“Dadka Reer Galbeedka ee ka Shaqeeya Ha’yaduhu waxay go’aansadeen inaanay ka Bixin Somaliland”
 

 


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cum ar ayaa................


Hargeysa (TNN) -Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxa med Cabdilaahi Cumar ayaa jawaab ka bixiyay hadalka ka soo yeedhay safaaradda dawladda Ma reykanka ee magaalada Neyroobi ee ahaa in muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland ay taxadir ka muujiyaan xaaladooda amaan.

Dr. Maxamed C/laahi oo ka mid ah weftiga uu madaxwaynaha Somaliland hogaaminayo ee safar ka shalay ugu kicitimay dalka Britian oo warbaahinta la hadlay ka hor intiii aanu weftigu ka dhoo fin dalka, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay dawlada Maraykanka aanu wax dareen cusub ah ku abuuraynin nabd geliyada Somaliland, isaga oo xusay in Somaliland ay ku nool yihiin dad ba dan oo ajnabi ah oo u badan reer galbeed isla markaana ay qaateen go’aan ah in aanay Somalil and ka bixin.

Waxaanu yidhi “arrintani annaga mid dareen cusub nagu abuuraysa ma aha, Somaliland waxa ku nool dad fara badan oo ajnabi ah oo reer galbeed u badan, kuwo UN-ka u shaqeeya iyo kuwo ha y’adaha samofalka u shaqeeya, qaraar bay qaateen ah in aanay Somaliland ka bixin”.
Waxa kale oo uu wasiirku xusay in qaramada midoobay ay dhawaan soo saartay qoraal ay ku mu ujinayeen in aanay shaqaalahooda Somaliland ku sugani aanay dalka ka baxaynin hawlihii shaqo ee ay ka wadeena sii wadayaan, “Qaramada Midoobayna qoraal ayay dhawaan soo saartay ay ku muujinayso in shaqadii ay Somaliland ka wadeen sii wadaan oo aanay dalka ka bixin, muwaad iniinta kale ee cid walba leh ee halkan nala joogaan weli dalka ayay ku sugan yihiin markaa arrint aasi mid werwer badan dadka ku haysa ma aha” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliand naabdgelyadeedu ay tahay mid buuxda xukuumada iyo shac biga Somaliland –na ay kalsooni buuxda ka qabaan amaanka dalka, ciidamada amaankana ay hee gan geliyeen si loo hubiyo nabad geliyo darada ay dawlada Ingiriisku sheegtay, waxaanu yidhi “Somaliland waa dal ay nabadgelyadiisa buuxdo kalsoni wayn ayaanu ku qabanaa haddaanu nahay xukuumad iyo shacbiba, anagaa arrintaa ka duulaya waxaanu heegan gelinay ciidanka nabadgalyada dalka si arrimaha lo hubiyo”.

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay inay dawlada Britain wada hadal kala yeesh een amaan darada ay sheegeen inay ka jirto Somaliland, “waxaanu wada hadal la galnay daw lada Ingiriiska dhawaan oo aanu magaalada Addis Ababa kula kulanay, waxaanu ka wada hadal nay dareenkii ay ka muujiyeen naabdgelyada Somalialnd, waxaanay noo muujiyeen in aanay muu qan in wax dareen ah oo wayn oo xasilooni daro keeni karaa dalkan ka jirin, arrintaa markaanu isla meel dhignay, waata keentay in Ingiriisku bedelo taladii markii hore uu bixiyay” ayuu yidhi wasiirka arrimaha diabda Somaliland.

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland