka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.



Source: Jamhuuriya Online