Dr. Gaboose oo ka hadlay qorshihiisa siyaasadeed ee uu xukuumadda
kaga tagay

Hargeysa (TNN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,
ee is casilay ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimo badan oo la
xidhiidha istiqaalada aan weli laga aqbalin ee uu u gudbiyey
Madaxweynaha, muddadii sanadka ahayd ee uu ka mid ahaa Xukuumadda Ma
daxweyne Siillanyo waxyaabihii ay qabatay, Xidhiidhka ka dhaxeeya
isaga iyo Madaxweyn aha, waxa ka dhiman, Dhaliilaha loo jeediyo
Xukuumadda iyo Siyaabaha uu u bilaabayo Urur ka uu ku talo jiro inuu
sameeyo.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo dhawaan sheegay inuu iska casilay
xilkii uu ka hayey Xukuum adda ayaa wareysi uu siiyey Telefishanka
Horn Cable ku faahfaahiyey arrimo badan oo la xid hiidha hamigiisa
Siyaasadeed iyo siyaabaha ugu haboon in ay Mucaaridku u sheegaan
waxya abaha ay dhaliisha u arkaan, talooyina u jeediyey Xukuumadda
uu ka tegay, in kasta oo aan weli si rasmi ah looga aqbalin
istiqaaladii uu bixiyey.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ugu horeyn ka hadlaya waxa ku dhaliyey
Istiqaaladiisa, waxa uu yidhi “Sidaad ogsoontihiin waxa muddo dheer
loolan Siyaasadeed ka jiray in Ururada la fu ro, markaa anigu waxaan
ka mid ahaa ragii odayaasha ahaa ee halgankaa dheer u soo mar ay
inay Waajib tahay in Ururadaa la furo ee saaxadda Siyaasadeed loo
ogolaado cidii Muwaa din ah ee doonaysa inay Siyaasada Mustaqbalka
ka qayb gasho waxaanu aaminsanayn in sadex xisbi kuw qudhaata
ahaayeen oo aanay u furnayn Muwaadiniinta kale fursad qaali ah oo ay
u maraan inay ku gaadhaan hamigooda Siyaasadeed.
Ururadaa Siyaasada ayaanu muddo dheer u halgamaynay oo aanu xabsi u
galnay kolkii damb ena Xisbigii KULMIYE iyo Qaran aanu ku wada
galnay Heshiis in haddii ILAAHEY guusha siiyo Xisbiga KULMIYE uu
laba qodob u ogolaado Ururkii Qaran, kuwaas oo ah in marka hore la
furo Ururadii Siyaasada iyo in laga qayb galiyo Xukuumadda la soo
dhisayo, waxaan ILAAHEY ugu mahadnaqayaa in maanta Guushii la
gaadhay in Madaxweyne Axmed Siillanyo Madaxweynihii Dalka noqday,
waxaanan dadweynaha u sheegayaa in Madaxweynuhu uu fuliyey balantii,
markaa fursadaa qaaliga ah ee timid ayaa igu keentay inaan xilkii ka
tago oo aan u leexdo inaan ka midho dhaliyo hamigaa Siyaasiga ah ee
igu jira, waxaanan dareemayey in wakhtigu soo dhaw yahay inaan
labadaa xil ee culus aanan xambaaran karin, waayo adiga oo Wasiir ah
markaad dadka kula shirto Arrimo urur waxaad u eekaanaysaa qof laba
wajiile ah, markaa si aan hawlahayga ugu madax banaanaado ayaan uga
faa’iidaystay jaaniskaa”.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlaya su’aal ahayd sababaha uu
inta badan amaanta ugu jeediyo Madaxweynaha, waxa uu yidhi
“Madaxweynuhu Amaanta wuu mutaystay waayo wakhtigiisii ugu badnaa
waxa uu siiyey halgankii dib u xoraynta dalkani oo dhiig badani ku
daatay, isla markaana dhashay xoriyadani maanta ay ku naaloonayaan
guud ahaanba shacbi weynaha reer Somaliland, isla markaana mar kasta
aanay niyadiisa ka bixin inuu dalkani horumar iyo Ictiraaf gaadho,
markaa taariikhdiisa ayaa ah mid xaqiiqo ah oo aanan anigu u
samaynaynin, aniguna isaga ilaa intii aanu halganka ku soo wada
jirnay waxaan u arkayey oo aan dareemeyey inuu yahay Oday I ciseeya
oo I karaameeya oo aan marnaba ii quudhin wax aniga dhibaato ii
keeni kara, markaa kala tegistaa aanu hadda kala tagnay kumaanu kala
tegin wax xanuun ah iyo wax dhiilo ah, fursadan hadda abuurantayna
waa tii isku kaayo keentay oo KULMIYE iyo Qaran markii ay
heshiinayeen Madaxweynuhu waa uu ogaa inaan hami leeyahay oo aan
urur furto, markaa aad iyo aad waxaan ugu amaanayaa talaabadii
geesinimada lahayd ee uu ku dhaqaaqay, waxaanan aaminsanahay inuu
taariikhda dambe ku geli doono talaabadaasi geesinimada leh ee uu ku
dhaqaaqay.
