Komishanka Hiv/Aids ee Heer Qaran oo ka Wacyi Galiyay Dadweynaha Reer Tog-Wajaale in ay ka feejignaadaan Khatarta Cudurkaasi

 

Dr. Maxamed Yuusuf Cabdillahi



Tog-Wajaale (TNN)-Komishanka heer Qaran ee la dagaalanka iyo ka hortaga Cudurka halista ah ee Hiv/Aids ayaa, si adag uga wacyi galiyay ugana digay guud ahaanba bulshada ku dhaqan To g-Wajaale in ay ka feejignaadaan iskana ilaaliyaan khatarta cudurkaasi leeyahay.

Komishanka heer qaran ee ladagaalanka cudurka Hiv/Aids oo marar badan xooga saarey, wacyi galinta Hiv/Aids iyagoo si gaar ah Tog-Wajaale ugu qiimeeya xuduud ahaan oo ay dhinaca wacy galinta kala wadaagto Berbera iyo Lowyacado , ayaa Dr Maxamed Yuusuf C/laahi oo xubin ka ah Komishanka heer Qaran Solnac una qaabilsan dhinaca Irup ,oo uga Waramay Shabakada Wararka ee Timacade News, ayaa sheegay in aan marnaba Komishanku ka fadhiisneyn Guud ahaanba Wac yigalinta Cudurkan dalka oo dhan islamarkaana, Tog-Wajaale si gaar ah ay mar walba uga wacyi-galinayaan maadaama ay Tog-Wajaale kamid tahay meelaha ay isaga gudbaan dadweyne tira ba dan sidaa daraadeedna ay dhinaca daanta Itoobiya ee Tog-Wajaale tahay meel ay fasax ka yihiin haweenka jidhkooda ka Ganacasada oo aan haysan waraaqda Caafimaadka isagoo ka hadlaya Drku waxa uu yidhi.

Marar badan ooh ore ayaan idinka Wacyigaliyay hadana waan ku celinayaa waana Waajib na saa ran dhakhaatiir ahaan iyo Komishan ahaan in aanu Wacyigalino guud ahaanba bulshada reer Som ali land khatarta Cudurka Hiv/Aids iyo Siyaabaha fudud ee cudurkan loo qaadi karo oo galmadu u horeyso,waxaanan kolay mar walba si gaar ah uga Wacyi galineynaa dhinaca Tog-Wajaale oo ah meel aad u Xasaasi ah oo ay lagama maarmaan tahay in loo joogteeyo Wacyigalinta maadaama ay Tog-Wajaale kutaalo Xuduuda inoo dhexeysa Itoobiya oo ay maalin walba isaga gudbaan kum anaan qof iyadoo dalka Itoobiya kamid tahay dalalka Cudurkaasi faraha baas ku hayo ee Afrika waxaanan kolay sigaar ah uga wacyi galinayaa reer Tog-Wajaale in ay iska ilaaliyaan oo ay ka fe ejignaadaan dhinaca Tog-Wajaale ee daanta Itoobiya oo ay halkaasi fasax tahay Haweenka jidhk ooda ka ganacsada oo aan haysan Waraaq Caafimaad sikastaba ha noqotee laga digtoonaado oo aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan midna inoo fiicneyn ,hadana lagu daro oo la ogaado feejigadaa Cudurka halista ah ee Hiv/Aids gaar ahaan Raga dirawaliinta ,iyo Xamaaliinta iyo kuwa kaleba ay uu yidhi Dr Maxamed Yuusuf C/laahi.

Waxa kale oo Dr. ku intaa ku darey hadalkiisa in ay dhawaan u sameeyeen Tog-Wajaale, Gudiyo Wacyigalineed oo ka kooban Bulshada halkaa ku dhaqan kuwaas oo ka caawin doona Komishanka Wacyigalinta cudurka, waxaanu gaba gabadii u soo jeediyay bulshada Tog-Wajaale in aan la tako orin dadka la nool cudurkaasi balse ay ifhadyaguna qaataan daawada.

Komishanka heer Qaran ee la dagaalanka iyo ka hortaga cudurka halista ah ee HIV/Aids ayaa, x oojiyay howlagalada Wacyi-galinta ka hortaga cudurkaasi Aidska tan iyo intii Xukuumadani la w areegtey talada dalka Waxaanay si gaar ah marar badan xooga u saareen Masuuliyiinta Solnac Wacyigalinta Xuduudaha Somaliland la wadaagto dalalka dariskeena, Sida Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen ,oo ay bar tilmaameed u yihiin Berbera,Tog-Wajaale iyo Lowyacado.



 



Wariye C/raxmaan Nuux Axmed (Hiiraan)
Timacade News Desk
Gabiley Office