Dr.Maxamed Cabdilaahi oo ka digay halista ka dhalan karta mudo kordhin
mar kale la sameeyo
Hargeysa (TNN) :- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar, ayaa ka digay halista Somaliland ka soo waajihi
karta haddii la sameeyo muddo kordhin madaxto oyo, iyadoo beryahan la
hadal hayay arrintan.
Dr. Maxamed oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya u
waramay wargeyska Ge eska Afrika, wuxuu sheegay shakhsiyan inuu
aaminsanyahay inaanay dhici doonin muddo kordhin dambe, haddiibase
ay dhacdo wuxuu sheegay inay Somalialnd gelin doonto go’doon
siyaasadeed oo dibadda ah.
“Anigu ma filayo inay dhici doonto muddo kordhin kale, laakiin
haddii ay dhacdo waxay dhaa wac siyasadeed u keeni kartaa
Somaliland.” ayuu yidhi Dr. Maxamed oo uu Geeska Afrika w eydiiyay
natiijada ka dhalan
karta muddo kordhin labaad oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo,
waxaanu isagoo ka ha dlaya nooca dhaawac ee Somalialnd kaga iman
karta beesha caalamka uu yidhi “Dhinaca be esha caalamak waxa loo
qaadanayaa in barnaamijkii dimuqraadiyadaynta iyo qorshihii
door ashooyinka Somalialnd fashilmeen. Taasi saamayn ayay ku yeelan
kartaa wada shaqaynta iyo fikirkii dalka laga haystay.”
Dr. Maxamed, oo farriin u diraya guddiga doorashooyinka qaranka ayaa
yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa guddiga doorashada qaranka inay guntida
dhiisha iskaga dhigaan sidii ay dooras hadu wakhtigeeda ugu dhici
lahayd.”
Isagoo la hadlaya xisbiyada qaranka wuxuu yidhi “Asxaabta qaranka
waxaan u rajaynayaa inaanay wakhtiga iskaga lumin dood aan wakhti
iyo sharci loo hayn maadaama oo uu dalku galay xilligii doorashada.
Waa inay u diyaar garoobaan doorashada, waayo mudnaanta waxa hadda
leh doorashada oo la qabto.”
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|