Kulan Dhex Maray Wasaarada Iskaashigga Boqortooyada Ingiriiska iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE

 


 

KULMIYE oo ka Hadlay Qorshahooda ku Jihaysan Shaqaalaha Dawladda iyo Kulan dhexmaray  Was aaradda Iskaashiga iyo Mucaawimada Dibbada ee Ingiriiska

“Siyaasiyiinta ayaa la beddelaa markay dawaladuhu dhacaan ee lama beddelo shaqaalaha” Dr. Ma xamed Cabdillahi Cumar, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE

London (TNN)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, a yaa wargayska Jamhuuriya Times ee ka soo baxa magaalada London ee carriga Ingiriiska uga xog-warramay natiijada kulan uu la yeeshay Wasaaradda Iskaashiga iyo Mucawimada ee Britain  Ingiri iska iyo qaar ka mid ah hay’adaha Gargaarka lana xidhiidha qorshayaal ku jahaysan shaqaalaha dawladda Somaliland hadday tartanka doorashada ku guulaystaan.

Waxa kaloo uu jawaab cad ka bixiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha qaranka, kuwaas oo Xoghayuhu ku  tilmaa may kuwo dadka lagu marin-habaabinayo.

Dr. Maxamed waxa uu ugu horreyn ka warramayey nuxurka hindisayaasha xisbigooda uu ku soo bandhigay shirkaasi iyo saamaynta uu ku yeelan karo daryeelka shaqaalaha dawladda Somaliland. Isagoo arrintaas ka hadalayeyna waxa uu yidhi; “Daryeelka iyo kordhinta tayada shaqo ee  shaq aalaha dalku waxay qayb ka tahay barnaamij horumarineed oo dhinacyo badan leh oo aanu xisbi ahaan hawshiisa ku jirno, kuwaasi oo lagu kobcinayo, korna loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha dawladda, taasi oo ay iskaashi kale yeelan doonaan maalgalinta hawshan lagu fulinayo beesha caalamka, ururo caalami ah iyo hay’adaha gargaarka ee waddamada reer galbeedka.”

Waxa uu intaa ku ladhay in ay xisbi ahaan ay ka go’an tahay ka shaqaynta sidii shaqaalaha loogu fidin lahaa daryeel dhaqaale iyo xuquuq munaasib ku ah masuuliyadda iyo hawsha culus ee ay  dal ka iyo dadkooda u hayaan ee ay xaqa u leeyihiin, taasi oo KULMIYE u arko in ay maanta ka maqan tahay.

Isagoo ka hadlayay xaaladda ay shaqaalaha dawladdu hadda ku sugan yihiin wuxuu yidhi; “Shaqaalaha Somaliland maanta way dulman yihiin, waxa isugu biiray dhaqaale xumo, daryeel la’a an iyo maamul xumo. Shaqaalaha rasmiga ah ee dawaldda waxa ka badan kuwa aan jirin oo  miisaa niyaddana ku jira, oo kharashka ku baxa lagu daryeeli kari lahaa shaqaalaha ummadda u adeega.”

Waxa kaloo uu ku dheeraaday baaxadda hawlaha horumarineed ee maanta dalka horyaalla oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa aad u culus oo ay ka mid yihiin adeeg waxbarasho, caafimaad iyo  bi yo ayaa ugu horreeya oo ay soo raacaan adeeg maarayn iyo qorshayn ee la xidhiidha  horumarin ta dhaqaalaha, cashuuraha, maamullada dawladaha hoose, deegaanka,beeraha iyo kalluumaysiga. Hawlahani dhammaantood waxay u baahan yihiin ayuu yidhi shaqaale tababaran, awood maamul oo daahfuran, iyo dareyeel iyo dheef shaqaale.

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo iftiiminayey waxyaabaha xisbigoodu ku soo kordhin doona  horumar imta shaqaalaha Somaliland, waxa uu yidhi; “Waxaannu kor u qaadaynaa xuquuda, farsamada iyo tayada shaqaalaha oo lafdhabar u ah horumarinta dalka. Waxaannu shaqaalaha siin doonaa agab, maarayn iyo hoggaamin si ay u wajahaan hawlaha qaranka.”

Mar wax laga weydiiyey aragtida KULMIYE ee ku wajahan hadal dhowaan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo ku eedeeyay xisbigooda inuu shaqaalaha dawladda eryi doono hadduu talada dalka qabto, sidaa awgeedna loo baahan yihiin in shaqaaluhu shaqadooda ilaashadaan, wuxuu Xoghayuhu arrintaasi ku tilmaamay “Nin daaq qaaday xumbo cugsay. Wasiirku waa isaga ninka shaqadiisa waayayaa, shaqaaluhu waligood way  joogay aan. “Siyaasiyiinta ayaa la beddelaa markay dawaladuhu dhacaan ee lama beddelo shaqaalaha,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi

Sidoo kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay  Guddoomiy aha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland oo weeraray siyaasadda xisbiga KULMIYE, kuna tilmamaay mid gobolka Geeska Afrika xasillooni-darro ka ridi karta.

Waxa kaloo Xoghayuhu tilmaamay in waajibaadka hay’adda shaqaaluhu yahay inay ilaaliso  xuquu qda iyo daryeelka shaqaalaha, ayna mamnuuc ka tahay inay ku milanto tartanka xisbiyada iyo  siy aasadda, waxaannu ugu baaqay in hay’addu ka hadasho baahida baahday iyo dareyeel xumada haysata shaqaalaha Somaliland.



Source:Jamhuuriya Online