Masuuliyiin Cusub oo loo Magacaabay Degmooyinka Wajaale iyo Gabiley
Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed
Cabdi Gabboose, ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay shalay
degmooyinka Tog-wajaale iyo Gabiley.
Degreeto uu shalay soo saaray Wasiir Gabboose waxa Guddoomiyaha
degmada Wajaale ugu magacaabay Xaashi Maxamuud Cabdi Geeddi,
Guddoomiye-ku-xigeenna Maxamuud Sheekh Muuse Bookh, halka uu
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Tog-wajaale u magacaabay Faysal
Maxamuud Cumar.
Sida oo kale waxa uu Wasiirka Daakhiligu u magacaabay Mr. Axmed
Maxamuud Muxum ed inuu noqdo Xoghayaha Dawladda Hoose ee
Degmada Gabiley.
Masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay degmooyinka Gabiley iyo
Wajaale, ayaa la filaya a in ay maalmaha soo socda si rasmi ah
xilalka ugala wareegaan masuuliyiintii hore ee
xukuumaddii Madaxweyne
Rayaale.
Source:Jamhuuriya Online
|