Somaliland Maxay Ku Kasbatay in 60% Britain U Qorshayso? Wasiirka
Arrimaha Dibada Somaliland
Addis Ababa (TNN)-Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Md
Maxamed Cabdilaahi Cumar ay aa faah faahin ka bixiyey deeqda
dhaqaale ee ay dalka Uk ugu deeqayso Somaliland isaga oo jooga dalka
Itoobiya, gaar ahaan Addis Ababa.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay inay Somaliland ku kasbatay deeqda
dhaqaale hanaanka dawladni mo ee ka hana qaaday tan iyo wixii ka
danbeeyey markii ay xornimadeeda kala soo noqtay wixii la is ku
odhan jiray Somaliya,18 May 1991.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in horumarka Somaliland ka socdaa
ee ay dalwada UK indhaheeda ku aragtay, ay soo dadajisay kor u
qaadida dhaqaalaha iyo mucaawinooyinka Britain ugu deeqay Som
aliland, kadib markii kulan dhex maray madaxweynaha iyo xoghayaha
horuminta UK, Andrew Michal mar uu booqasho ku yimi Somaliland.
Wasiirka oo arrinta gargaarka ka hadlaya ayaa yidhi
“Somaliland aad iyo aad ayey u soo dhawaynaysaa mucaawinada wax ku
oolka ee ay dawlada ingiriis ku ay Jamhuuriyada Somaliland
sida gaarka ah ugu qoondaysay, waxaanu xooga saari doonoo arrimo ay
ka mid yihiin, caafimaadka, biyaha iyo waxbarasahda, gargaarkaas
waxaanu kor ugu qaadi doon arimahaas”
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay qaybaha kale ee ay ku horumin
doonaan dhaqaalaha sida tooska ah loogu caawiyey, waxaana uu yidhi
“waxaanu kor ugu qaadi horumarinta arrimaha dhaqaalah iyo shaqo
abuuritsa iyo waliba arrimaha na bad galyada sidii loo adkayn lahaa”
Md Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaa uu sheegay in ingiirisku u
qorsheeyey Somaliland in uu gaadhsiiyo dhaqaale gargaar oo dhan 60%,
taas oo markii hore la siin jiray Somaliland Boqolkiiba 40%, waxaana
uu taas ku macneeyey maamul wanaaga Somaliland ka tis qaaday.
Wasiirka ayaa ugu danbayntii ka waramay inay Somaliland hada ay
wadamo kale ka heli doonaan dhaqaale si gaara loogu caawiyo, waxaanu
hoosta ka xariiqay inay dawladahaas ay ka mid yihiin Denmark.
Source:Waryatv
|