Guddoomiyayha Arrimaha Guddaha Guurtida Oo Wasiir Gab oose Ku Eedeeyay Inuu Hor Istaagay Fulinta Xukunadii Maxkamadaha Ka Soo Baxay

 

 

“Gaboose Kursigii Weynaa Ee Loo Dhiibay Wuu Ku Fashilmay, Saaxiibkii Ina- Xaashina Wuu Ku Guul aystay, Kabo Madaxweynana Ma Buu Tolan, Burco-Na Wajigabax Badanbaa Kaga Dhacay” Guddoo miyaha Arrimaha Guddaha Guurtida Axmed Muuse Obsiiye
 


Hargeysa, March 3, 2011 (TNN) - Guddoomiyaha Arrimaha Guddaha iyo nabad galyada Golaha Guu rtida Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay, in Wasiirka Arrimaha Guddaha Dr. Maxamed Cabdi  Gab oose uu si weyn ugu fashilmay xilkii loo igmaday, kuna eedeeyay inuu is hortaagay fulinta  xukuna dii ka soo baxay Maxkamadaha dalka oo gaadhaya 50 Kiis oo u badan arrimo dhul, isagoo intaa ku daray in shacbiga reer Somaliland ay aad uga cadhaysan yihiin hab dhaqanka xil gudasho  la’aane ed iyo luuqadahga aan Munaasibka ahayn ee uu kaga hadlo dhacdooyinka la xidhiidha arrimaha  Bu lshada iyo Amaanka, isagoo ugu baaqay maadaama uu xilkiisii ku fashilmay u dib ugu noqdo  xirfad iisa dhakhtarnimo.


Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay khadka Telefoonak kula soo xidhiidhay Haatuf, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arrimo ku saabsan Sixirbararka, Meceesh ada, furista ururada siyaasada ee xaaladaha ka taagan deegaanada Buuhoodle.

Xildhibaan Obsiiye oo arrimahaa ka hadlayana, waxa uu yidhi “Xukunadii ay gaadheen  Maxkamada ha dalku oo darajo kasta leh fulintoodii wax is hortaagay oo dib u dhigaya kolba waa Wasiirka  Arr imaha guddaha Dr. Maqxamed Cabdi Gaboose, arintaasina waa mid cadaana oo aan qarsoonayn, s halay inta la ii sheegay tirada xukunadaasi uu dib u riday fulintooda 50 xukun kama yara oo u  bad an arrimaha dhulka oo Maxkamadaha Hoose iyo ta sare-ba soo wada maray, xukuumadda xilkeeda iyo waajibaadkeedu-na waa fulin haddaan xukunadii la fulinaya dee dhibkeeda ayay leedahay”.

Mar aanu weydiinay waxa uu ku eedaynayo, in Wasiirka Arrimaha guddahu hor taagan yahay in la fuliyo xukunadii Maxkamadaha ka soo baxay, waxa uu yidhi “Arintaasi waa mid dhab ah oo  guntee da aanu soo xaqiijinay”.

Mar aamu weydiinay sida ay suurta gal u noqon karto sharciyan in Wasiir is hor taago fulinta  xuk unada Maxkamadaha ka soo baxa, waxa uu yidhi “Ma laha fulinta ayay wax ka dhalan doonaan  in uu is yidhaahdo iyo inuu nabad galyada uu ku baaqay garan waayo, laakiin go’aan Maxkamadi  gaa dhay cid is hor taagi kartaa ma jirto”.

