Dr. Macaw ma bukaanka ayuu baqa maalaya, ma cashuur bixiyaa, mise cid gaar ah ayuu laaluushayaa

 



Booqashada Doktar Macaw ee Somaliland, axsaan fal ma ah, waa baad iyo baqa maalka bukaan socodka. shaqo abuur ma ah, cashuurna diyaar uma ah in uu bixiyo, hadduu cid gaar ah laaluushay, anigu ma ogi, oo ruqsad u siisay in dadweynaha xaaladooda alluun og yahay ka ganacsado.


Nin buka boqol baa u talisa, sidaa daraadeed dhakhtar, jinni bixiye, Aw bustaale, quraan saare, diin ku baqa maala, oo ma naxaan ah la waayi maayo, mar haddaan jirin maamul danaynaya, ilaalinta xuquuqda baahanaha caafimaadkiisa, dhaqaalihiisa iyo aqoontiisa.
Waxaa igu maqaala ah, dawladda Jarmalka ayaaba u doodeysa dhakhtar Macawgan, ku maamay baadhashada baahanaha. Hadduu daacad yahay, si samafalnimo ah ayuu dadka ku soo daaweyn lahaa.
Hadduuse ganacsi u tagayo oo baahanaha ku tacdiyayo, waa in dawladu isaga qiimaha go'aamisaa, dadku awoodi karayaan oo on behave of the poeple la baayactantaa. Culimada, sixiroolayaasha, jinni bixiyayaasha, Aw bustaalayaasha, masaajidada, malcaamadaha, waa in cashuur lagu soo rogaa. Waa in la diiwaangeliyaa oo dakhligooda la ogaado, boqolkiiba 50% laga qaado. Horta yaa go'aamiyey in maxaysatada oo keliya la cashuuro. Taana ma nidaamka qabliga ah ayaa suurtogeliyey.
Wadhatada suuqa joogta ee beesteenka wax ku iibisa, waagii baryaba waa la dul joogaa, oo cashuura laga qaadaa. Kan boqolaalka kun xantoobsanaya, cashuuri kuma waajibto. Lama raad raaco. Dawladuu ma haad ka adag baa, mise cid gaar ah, ayaa laaluusha ka qaadatad, oo loo igmadey, si cashuurta looga dhaafo, oo u dooda, kuwaa iyo qayrkoodba Ninba Xeeladii ku xoogsayey, dawladaa ha kala eexan.
Dhakhtarkan gudniinka carruurta, ee ka fiigey YURUB, markay xirfadiisii denbi noqotay ee la ansaxiyey, in la xidho ciddii falkaa ku kacda, wuxuu ishaaqsaday Somaliland oo uu hore uga hirgalay mashruuca fadhi ku dhereg, mashuuraca sixirlooyaasha, mashruuca quraan, rakhiis lagu baayaco.

Haddaba, diidey lama yidhaaye, dawladu waa in ay cashuur ka qaadaa.

Siyaasiga qurba joogta ah, ma ah in ay wadhatadu masruufto. Isaga laftiisa waa in cashuur dheeraad ah lagu soo rogaa, mar hadduu garan waayey dadka iyo dalkaaga samafal ugu shaqee, waa tan carruurtaadii Yurub masruuftee.

Hamud Duale