Dr. Axmed Xuseen Ciise oo u muuqda inuu ugu fadalo cad-yahay X
ubnaha u tartamaya Hogaaminta Xisbiga UCID ee Shirweynaha August
2012
Bristol-UK (TNN) Sida ay ilo muhiim ah oo xog-ogaal ahi ay
tilmaamayaan waxaa beryahan danbe soo xoogaysanayay masuuliyiin
badan oo ka tirsan siyaasyiinta qaranka oo diyaar garow xooggan ugu
jira inay u tartamaan jagada Gudoomiyenimada Xisbiga Mucaaridka ah
ee UCID marka la gaadho qab ashada Shirweynaha xisbiga UCID oo
lagu wado in uu caasimada Hargeisa ka qabsoomo bilowga Bisha Ogosto
(August) ee sanadka danbe 2012.
Hadaba iyada oo horeba ay
badheedhahooda ka muujiyeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin
Gudoomiy eha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cirro iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Mudane Aaden Mire Waqaf
ayaa waxa iyana si weyn loo hadal hayaa inuu jagadaas u tartamo
aqoonyahanka weyn ee siyaasiga ah Dr. Axmed Xuseen Ciise oo hore u
ahaan jiray xoghayaha Arri maha Debada ee Xisbiga
Kulmiye, hase yeeshee markii danbe iskii isaga casilay xilka uu ka
hayay KUL MIYE ka dib markii uu ka biyo diiday habkii loo maamulay
shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee Burco lagu qabtay bishii August ee
sanadkii 2008, halkaasoo lagu soo doortay Murashaxyadii Xisbiga
KULMIYE ee Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Mudane Cabdiraxmaan
Saylici oo labad uba maanta ah Madax weynaha iyo Madaxweyne ku
xigeenka jamhuuriyada Somaliland.
Jariidada Somali Voice ayaa waxaa
soo gaadhaya warar muhiim ah oo tilmaamaya in dadweyne a ad u
tiro badani ay culays ku saarayaan Mudane Axmed Xuseen Ciise inuu
hogaanka Xisbiga UCID u tar tamo maadaama uu beryhan danbe oo
dhanba si aan toos ahayn oo dadban uu gacan weyn ugu lah aa
Xisbiga UCID, iyada oo dhinaca kalana la tilmaamayo in hadii uu Dr.
Axmed Maxamed Cii se uu ku guulaysto hogaaminta Xisbiga UCID
uu horumarin doono siina balaadhin doono Xisbiga U CID oo
doo ashadii Madaxtimada ee u danbaysay ka galay kaalinta saddexaad,
taasoo taageera yaasha xisbig aas niyad jab weyn ku riday.
Hadaba hadii uu jagadaas Gudoomiyenimada Xisbigaasi UCID uu tartamo
Dr. Axmed Xuseen Ciise waxaa dad badani ay tilmaamayaan inuu ku
guulaysan karo jagadaas iyada oo ay u muuqato inuu ugu fadlo cad
yahay murashixiinta la filayo inay ku tartamaan jagadaas, arrim aha
u sahli kara in Dr. Axmed Xuseen Ciise uu ku guulaysto hogaaminta
Xisbiga UCID ayaa aynu kasoo qaadan karnaa qodobadan:
1. Iyada oo guud ahaan
dhulweynaha Somaliland ay ka jirto dabaysha isbedel doonka iyo
rabitaanka dadweynaha oo ah inay arkaan wajiyo hogaamiyayaal
siyaasadeed oo cusub, taasina waxay Dr. Axm ed siin kartaa fursad
fiican, maadaama aanuu maamul xukuumadeed oo hore xil ka qaban.
2. Xisbiga UCID oo u baahan inuu helo hogaamiye adag oo mucaarid ah
oo shanta sanadood ee soo socda si weyna gaashaanka ugu daruura
Xukuumadan Kulmiye oo ah mid xukunka ku timi cod aad u laxaad badan
oo 50% ah taasoo u muuqata inaanay Xukuumadu cidna waxba iskaga
tirinayn, loona baahan yahay in la helo hogaamiye mucaarid ah oo is
hortaaga marka ay xukuumadu darjiidho, shan sanno ka dibna
hogaamiyahaasi uu noqdo nin miisaan culus leh oo jagada kula loolama
Mudane Siilaa nyo, taasoo u muuqata in Dr. Axmed Xuseen Ciise
uu yahay masuul kaalintaas buuxin kara.
3. Isaga oo Dr. Axmed Xuseen Ciise uu yahay aqoon yahan aad ugu qoto
dheer xidhiidhka caalamka, isla markaasna ku guulaysan kara in
Xisbiyada Mucaaridka ah uu dunida uga helo hanti iyo dhaqaale aad u
balaadhan oo ay ku hawl galaan, si aanay Xukuumada dalka ka jirtaa
ugu muquunin awood dha qaale Xisbiyada mucaaridka ah maadaama
ay maaliyada qaranka gacanta ku hayso xukuumadu.