Mar aanu weydiinay Mudaharaadkii ay dadweynaha Xaafada New- Hargeysa ee degmada Gacan-Libaax ay dhawaan kaga Mudaharaadeen Guryaha lagu gubayo goobahaasi iyo qaabkii uu uga hadlay falalkaasi, waxa uu yidhi “Kolay anigu shacbiga degmada Gacan-libaax ku dhaqan baan aad uga war hayoo, Gacan-Libaax aad bay arintan uga cabanaysa, waxyeelo badan oo arintaa aan ku haboonaynina afkiisay ka soo baxeen, ninkaasina waa kii ina lahaa madaxweynaan doonayaa, madaxweynana Kabaheediiba muu tolan, ninka hugureeya jago madaxweynena Kabaheeda ayuu sii toshaa oo dadka ayuu kasbadaa oo wax gashadaaye, xilkan uu hayo maanta ayaaba fashiliyay, nasiib daro arin kasta oo la soo kulanta wuu ku fadhilmayaa, qof madaxweyne doonaya-na hab dhaqanadan uu ku kacayo iyo qaabkan uu u hadlayo, waxaan kula talin lahaa Dr. Gaboose  xirfad aadii Dhakhtarnimo iskaga noqo, Kursigan arrimaha guduhu waa jago Raysalwasaare kursigii ugu weynaa ayaa laguu dhiibee, haddii aanad wadi karayn, ummada ha iska hir taagin, isaga iyo  saaxii bkii Maxamed Xaashi oo isaguna ah Wasiirka Maaliyada, nina wuu guulaystay nina wuu dhacay, markaad isku eegtana, Maxamed Xaashi xilkiisii wuu gudanaya, wax buu qabanayaa wax kasta cidhiidhi ha galiyo, waxaad arkaysaa inuu wax badan oo horumar soo kordhnayo, sidaa darteed in- Xaashi xilka loo magacaabay wuu ku guulaystay, saaxiibkii Gaboose wuu ku fashilmay.

Ta kale waxa iyaduna murugo leh oo aan ka hadlayaa Sarifkan Doollarka ee jabay iyo qiimaha  Mac eeshada ee cirka isku sii shareertay oo dadweynihii reer Somaliland, nolashoodii cidhiidhi galiyay, kuna sugan yihin xaalado abaareed iyo Sixir barar, waxaase isweydiin leh, ma xukuumadda  Sarifk an jabay maamusha oo qiimaha Maceeshada-na kordhinaysa, mise Ganacsatadaa Sarifka Dollarka-na Jabinaysa qiimaha Maceeshada-na qaali garaynaysa, arintaasi waa in si dhashso ah wax looga qabtaa”.

Mar aanu weydiinay guddida qaran ee ka soo talisa furista ururada siyaasada ee madaxweynaha la filayo inuu dhawaan soo magacaabi doono iyo in la furo waxay ururo cusub uu la muuqato, waxa uu yidhi “ Haddii guddida la magacaabayaa ay tahay guddii Diiwaangalinta ururada siyaasada, ururadii-na la furo waa guul, waana mid loo baahan yahay, inay guddi kale tahay anigu ma kale hubo”.

Mar aanu weydiinay socdaal uu dhawaan ku tagay Wasiirka Arrimaha guduhu Burco oo la sheegay in kulamo la yeeshay madaxdhaqameedyada beesha Bariga Burco inuu waji gabax kala kulmay wax uu ka ogyahayiyo taageerada beeshooda, maadaama ay isku beel ka soo jeedaan, waxa uu yidhi “Markaan ku leeyahay madaxweynaan doonayaa iyo hab dhaqankiisa Gaboose laba is qabta  maa ha, waxaan ka qiyaas qaadanayaa muddadii uu xilka hayay, heerkay kala gaadheen beeshiisa iyo shacbiga Somaliland, waji gabax badan baaanu kala kulmay Burco baryihii dhaweyd”.

Mar aanu weydiinay kalsoonidii weynayd ee uu shacabka ku lahaa Dr. Gaboose xiligii uu  Mucaarid ka ahaa inuu ku muddadii xilka Wasiirnimo uu hayay, waxa uu yidhi “Markii hore firfircooni badan iyo soo joogsibuu lahaa Dr. Gaboose, laakiin xilku wuu dumiyay isaga oo siyaasadad ahaan buu u Faylgaroobay muddadii uu xilka hayay.

 

Source:Haaruf