Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada & Ganacsiga Somalila nd,
Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar,oo ka
hadlay warar sheegayay inuu ka mid noqon doono Golaha Wasiiradda
Soomaaliya

London (TNN):-
”Warka qaar ka mid ah mareegaha wararku qoreen ee sheegaya in
shirkii So maliland iyo Somaliya ee Jabuuti ka dhacay, lagu soo qaaday
sidii aan anigu uga mid noqon lahaa Dawladda Federaalka ee Somaliya,
waxaan caddaynayaa inuu yahay warkaasi mid aan run ahayn oo la been
abuuray. Waxaan shacabka Somaliland iyo taageerayaashaydaba u
sh eegayaa in ay s idaa ula socdaan,” ayuu Dr. Maxamed Cabdillaahi
Cumar ku yidhi qoraal uu ar rintan ku beeni yay isagoo London ku sugan.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar,
ayaa sheegay inuu ku talo jiro sidii uu Somaliland Madaxwey ne uga
noqon lahaa, “Haddii aan doonayo kursi dawladeed waxay fursado badani iiga furan yihiin Somaliland, oon ku talo jiro sidii aan hogaanka
dalka ugu guulaysan lahaa markay ku ha boonaato.”
Dr . Maxamed Cabdillaahi Cumar ,ayaa haatan ah Sarkaal Midawga Yurub
iyo Midawga Africa wada jir ugu magacaabeen xal u helista qalalaasaha siyaasadeed ee meelo badan oo Africa ah ka jira.
Timacade News Desk
London,UK
|