4. Dhinaca Samaflka oo uu caan ku yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise iyada
oo uu kaalin muuqata oo sh akhsiyan ah uu ka geystay hawlo
samofal oo kala duwan oo ay ka mid tahay dhinaca horumarinta W
axbarshada iyo waliba isaga oo gacan ka geystay abaarihii dalkeena
ka dhacay sanadihii la soo dhaa fay iyada oo uu Booyado biyo
ah ugu deeqay deegaano ay ka mid ahayd Sabowanaag, iyada oo
hawl ahaas samofal uu sumcad balaadhan uu ku hantay, oo ay suurto
gal u tahay inuu sii labanlaabo kaali ntaas Samofal oo Xisbiga
UCID kaalintiisa siyaasadeed la ladhi karo.
5. iyo tan u u muhiimsan ah in Dr. Axmed Xuseen Ciise uu u muuqdo
shakhsi middayn kara, isla ma rk aasna heli kara codka gobolka
Hargeisa oo ah gobolka Somaliland ugu weyn, uguna dadka badan
gob olada Somaliland, maadaama uu yahay nin labada Daamood ee
Hargeysaba ka soo jeeda isla markaa sna ay isku ehel iyo
qaraabo dhown ay yihiin Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali
Waraabe iya da oo uu taageero balaadhana ka heli karo.
Hadaba hadii uu Dr. Axmed Xuseen
Ciise ku guulaysto hogaaminta Xisbiga UCID isla markaasna uu isu soo
taago tartanka Madaxtooyada ee Somaliland ee sanadka 2015ka
dhinacyadee ayuu xoogga saari doonaa?
Sida uu horey ugu tilmaamay xiligii uu ku talo jiray inuu ku
tartamayo Murashaxa Madaxweynanim o ee xisbiga KULMIYE waxa uu
digtoorku hoosta ka xarriiqay afar qodob oo uu ahmiyad siin doono,
kuw aas oo kala ah:
1. Kor u qaadista dhaqaalaha dalka,
isaga oo sheegay inuu ahmiyad weyn saari doono Warshaday nta
Dalka, dhimista Cashuuraha, tacabka Beeraha iyo la dagaalanka Nabaad
guurka.
2. In kor loo qaado tayada Waxbarashada
dalka iyo sidii loo shaqaalaysiin lahaa Dhalinyarta.
3. In la helo Cadaalad loo siman yahay,
iyo wax ka qabashada heerka Cadaalada iyo Maxkamadaha dalka ka jira.
4. Aqoonsiga dalka, isaga oo shakhsi
ahaan khibrad dheeraad ah u leh sidii loo dedejin lahaa in la
ict iraafo Somaliland, maadaama uu mudo badan ka soo shaqeeyey
arrimahaasi xidhiidh balaadha na uu la leeyahay siyaasyiin
waaweyn oo Maraykan iyo reer Yurub ah.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Kaysar Cabdilaahi oo aanu wax ka
waydiinay arrintan ku saab san in Dr. Axmed Xuseen Ciise isu
sharaxyo hogaaminta xisbigooda ayaa sheegay inay Xisbi ah aan
soo dhawaynayaan muwaadin kasta oo danaynaya inuu u tartamo jagadaas,
hase yeeshee waxa uu sheegay inaan la gaadhin wakhtigii ay is
sharaxaadu ku haboonayd
” Xisbiga UCID waxa uu soo
dhawaynayaa muwaadin kasta oo ku soo biiraya ama isku sharaxya xil
ka sta oo ka mid ah hogaaminta UCID, Xisbiga UCID waa xisbi
dumuqraadi ah hogaankiisana ay xubnaha xisbigu doorteen, kaasoo uu
hogaankiisa hayo Eng. Faysal Cali waraabe, marka la gaadho xiliga
tarta nka, dabcan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta, Dr. Axmed Xuseen
Ciisena waa muwaadin Somalila nd u dhashay oo dalkiisa wax
badan taray, wax u diidaya in uu xisbiga uu doono iska sharaxana ma
arko” ayuu yidhi Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
Siday doontaba ha ahaatee Dr.
Axmed Xuseen Ciise ayaa ka mid ah Siyaasiyiin badan oo la hadal
ha yo inay iyaguna isu soo sharaxaan hogaaminta Xisbigaas UCID
kuwaas oo ay ka mid yihiin Prof. Ibara him Maygaag Samatar oo
macalin sare ka ah Jaamacad ku taala dalka Japan, Eng. Cabdifataax
Maxa med Sheekh oo ah xubin sare oo ka tirsan Gudiga Doorashooyinka
Qaranka, Dr. Maxamed Rashiid She ekh Xasan, Cabdiraxmaan Cirro,
Aadan Mire Waqaf iyo waliba Faysal Cali oo laga yaabo inuu dib isu
soo sharaxo inkasta oo uu hore u sheegay inuu xisbiga wareejin doono,
doorashadii Madaxtooyada ka hor.
Muse Ibrahim
The Somali Voice
somalivoice@europe.com
www.thesomalivoice.co.uk
|