Xaqiiqdii umaan furan Ururka inaan Madaxweynaha is haysano ee waxaan
u furtay dariiq aan ku socday oo aan inuu umadda guul gaadhsiin karo
Madaxweynahana waxaan ILAAHEY uga baryayaa inuu xilka ku asturo.
S: Waxa iska soo daba dhacaya hadalo oo
Saxaafada qaar lagu qoray inay Iscasilaadaadu ka dambaysay culays
kaaga yimid Dalalka Debada, qaar waxay sheegayaan in Madaxtooyada
arimo canaasiir ah aad iskaga hor timaadeen, arimahaa ay warbaahintu
kaa qoreyso marka la isku soo geeyana dareen noocee ah ayaad ka
qaatay?
J:Waxa nasiib darro ah horta
warbaahinta qaarkood inay aad iyo aad uga dhaceen qiyamkii iyo
midhihii Warbaahintu u baahnayd, waayo hubka ay gacanta ku hayaan oo
ah hub aad u culus, markay been u isticmaalaan, markay qof kale
nacaybkii u isticmaalaan, iyagu waxay u haystaan inay qof kale wax
yeelayaan, waxaanay garan doonin aayo xumada ay ku reebi doonto.
Dadka reer Somaliland maalintii ay dalka soo galeen ilaa maanta kuma
ay gaadhin faro gelin shisheeye, waxay ku gaadheen dhaqan ay
leeyihiin, isku tanaasul.
Qaranka Somaliland oo ku dhex yaala mandaqad holcaysa oo ILAAHEY
nabad ka dhigay, guusha ugu weyna ay tahay inay Somaliland ka
badbaaday faro gelin shisheeye oo debeda kaga iman karta oo jihayn
karta oo aan filayo haddii ay taasi iman lahayd inay ta Muqdisho mid
ka daran ay ka dhici lahayd halkan, markaa meesha waxa yaalaa maaha
faro gelin shisheeye”.
S: Waxaad ka tirsanayd Xukuumad oo uu
hormuud ka yahay Madaxweyne Siillanyo Xukuumaddaasi waxa la sheegaa
oo ay Saxaafadu ka qortaa in muddadaa ay jirtay ay khaladaad badan
gashay, khaladaadkaana waxa ka mid ah Wasaaraddaha laftigooda oo
iska hor imaada, haddii aynu tusaale u soo qaadano markii Xukuumadda
la dhisay Wasaaraddii Kaluumeysiga iyo Maaliyada waxa ka dhex dhacay
khilaaf, markaa waxyaabaha noocaas ah ee iska hor imanayey, markaa
Xukuumaddii aad ka tirsanayd waxa lagu dhaliili jiray nidaamka ay u
shaqaynaysaa inuu khaladaad badan ku dhex jiray, adigu intii aad ku
dhex jirtay khaladaadkaasi marna ma kuu muuqdeen?
J: Horta waxa jira sida Ingiriiska iyo
Mareykanka qarniyey soo dhismayeen, maalinba salaan ayey hubinayeen
inuu qarankii dhismay, maalin walba shuruucda ayaa wax laga
bedelayey ilaa markii dambena ay gaadheen heerkaa ay maanta joogaan,
markaa Somaliland waa dal curdin ah oo imika dhisanaya haykalkiisii
Dawladdnimo, waana dal ku socda inuu cagihiisa isku taago, markaa
sida ilmaha socodka barana ay ka dhic dhici karto khaladaad,
waxaanan aaminsanahay in ay khaladaad dhici karaan.
