Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland, Dr.Sacad Xaaji Cali shire ,oo la shiray jaaliyada Somaliland ee degan Dalka Holland

 

 

Holland , 18July,2011 (TNN)-Madal si weyn loo soo agaasimay , oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka  SDO (Somaliland Development Organization) iyo Urunrka NOMAD,ayaa lagu soo dhaweeyey Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland, Dr. Sacad Xaaji Cali Shire ,oo safar hawleed ku jooga Dalka Holla nd.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan,ayaa waxa furitaankii shirka ka hadashay Faa dumo Ibrahim faarax,oo si mug leh uga hadashay guud ahaan jaaliyadda Somaliland ee degan Dalka Holland iyo siday mar walbba ugu heelan yihiin inay qayb libaax ka qaataan horumrka Dalkooda . Faad umo , waxa kale oo hadaladeedii ka mid ahaa,inay   jaaliyad ahaan  aad ugu faraxsan yihiin, gacmo fur anna ku soo dhaweyenayaan ,inay la kulmaan  Wasiirkooda , Dr  Sacad Xaaji Cali Shire .

Faadumo, markii ay soo gaba gabaysay war bixntii iyo soo dhaweyntii  , waxay Makarfoonkii ku waree jisay , Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr  Sacad Xaaji Cali Shire. Wasiirku wuxuu ugu horreyn  Jaaliyad da uga mahad celiyey sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyey iyo weliba  sida qiimaha badan ee loo soo agaasimay,loogana soo qayb galay kulankan.

Wasiirku wuxuu si ballaadhan uga warramay xaaladda guud ee dalku hadda ku sugan yahay , dhina ca  nabad gelyada , dhaqaalaha, horumarka,waxbarashada iwm.Dr. Sacad Xaaji Cali Shire,waxaa kale oo uu ka warrmay wixii u qabsoomay intay talada Dalka hayeen,  horumarka ay ku tallaabsadeen iyo halka ay la rabaan inay Dalka gaadhsiiyaan.Wasiirku wuxuu jaaliyadda u soo jeediyey inay isku duubn aadaan,gacmaha is qabsadaan,meelnna uga soo wada jeestaam, kuna dadaalaan sidii ay uga shaqn lahaayeen horumarka dalkooda .

Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland, Dr  Sacad Xaaji Cali Shire,waxaa kale oo jaaliyadda Dalk a Holland kula dar daarmay,  inay u hawl galaan sidii Dalkeenu ictiraaf un heli lahaa,ugana  dhaadhici n lahaayeen Dalkan ay ku nool yihiin ,xaqa ay Somaliland u leedahay inay hesho taageerada bulasha da Caalamka.

Kulanka  dhex maray Jaaliyadda Somaliland ee degan Dalka Holland iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland, Dr.  Sacad Xaaji Cali Shire,wuxuu ahaa  mid jawi qurux badan ku soo gaba gaboobay,si wanaagsanna loo kala war qaatay.

 



Maxamed Yusuf Buux
Timacade News Desk
Holland