“Dr Gaboose Mudadii Uu Qaranka U
Shaqaynayey Waxaan Odhan Karaa Waxa Uu Somaliland U Qabtay Arimo
Badan Oo Waxtar Leh Oo Amnigu Ka Mid Yahay, Waxaanu Ahaa Nin Aad
Macquul U ah”Wasiirka Khaarajiga,Dr. Maxamed C/laahi Cumar

Hargeysa, August 22, 2011 (TNN) – Wasiirka arimaha dibadda Dr.
Maxamed C/laahi Cumar ay aa sheegay in wasiirkii hore ee arimaha
gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ay is casilaadiisu ay ahayd mid
shaqsiya oo u gaar ah, isla markaana uu xaq u leeyahay inuu
damaciisa siyaasadeed meel-marsado.
Dr. Maxamed C/laahi waxa uu intaas ku daray in ururka uu Dr. Gaboose
uu iclaamiyey inuu fu ranayo aanay xukuumadda haatan jirta ku keenayn
wax mushkilad ah ama culays ah, kaas oo tilmaamay in wada shaqayn
wayni ka dhaxaysay oo uu qarankana waxbadan u soo qabtay m udadii
sanadka ahayd ee hayey xilka daakhiliga.
Wasiirka khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu
sheegay in qadiyada furash ada ururada siyaasadu ay tahay talaabo
wayn oo ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ku oofisay balantii ay
wakhtigii ololaha qaaday ee ku wajahnayd inay furi doonaan ururada.
Wasiirka ayaa waxa uu sidaas ku sheegay xogwaraysi khaas ah oo uu
xalay wargeyska Haat uf khadka tilifoonka ku siiyey, isaga oo ku
sugan magaaladda Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa uu kaga hadlay arimo
door ah oo dhinacyo badan taabana. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka
hadlaya, waxa uu yidhi “Wasiirkii hore ee arimaha guduhu Dr. Maxamed
Cabdi Gaboose wa xa uu ahaa wasiirada aanu iskugu dhawnahay ee wada
shaqaynta wayni naga dhaxaysay m udadii aanu xukuumadda ku wada
jirnay. Mudadii uu qaranka u shaqaynayey waxaan odhan karaa waxa uu
Somaliland u qabtay arimo badan oo waxtar leh oo Amnigu ka mid yahay
oo m aamulka goboladda iyo degmooyinku ay ka mid yihiin. Markaa
waxaan odhankaraa Dr. Gaboose waxa uu ahaa nin aanu aad iskugu
dhawayn wakhtigii aanu wada shaqaynaynay oo run ahaan tii aad u
macquul ah.
Shaqo ka tagistiisana waxaan u arkaa go’aan shaqsi oo isaga u gaar
ah, waana mid aan ku ix tiraamayo arimihii uu ka hadlay ee damaciisa
ku saabsanaa. Markaa waxaan kaga baxayaa int ii uu qaranka u
shaqaynayey wada shaqayn fiican ayaa naga dhaxaysay hawlo waawayna
wuu u qabtay qaranka”.
Wasiirka mar wax laga waydiiyey waxa uu kala socdo heshiiska la
sheegay inay hore u wada galeen Dr. Gaboose iyo madaxwayne Siilaanyo,
waxa uu yidhi “Arintaas wax xog ah oo gaar ah oo aan ka ogaa ma
jirto, waxa aan ogahay oo kaliyaa waa in ka qayb galka arinta
siyaasadu inay tahay go’aan shaqsiyadeed oo gaar ah oo qofka u
furan. Waxaanan u arkaa arin aan la isku wadi karayn xilkii uu Dr.
Gaboose hayey damaciisa gaarka ah, markaa waxa cad in Maxamed Cabdi
Gaboose uu doortay inuu u madaxbanaanado furashada urur siyaasadeed.
Laakiin waxan idiin cadaynayaa inaan haynin wax balamo ah oo uu
madaxwaynaha kaga baxay oo aan xogtooda hayaa ma jirto”.
Wasiirka khaarajiga mar wax laga waydiiyey sida uu u arko khatarta
xukuumadda ay yeelan karaan siyaasiyiinta uu ka mid yahay Dr.
Gaboose iyo inuu kasban karo shacbiga Somaliland waxa uu yidhi
“Qofku sida aan hore u sheegay xor ayuu yahay inuu iska casilo xilka
uu qaran ka u hayo, sababaha uu doono ha ku doortee, laakiin
sababihii uu wasiirku sheegay waxa ugu waawaynaa inuu wasiirku
doonayo inuu urur siyaasadeed gaara furto, isla markaana taasi ay u
baahan tahay wakhti iyo dadaal oo aanay u suurta galayn inta uu
xilkaa qaranka u hayo. Iima muuqato wakhtigan xaadirka ah mushkilad
ururka uu Dr. Gaboose furanayaa ay dawladda ku keenayso. Tan
shacbiyadana waxaan jeclahay inaan arintiisaas isaga u daayo”.
Mar uu ka hadlayay Dr. Maxamed C/laahi aragtidiisa ku wajahan
furashada ururada, waxa uu yidhi “Arintaas qaranka Somaliland wuu
isku raacay, isla markaana xisbul xaakimka Kulmiye wa xa uu
wakhtiyadii ololaha u sheegay shacbiga inuu furi doono ururada
siyaasada, isla markaa na arintaas shacbiga la waydiiyey oo ay isku
raaceen shacbiga Somaliland in la furo ururada oo golayaashii
qarankuna way ka talo bixiyeen oo way ansixiyeen, isla markaana
imika madax waynaha ayey hortaalaa. Anigu qadiyadaas waxa aan u
arkayaa xoriyad uu distuurkeenu qor ay, waanan ku faraxsanahay in
ummadda rabitaankeeda la tixgaliyo. Hase yeeshee anigu wax aan hada
ka mid ahay xukuumadda uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) oo aan ka hayo xil aad u culus, dadaalkayga iyo
fikirkaygubana waxa uu hada ku kooban yahay inaan dadaalkaygaa ka
midho dhaliyo oo ummadda ugu adeego sidaas”.
Dr. Maxamed C/laahi mar wax laga waydiiyey waxa uu kala socdo
xidhiidhka la sheegay inuu wasiirkii hore ee daakhiligu la sameeyey
Sh. Shariif,waxa uu yidhi “Mudadii aanu anagu waxa shaqaynayeynay
wasiirkii hore ee daakhiliga Gaboose marnaba iigamay muuqan wax
dhabar jabin ku ah qaranimada Somaliland. Waxa uu iigu muuqday
wasiir xilkiisa u gudanaya sidii loogu dhiibay, kamana warhayo
xidhiidh gaar ah oo uu la leeyahay cid kale.
Source:Haatuf
|