Xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga kulmiye oo gaadhsiiyay qaddiyadda JSL 22 dal
 

                       

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga KULMIYE JSL, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo dhawaan ka qayb galay shirwayne caalami ah oo ay xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ku yeesheen Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden, ayaya u suurta gashay inuu gaadhsiiyo qaddiyada JSL 22 Dal....

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo dhawaan ka qaybgalay shirwayne caalami ah oo ay xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ku yeesheen magaalada Stockholm ee dalka Sweden, ayaya u suuragashay inuu qaddiyada Somaliland gaadhsiiyo 22 dal oo ka soo qaybgalay shirwayaha, si gooni ahna wuxuu ula kalmay qaar ka mid aha hogaamiyayaashii Yurub ee shirka ka soo qaybgalay.

Arrimaha shirka lagaga hadalay waxaa ka mid ahaa sii loo yarayn lahaa khatarta ka iman karta iska horimaadyada siyaasiga ah ee adduunka, arrimo la xidhiidha ganacsiga iyo dib u dhac hadda ku yimid bangiyada iyo sayladaha dhaqaalaha adduunka, horumarinta xoriyadda dadka iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa kaloo lagawada hadlay fidinta dimuqraadiyadda iyo wax ka qabashada colaadaha ka aloosan gobollo ka mid ah adduunka

Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE, iyo waftigiisa oo uu ka mid ahaa Prof. Xuseen Xasan Guled oo ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo xubo kale, wuxuu casuumada rasmi ka helay madaxda European Liberal Democratis Reform (ELDR) iyo hogaamiyayaasha xisbiga Folkpartiet ee Sweden oo ka mid ah xisbiyada talada dalka Sweden hadda haya. Waxaana u suurogashay inuu gadhsiiyo qadiyadda Somaliland madax badan oo reer Yurub ah oo ka soo qaybgashay shirka. Waana madashii ugu waynayd ee qaaradda Yurub ee qaddiyadda Somaliland lagu soo bandhigo tan iyo markii ay Somalilnad la soo noqotay madaxbanaanideeda.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxuu dhanbaal mahadnaq ah oo uu ka sido shacabka Somaliland u gudbiyay Annemie Neyts-Uyttebroeck oo madaxa ka ah Eurpean Liberal Democratic Reform (ELDR) oo sanadkii hore ka soo saartay shirka xisbiyada Yurub baaq ay ugu yeedhay wadamada ku jira midowga Yurub inay aqoonsi siyaasadeed u fidiyaan Somaliland.

Intii uu shirku socday waxuu kaloo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE la yeeshay kulamo gooni ah qaar ka mid ah madaxdii ka soo qaybgashay shirwaynaha. Waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiinta ay is arkeen Raysalwasaare ku xigeenka dalka Belgium ahna Wasiirka Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Didier Reynders, Mawro, Annemie Neyts-Uyttebroeck, shirgudoonka shirwaynaha, ahna guddoomiyaha ELDR, Marwo Cecilia Malmstrom, Wasiirka Arrimha Yururb ee Sweden, Marwo Brigitta Ohlsson, oo ah afhayeenka arrimaha dibadda ee xisbiga Folkpartiet una ololaysa qaddiyadda Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Yurub.
 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE Wuxuu wufuudda shirka uga waramay xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Somaliland iyo kaalinta ay Somaliland kaga jirta ilaalinta nabadgalyada iyo horumarinta dimuqradiyada gobolka Geeska Afrika. Waxaa kaloo xoghayuhu mas’uuliyiinta uu la kulmaya uga waramay weerarkii ay dhawaan argagixisadu ku soo qaadaay dalka Somaliland iyo khasaarihii ay gayteen, wuxuuna wadamdii shirka ka soo qaygalay ka codsaday inay gargaar iyo iskaashiba la garab istaagaan shacabka Somaliland. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE wuxuu kaloo ka hadlay khatarta ay budhcad badeedu ku hayso gobolka iyo xaaladda xasilooni darada ah ee ka jirta manadqadda Geeska Afrika. Waxaa kaloo xoghayuhu la kulmay madax ka tirsan xisbiyada liberaalka ee dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga, oo labaduba ku casuumay xisbiga KULMIYE kulammo ka dhici doona dalalkooda.

Mas’uuliyintan qaarkood wuxuu Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ku casuumay inay goobjoogayaal ahaan uga soo qaybgalaan doorashooyinka madaxwaynanimada ee Somaliland ee sanadka soo socda.

Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar intii uu joogay Sweden waxaa kaloo kulan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee Sweden oo uu ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan horumarinta qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Wuxuu kaloo ka mahadceliyay soo dhawayntii ay u fidiyeen jaaliyadda iyo xubanha xisbiga KULMIYE ee Sweden isaga iyo waftigii la socdayba. Ka qaybgalka Xoghayahaha Arrimaha Dibadda KULMIYE ee shirwaynahani waxay dar-dar cusub galisay dadaalka kooxaha siyaasadda ee reer Yurub qaarkood ay ugu jiraan aqoonsiga Somaliland, waxayna qayb ka tahay hawlgalka uu xisbiga KULMIYE ugu jiro sidii taageero balaadhan loogu heli lahaa qaddiyadda shacabka Somaliland.


Somaliland.Org