Maxaa loo galay khaladna in la yidhaahdo maaha, waayo ma nihin dal
weyn oo shuruucdiisu dhisan yihiin oo muddo badan jiray, anigu
waxaan qabaa si aynu u gaadhno himilada aynu doonayno inaan
khaladaadka dhaca aan la weynayn, haddii aynu khalaadkeena ka dhigno
waxyaalo waaweyn dib ayaynu u dhacaynaa, halkaana halgankii
kumaananka qof ku dhinteen ayaa waxa uu noqonayaa mid si fudud ay
dhibaato u gaadhi karto, mana diidanin in khaladka la isku sheego la
isa saxo laakiin waa in si wanaagsan loo gudbiyo oo aan turxan
lahayn.
S: Ma lagaala tashaday Arrimaha
Magalaada Laascaanood wakhtigaas oo aad ahayd Wasiirka Daakhiliga?
J: Horta dal ahaan Qaranku waa hal shay
oo mideysan.Qaranku Hogaan ayuu leeyahay Hogaankuna waa Madaxweynaha,
Madaxweynuhuna Dastuurka iyo xeerarka ayaa siinaya qaabka Maamul ee
dhibaatooyinka ka hor yimaada uu uga baxo, arintan Laascaanood waxa
weeyi arin gogol Nabadeed la fuliyey, gogoshii Nabadeedna waxa
carqaleedayey dad Habeenkii u soo dhacayey Masuuliyiintii Maamulka
oo Masaajidada lagu tookanayey, markaa duruuf adag ayaa timid
duruuftaa adag ayaa waxay abuurtay jawi maamul oo cusub, kaas oo xal
loogu raadinayo Qaranka, isla markaana loogu daneynayo.
S: Xukuumadda hadda jirtaa ma kula
tahay inay sii wadi karto hogaanka hogaanka talada dalka?
J: Horta way iga go’antahay inaanan
Xukuumaddani ku noqon doonin wax naxli ah, waxa weeyi Sanad bay
jirtay, Sanadkaa waxaan aaminsanahay in Guulo iyo talaabooyin
waaweyn gaadhay, waxa kale oo aan aaminsanahay Balanqaadyo uu
Madaxweynuhu u balan qaaday wakhtigii Doorashada inuu wax badan
fuliyey, waxaan aaminsanahay in Wasiir kastaa isku dayey in
Wasaaraddiisa inuu horumar gaadhsiiyo, isaga oo Madaxweynuhu xushay
dad aqoon yahan ah, markaa anigu waxaan is leeyahay talaabooyin
waaweyn ayay qaaday, toban sano ayey Dawladdii naga horeysay balan
qaadaysay inay Burco ka bedesho lacagtii Giimbaarta, markaa anigu
waxaan is leeyahay talaabooyin wax ku ool ah ayey qaaday, labaa tan
sano ayaa laga hadlayey in mushaharka Shaqaalaha la kordhiyo, hal
sano gudahood ayaa lagu kordhiyey, Dugsiyada Dawladda ayaa Bilaash
laga dhigay oo dadka danyarta ah ay Xukuumaddu u danaysay,
talaabooyin fara badan ayay qaaday, Caaglihii iyo Musuqmaa suqii
ayay dabar jartay, markaa Xukuumaddu haddii ay khalad gasho waa binu
aadmi waa inaynu ku dedaalnaa inaynu toosino.
S: Umadda reer Somaliland waa dad aad u
arka wixii yar ee khaldama, waxa jirtay baryahan dambe dadka qaar
waxay dhaliilaan Madaxweynihii ay doorteen in cid gaar ahi ka soo
hor eyso oo aan isagaba la arag, halkaasi oo kale miyaanay habooneyn
in Madaxweynaha lagala taliyo oo la yidhaahdo cidan gaarka ah ee
Magacaagii adeegsanaysa kuna dilaalaya dee umadda ka qabo aday ku
dooratee, idinku miyaydaan khaladaadkaasi oo kale u sheegi karin?
J: Umaddani waxay dooratay Madaxweyne,
Dastuurkuna waxa uu Awooda umaddeed u igm aday Madaxweyne, wixii
maamul ahaan ka dhaca ee khaladaad ah Madaxweynaha ayaa ka masuul
ah, Wasiirku waxa uu hayaa xil uu Madaxweynuhu u igmaday,
Madaxweynahana wax aan kula talin lahaa inaanu ku soo hoos dhuuman
Siyaasi dano gaar ah leh oo cunsiyar ku no qda xasiloonida.
S: Waa maxay Ujeedada ka dambaysa Shir
Beeleedyada muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanaya dalka, madaama
oo aanay Dawladdihii idinka hareeyey aan loo maqli jirin shir
beeleedyo?
J: Dawladdii inaga horeysay cabudhiskaa
ku badnaa oo Bulshadu way baqaysay, anagu doo ni mayno inay
abuuranto bulsho cabsanaysaa oo Xukuumaddoodii ka baqaya, waxaanu
doo naynaa inay shacabku noqdaan bulsho dareensan inay Xukuumaddu
toodii tahay oo waa la is qancinayaa, Somaliland dhaqan iyo haykal
bay leedahay, isku tanaasul in dadku wax kala dhagaystaana waa mid
muhiim ah, waxa jirta Madaxda Qaranku iyaga laftigoodu beelo ayay ka
yimaadeen, iyaga laftigooda waajib ayaa saaran maaha in ay daawadaan.
S: Waxa jirta masuliyiin Xukuumadda ka
tirsan qaarkood inaanay garanayn dadka ay ka soo jeedaan oo intooda
badana ku shaqeeyaan nidaamkii dalalkii ay ka yimaadeen ee hawlihii
Dimuqraadiyada, isla markaana aanay la socon Arrimaha Gudaha
Somaliland?
J: Waxaan doonayaa inaan ku fahansiiyo
Xildhibaanku Todobaad walba waxa uu tagaa mees hii laga soo doortay
si uu dadkiisa baahidiisa u ogaado, waxaan aaminsanahay ninka Wasiir
ka noqonayaa inaanu ahayn nin xaashi iyo qalin Qaranku u dirsaday,
waxa weeyaan hogaan siyaasadeed, waxa laga shaqeynayaa waa Siyaasad
Siyaasadna waxay leedahay ku dhac umadd badan ay ku dhacayso
go’aankiisu, sidaa awgeed waa inuu noqdaa Siyaasi Bulshada ku dhex
jira maaha inuu Beeshiisa ku dhex jiro beelaha kaleba Masuuliyad baa
ka saaran, markaa waxaan qabaa in Xildhibaanadeenii meelihii laga
soo doortay inay ka gaabiyeen, markaa waxaan qabaa in Madaxweynuhu
uu baxo oo Bulshooyinka la dhex galo oo laga war hayo gar baanay u
leeyihiin, markaa waxaan leeyahay Bulshadu wax way taban kartaa, in
la dhagaystaana waa qaabka aynu ku bislaanayno, markaad dhagaysan
waydana cabudhis iyo qarax ayaa imanaya.
S: Waxay Warbaahintu qoraysay in Wasiir
Gaboose la shiray Beeshiisa, haddii aa la shirtay waa maxay ujeedada
aad ula shirtay?
J: Xaqiiqdii waxa jecelahay inaan
Madaxweynaha u xaqiijiyo inaan jeclayn in laba qof noqdo, qof
isagana u dhaartay iyo Qarankiisa oo Wasiirnimo ugu dhaartay hoosna
ka wada Urur Furasho iyo wax noocaas ah, waxaan xasuustaa Burco
aniga oo maraya ayaa la iga qorayey Ceerigaabo aniga oo maraya ayaa
la iga qorayey, fili maayo Ceerigaabo dhexdeeda inaan laba qof kula
hadlay fagaare aniga oo ka cararaya kuwa naxliga iyo beenta qor
qoraya, waar dalku waa socdaa dulqaadkuna waxa uu ka mid yahay
waxyaabaha dalka horumariya, haddii dhanka khariban Mucaaradnimo
laga dhigto oo ay Bulshada Warbaahintu u qurxiso inay cayda ku
gaadhayso guusha, Madaxweynahana shan sano ayaa la doortay
shantiisaa sano oo aan dhamaan cid kale ma imanayso”.
Source: Wargeyska Saxansaxo
|