Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Kulmiye ,Dr/Profes sor Maxamed Cabdillahi Cumar iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminyey oo  SI WEYN HARGEYSA LOOGU SOO DHAWEEYEY

 



Hargeisa (TNN)-Xoghayaha Arimaha Dibadda Xisbiga mucaaridka ah KULMIYE Dr.Maxamed C/laahi Cumar iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay ayaa manta Si balladhan Loogu Soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee cigal international Airport ee Magaalada Hargeisa.Xoghayaha oo   saf arkiisan kaga soo kicitimay dalka Ingiriiska , ayaaa waxa ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan  qur ba jooga xisbiga KULMIYE ee dalalka ingiriiska iyo maraykanka, waxaana ka mid ah Cismaan  Saxar diid –X idhiidhiyaha Qurbajoogta , Maxamed Yoonis, Gudoomiyaha gudida Radio Horyaal, Ibrahim H ussein , Gudoomiyaha Gudiga kulmiye UK, Axmed Cadare – Guddida Fulinta ee UK, Eng. Cabdi Jaam ac, Oday dhaqameedyo, Ganacato, iyo taageerayaal badan oo xisbiga KULMIYE ah iyo dadweyn e kale.

Weftigaasi ayaa waxa madaarka magaalada hargaysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE,oo uu horkacayay xog hayaha guud ee xisbiga kulmiye mr keyse xasan cigge,iyo xil. Dhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland,xubno ka mid ah Golaha dhexe ee  kul miye,Garabka Haweenka ee Xisbiga kulmiye, marti sharaf kale iyo taageerayaal aad u fara badan oo iyaguna halkaasi ku soo dhawaynayay xoghayaha iyo waftiga uu hogaaminayay.

Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo Markii uu ka soo Degay Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada  Ha rgeisa oo ay saxaafadu Su,aalo ku waydiisay Qolka Nasashada ee VIP-ga ee madaarka hargeisa ayaa waxa uu ka waramay ujeedada Socdaalkooda ay Dalka ku yimaadeen iyo halka ay marayso Siyaasada Arimaha Dibadda ee Xisbiga kulmiye, isaga oo sheegay inay Halkan u yimaadeen inay goob joog u noqdaan Doorashada Madaxtinimada ee Dhawaan lagu wado inay Dalka ka  Qabsoon to waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan uga soo jeedinayaa hambalyo iyo Bogaadin Shacabka Reer Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Geesinimada ay muujiyeen u  diya ar garawga Doorashooyinka la filayo inay Dhawaan dalka ka qabsoomaan, ujeedada ay Waftigu Dalka u yimaadeen oo ah Siday uga qayb qaadan lahaayeen Doorashooyinka madaxtinimo ee  dha waan la filayo inay Dalka ka dhacaan, una horminayaan Nabada, iy Arimaha Dimuqraadiyad”

Mar uu xoghayuhu ka hadlayay sida ay u arkaan dalalka caalamka ee daneeya Somaliland doora shadan soo socota hadii ay ku dhacdo si nabad geliyo ah waxa ay u soo kordhin karto Somaliland waxa uu yidhi

“ doorashadan aynu maanta galaynaa way ka duwan tahay kuwii hore,doorashadani haddii ay si nabad geliyo ah,oo xor iyo xalaal ah ku dhacdo waxay caalamka u muujinaysaa qaran-nimada iyo gooni isku taaga Somaliland,waxa kale oo ay muujinaysaa in qaranka Somaliland yahay mid la  tis qaadi kara mandaqada geeska Afrika iyo wadamada kale ee caalamkaba duniduna waxay ka  suga ysaa doorashadan in ay inoogu dhacaan si nabad geliyo ah oo xor ah,hadii arimahaasi suura  gala ana dawladaha ugu waa wayn dunida ee ay ka mid ka yihiin reer galbeedku waxay ku balan  qaad een in ay wax la qaban doonaan somaliland,haday noqoto xaga mucawamada iyo hor u marka iyo haday noqoto xaga siyaasadaba markaa runtii waa doorasho culays wayn ku leh Dalkan  Somalil and loona baahan yahay in si sharaf leh oo nabad geliyo ah oo xor ah inoogu dhacdo”

Intaasi ka bacdi waxaa Xoghayaha khaarajiga iyo Waftiga uu hogaaminayo loo soo Galbiyay  Xar unta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda Hargeisa, halkaasi oo loogu Sameeyay Xaflada  Ba laadhan oo Soo dhawayn ah taasi oo ka Dhacday Hoolka Shirarka ee (CALI MAARSHAAL  Confere nce Hall ), Halkaasi oo ay sii joogeen Boqolaal ka Tirsan Taageerayaasha Xisbiga kulmiye iyo Qaar ka mid Abwaanada Waawayn ee Caanka ka ah Gayiga Somalidu Degto, Sida Abwaan Xasan  X.C/l aahi Aadan Xasan Genay, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, jilaaga Caanka ah ee Basbaas, Fanani in Cali Burco, Fanaan Cali Baqayo, Fanaan iyo Qaar ka mid ah Fanaaniinta Da,da yar ee Somaliland iyo Marti sharaf kale.

Xoghyaha Arimahada Dibada Xisbiga kulmiye Dr.Maxamed C/laahi iyo Masuuliyiintii Qurba jooga  a haa ee Ku wehelinayay Socdaalkiisa oo halkaasi kala hadlay Taageerayashii soo dhaweeyay, ayaa u mahadnaqay Taageerayaasha Xisbiga kulmiye Sida qiimaha, Qaayaraha iyo Qiiradaba leh, ee ay usoo dhaweeyeen, isaga oo kula dardaarmay Taageerayaasha Xisbiga kulmiye inay Codkooda ku taageeraan Xisbiga kulmiye, kaasi oo uu sheegay inuu yahay Xisbiga u horseedi kara Horumar iyo Isbeddel la taaban karo Guud ahaanba Dalka Somaliland.

Fanaaniintii iyo Abwaanadii madashaasi ku sugnaa ayaa ku soo Bandhigay halkaasi Maadays  gaa ban oo ay ka Turjumayay Marxalada Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee uu Dalkan Somaliland ku Sugan yahay, taasi oo laga dheehanayay ama ay ka dhex muuqanaysay sida ay Abwaaniinta iyo  Fanaa niintan uga soo horjeedaan Xukuumada Tallada haysa , iyaga oo Dhinaca kalena ku Wacyi  galinay ay Bulshada Reer Somaliland inay Taageeraan Xisbiga kulmiye.

Waxa kale oo ay halkaasi Fanaaniintu ka qaadeen Heeso Qiiro leh oo ay oo ka Waramayay Maamul Xumadda iyo Dhaliilaha Xukuumada Tallada Dalka haysa, iyo Xaqsoor la,aanta, Cadaalada la,aanta iyo Cabudhinta ay dawladu ku hayso Shacabka Somaliland, Heesahaasi oo ay hal Abuureen  Abwa anadda kala ah, Abwaan Xasan X.C/laahi Aadan (Xasan Genay) iyo Maxamed Aadan Dacar.

 


 


Khadar Cabdi Muuse/Mustafe Future
Timacade News Network (TNN)
Hargeisa/Somaliland
timacadenews@hotmail.com