Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar (Wasiirka arimaha dibada
Som aliland) Horayso iyo Danbaysoba Shaqadiisa si fiican
ayuu u gutay!
Mudo haatan ka badan 22 gu', oo ku beegan 21/10/1989-kii
ayaa ay ahayd markii aanu anaga oo ku banaan baxayna
dawladii uu xukumi jiray Maxamad Siyaad Bare (oktoobar),
aanu kalahe aroor yaad dad badan oo uu ku jiray Dr
Maxamad Cabdilaahi Cumar (Wasiirka arimaha dibada
Somalilan d) iskugu nimid, gego wayn oo ku hor taal
aqalka looga arimiyo dawlada Holland ee ku yaal
magala ada magaceeda la yidhaa '' The Hague, ama Den
Haag''. Waxanu ka kala nimid dhamaan gobolada,
degmooyinka iyo tuulooyinka dalkaasi ka kooban yahay.
Waxay ahayd maalin aan la qiyaasi karin dhaxanta, roobka
iyo dabaylaha dhacayaa inta ay le'eg yihiin. Dhardasho
qadhqadhyo wadataa n aguma yarayn waxase aanu ku
ilaawaynay taasi oo dugsi iyo hu' ba nooga ahayd,
kaarkii qoomiya deed ee na shidayay ee dartii aanu
boqolaalka Km u soo jibaaxnay.
Waxanu qaybtayada ka qaadanaynay waajibkii dadka reer
Somaliland guud ahaanba saarnaa xilig aasi ee ahaa, nin
walooba halkaad joogto, goorta aad karto, sida aad
taqaan iyo waxaad awoodo kula dagaalan maamulkii dhagar
qabaha ahaa ee dalkii la isku odhan jray Soomaaliya ka
talin jiray. Qayb aad u muhiim ah ayaa ay ka ahaayeen
halgankii banaanbaxyadaasi lagu dhaleecayn jiray ka li-taliyahii
berigaasi, ee dalalka dibada ah lagu qaban jiray ee
banaanka la soo dhigi jiray xumaantii u huursanayd
xukunkaasi.
Qoraalo iyo boodhadh, dhawaaqyo iyo jiibin, ayaa lagu
maashayn jiray gegooyinkaasi, dabadeedna qoraalo badan
oo xul iyo xogba ah oo lagu xardhay xasuuqii iyo
falalkii umulo dooxa iyo waxshinima daba ahaa ee ay
askartii maamulkaasi adeegsan jiray sameeyeen, ayaa
dawladaha gacanta lagag a ridi jiray! Dhaawac badan oo
dheg xumo ah ayaa halkaa ka soo gaadhi jiray dawlad ku
sheegtii Siyaad Bare. Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar ragii
qabanqaabada iyo hawlahaba gadh-wadeenka ka ahaa ayuu
kow ka ahaa. ''Ma ay ahaynu Oktoobartaasi ta kali ah ee
aanu dibad baxa samaynay ee silsilad ayaa ay ahaayeen
isku xidhan''.
Laga bilaabo maalintaa iyo intii ka danbaysay ilaa iyo
yoomkan maanta ah, kolba meel uu joogoba waxa uu Dr
Maxamad Cabdilaahi Cumar ku foogan yahay, oo uu gudcur
iyo cadoba guure ugu jiraa ka midho dhalinta himilada
qaranka Somaliland iyo danta dadkiisa oo qudha. Waxa uu
ka mid yahay Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar dadka
jiritaanka Somaliland ay OXYGEN-ta u tahay ee aan ka
noolaa n karin.
Sidaas darteed waxan odhan lahaa, dadka ku soo qorqoraya
Internet-ka ceebaynta madaxda So maliland guud ahaan,
gaar ahaan-na xagxagashada Dr Maxamad C/laahi Cumar iyo
haldoorada kal eba, waar baylah kale iyo wax kale oo aad
qabataan ayaa badan oo waliba uu dalkii iyo dadkuba aad
ugu baahan yahee, caydiina meel kala u kaydsada oo bal
talo kale oo taa dhaanta la kaalaya.
''Ha Jirto
Somaliland
Oo Ha Joogto''.
|