Guddoomiyihii hore ee Jaamacada Hargaysa oo maanta cadeeyay in uu si rasmi ah xilkii iskaga casilay,kana waramay waxyaabihii jaamacada u qabsoomay muddadii uu joogay:-


Dr.Bulaxan Waxa kale oo uu ka waramay wax yaabihii u qabsoomay muddadii uu hayay xilka  guddoo miyenimada Jaamacad Hargaysa .

Hargaysa (TNN):-Gudoomiyihii Jaamacada Hargeysa Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan, ayaa maanta si  ras mi ah u cadeeyay in uu iska casilay xilkii gudoomiyenimo ee Jaamcada Hargeysa, Guddoomiyihii hore ee jaamacada Hargaysa Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan waxa uu iscasilaadiisa ka sheegay kana  cadee yay shir’jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arimo badan oo la xidhiidha sababta keentay in uu wakhtigan iscasilo,waxa kale oo uu  shirk iisan jaraa'id kaga waramay waxyaabihii u qabsooamya mudadii uu Gudoomiyaha ka ahaa Jaamcada Hargeysa.

Dr Bulxan Waxaana uu sheegay in is casilaadiisu ay salka ku hayso go’aan uu hore u qaatay oo ahaa in uu jaamcada Hargeysa Gudoomiye ka ahaanayo mudo laba sanadaood ah iyo arrimo isaga u gaar ah.Waxa kale oo uu Dr.Bulxan xusay in mudadii uu Gudoomiyha ka ahaa Jaamcada Hargeysa in uu u go’ay shaqada Jaamaca isla markaan ay ka baaqdeen hawlo isaga u gaara,isaga oo xusay in tiraba saddex buug oo isagu uu qorayey oo laba ka mid ay qoraalkoodu uu dhamaadeen uu waayay wakhti uu ku daabaco.

Dr.Bulaxan Waxa kale oo uu ka waramay wax yaabihii u qabsoomay muddadii uu hayay xilka  guddoo miyenimada jaamacad Hargaysa,isaga oo sheegay in uu muddadaasi ku soo kordhiyay waxyaabo  bad an oo ay ka mid yihiin Kuliyada Beeraha, Kuliyada Engineerinka, iyo Kuliyada Nabada iyo Xalinta  Khilaa faadka iyo kuwo kale oo badan Dr Bulxan waxa uu intaasi ku daray in markii uu jaamacada yimid  wak htigaasi uu xaalka jaamacadu ahaa mid liito iyada oo dayn badan jaamacada lagu lahaa kala daad  sa naan dhinca sharciga ahina ay jirtay "Markii aan anigu imid jaamacada Hargaysa ee aan Gudoomiyaha ka noqday waxaan imid iyada oo dayn badan lagu leeyahay, una baahan in loo sameeyo sharuucdii lagu maamulilahaa Jaamacada, sidaa daraadeed aniga iyo shaqaalihii kale ee jaamacaduba waxaanu aad uga dadaalnay marka ugu horaysa sidii loo bixin lahaa dayntaas waana aanu bixinay, Shuruucdii lagu maamulilhaa haday tahay tii dhinaca waxa barashada, maamulka iyo xisaabaadka, waxa kale oo aanu Jaaamcada ku soo kordhiyay muddadii aan joogay Kuliyada badan oo ay ka mid yihiin Kuliyada Beeraha, Kuliyada Engineerinka, iyo Kuliyada Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka.iyo Dhismayaal Cusub, waxa kale oo aan jaamcada ku soo kordhinay Qalab tiro badan".


Isaga oo ka waramayay Dr Bulxan waxyaabaha kale ee uu Jaamacada uu ku soo kordhiyay muddadii uu jooogay gaar ahaana tayaynta dhinaca waxbarashada waxa uu yidhi " waxa imika jooga jaamcada 12 macalin oo ajinabi ah ku waas oo ka qayb qaadana tayada aqoontaardayada ee luqada Enghlishta, anigu ma aan jeclayn in aan Jaamcada ka tago, laakiin wax aan ka maami waayey in aan ku noqdo  sh adaydii dakhtarnimo, waxaan maanta aad ugu kalsoonahay in Macalimiinta Iyo Maamulka kale ee  Jaa macadu ay ka soo bixidoonaan shaqadooda, kamana tagayo Jamacad si haysata ee waxaan ka  tag ayaa Jaamcad maamul iyo Ardayba Meel u wada jeeda" ayuu yidhi Dr Bulxan.

Dr.Bulxan waxa kale oo uu intaasi ku daray in jaamacada Hargaysa ay jirtay muddo ku siman 10-sano ah ayna tahay jaamacadii labaad ee dalkan somaliland laga hirgeliyo, muddaadaasi ay jirtayna la  geli yay tabac aad u balaadhan haddii ay tahay dhinaca dawlada,dhianca macalimiinta iyo  waalidiintab a,maantana ay marayso heer aad u wanaagsan " waxa ay jaamaca jirtayjaamacada Hargaysa waxa ay jirtay muddo ku dhaw 10 sanadood,mudadaasi ay jirtayna dad badanbaa tacab iyo dadaal soo  gal iyayey hadaytay Waalid, Macallimiin,Dawlad iyo shacaba, waana jaamacdii labaad ee dalka laga  hirg aliyey, runtii waa lagu faani karaa halka ay maanta marayso, mudadaas ay jirtay ee 10-ka sanadood ah iyo halka ay maanta maryso Guul ayey joogataa Jaamcada hargeysi " ayuu yidhi Dr Bulxan

Guddoomiyihii hore ee Jaamacada Hargaysa dr Xuseen C/laahi Bulxan waxa uu sheegay in ay  jaama cada Hargaysa maanta leedahay maamul madaxbanaan iyo Guddi xul ah oo tayo leh,oo ay xubno ka yihiin Madaxweyne ku Xigaaenkii Hore Md.Axmed Yuusuf ,Gudoomiha Shirka TELESOM Cabdikariim Max amed Iid, Meereeyaha Shirkada Dahabshiil , Md.Cabdirashiid Maxmed Saciid, Gudoomiha Shirkada DA ALLO Arlines Md.Colaad , Sheekh Aaadan Shiiro, Dr.Cismaan Sheekh Axmed, Xasan Bulbul, isaga oo t ilmaamay Guddidaasi ay tahya Guddi aqoon leh kuwaasi oo wax ay Jaamacada taraan ma'ahee aan waxba  uga baahnayn ,isla markaana heer aad u sareeya gaadhsiin kara.

 

 


Khadar cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland