“Markaan qalbigayga ka hadlo waxaan idiin sheegayaa madax waynaha lexe jeclo badan ayaan ka leeyahay”

 


 


Hargaysa, August 23rd, 2011 (TNN):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somalilan d Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta xilkii ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Md Cismaan Garaad Soofe, ka dib markii uu todobaadkii hore iska casilay xilka Wasiirnimo Dr Gaboose.

Munaasibadani uu xilka uu xilka ku wareejinayay Dr Gaboose oo lagu qabtay xarunta Wasaarad da arimaha Guddaha waxaa ka soo qayb galay taliyaha Ciidanka Booliska, taliyaha Ciidanka ilaal ada Xeebaha, taliyaha Ciidanka Laanta socdaalka, qaar ka mid ah badhasaabada iyo maayarada magaalooyinka , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha shaqaalaha Wasaarada iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose ka hadlay munaasib adani uu xilka ku wareejinayay ayaa ka waramay u jeedada uu xilka ugu wareejiyay Wasiir ku xig eenka iyada oo aanu weli madaxwaynuhu cidii bedelilahayd soo magacaabin waxaanu yidhi “Wax aan ka baqay In la I yidhaahdo shaqadiisii ayuu ku dhex wataa, markaa waxaan is idhi mar hada ad ka tagtay xilkii si dhakhso ah iskaga wareeji, madaxwaynuhu wuu ku amaanan yahay wuuna iga aqbalay is casilaadaa wuxuuna si ku meel gaadh ah ugu wareeji igu yidhi xilka Wasiirk ku xige enka wasaaradda Cismaan Garaad Soofe waxaanan illahay uga baryayaa in uu xilkaa u fududee yo Wasiir ku xigeenka.”

Dr Gaboose waxaa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay waxyaabo badan oo uu sheegay in uu ku am aanayo madaxwaynaha Somaliland axmed Siilaanyo, isaga oo sheegay in uu muddo badan ku dad aalay sidii uu madaxwayne siilaanyo kursiga u saari lahaa isla markaana aanu marnaba wax cay ah ka odhanaynin maadaama oo uu in badan dadka hortiisa ka amaanayay “Markaan qalbigayga ka hadlo waxaan idiin sheegayaa runtii madaxwaynaha lexejeclo badan ayaan ka leeyahay, Waa yo lexejeclada aan ka leeyahay waxaa weeyi halgan dheer ayuu u soo maray oo aan qayb ka ah aa, waxaanan leeyahay wuu ku muddan yahay in uu dadkiisa hago. markaa waxaan la jeclahay in uu guul ka gaadho dalka uu muddada dheer uu u soo hal gamay.


Lexejeclo labaadna waan u leeyahay oo waxaa weeyi hadh iyo habeen maan hadhsan si aan kur siga u saaro, qofkaan dadka hortiisa ku amaanayay, qofkaan jeclaa kursiga in uu yimaadana iga ma suurtowdo in aan dadka hortiisa ku caayo waayo aniga ayaa is caayaya, mid kalena lexe jecl aan uga leeyahayoo waxaa weeyi waxaan nahay dal nugul mandaqad aad u khariban ku dhexya ala nabad ILAAHAY siiyay dadkiisu ay ku jiraan halgan nololeed oo haddii maamulku milgihiisa iyo jidkiisa iyo shuruuucdiisa iyo wixiisa wax ka qaldamaan haba ahaado khalad yar waxaa laga yaab aa in uu dhibaato u keeno, taa waxaan ka wadaa waxaan labada jeerba ugu hiilinayaa markuu sa xsan yahayna in aan ku garab galo markuu khaldanyahayna in aanan kala biqin ee aan ku dhiirad o oo aan khaladkiisa u sheego aniga oo dariiqa ugu asluubta badan u maraya. Sidaa awgeed darii qaa ii bilaabmaya waxaan jecelahay in aan ka fogaado in salka la galo reer gaar ah, waxaan jecl ahay in aan ku durko dhanka aqoon yahanka waayo caalamka maanta aqoon baa hagaysa malihi ka aan aqoonta lahayn waa qof xun laakiin maanta dawladnimadu waxay u baahan tahay aqoon.” ayuu yidhi Dr Gaboose.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha waxaa uu ka waramay waxyaabaha u qabsoom ay muddadii sanadka ahayd ee uu xilka hayay gaar ahaana amniga oo uu sheegay in uu meel sa re gaadhsiiyay, waaxyaha ay wasaarada oo uu tayay siiyay iyo sidoo kale dhismeyaal cusub oo uu ku soo kordhiyay isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Wasaaradan waxa ugu wayn ee ay ummadu ka sugaysay waa waa nabada, nabadiina sanadkaa aan joognay wax qarax ah, dhib ah wax ummadayada barakiciya, wax xabad ah oo magaalooyinka laga soo sheegayaa ma jirto ilaa warbixinaha aanu saaka hayno ee u danbeeyay . Waxaan idiin xaqiijinayaa dadkii ajna biga ahaa ee dalkeena yimid oo dhan waxay ka wada markhaati keceen in amnigii Somaliland uu sidii hore aad uga sii fiicnaaday, taasi oo saamaxaysa dhaqaalaha ka sekow in hay’ado badani ay degi doonaan halkan kuwaasi oo imika bilaabay in ay soo degaan oo ay Nayroobi ka soo guu raan.
Xarunta wasaarada laba wax ayaanu ka qabanay midi waxaa weeyi qaab dhismeeddkii wasaara dda oo `lahaa markii hore waaxyo fara badan oo aan lahayn qaybo ay tayada aqoontu ku yaray d in aanu dhamaan baabiinay oo aanu manta ku soo koobnay in yar oo aanu ku tuhmayno in ay dhalinyaro yihiin, wada niyad sanyihiin aqoontoodu wada heer jaamacadeed gaadhsiisan tahay.
Ta la baadna waxaa weeyi waxaanu wasaarada ka dhisnay xarunta oo uu xafiiskaygu ugu horeeyo ilaa xafiisyada iyo dibadaba kor ayaanu u qaadnay oo waxaanu ka soo saarnay xarun cusub.”
Waxaa kale oo uu Dr Gaboose sheegay in dhisme saddex dabaq ah oo ay ka caawisay Hay’ada UNDP uu gaba gabo ku dhawyahay isla markaana uu jiro dhisme kale oo hal dabaq ah oo ay u dhistay Hay’ada UNHCR. Waxaanu xusay in dhawaan la bilaabi doono xarun cusub oo loo dhisayo wasaarada Arrimaha guddaha lacagtii lagu dhisayayna ay hada gacanta ku hayaan kana caawisay hay’ada USAID oo uu sheegay in ay siisay lacag dhan $300,000 kun oo dollar, Waxaa kale oo uu intaasi ku in Laanta socdaalka oo iyadna dib u dhis lagu samaynayo looguna talo galay in ay ku baxdo lacag dhan 250,000 kun oo Dollar.


Maxamed Cabdi Gaboose waxaa kale oo uu sheegay in taliska ciidanka Booliska iyadna dhawaan la dhisi doono “Waxaa hadda la dhameeyay oo Injiineeradii loo diray meeshiina aanu isku raacnay oo dhawr kun oo boqol ah haddii aanay malaayiinba ku dhawaan taliska Booliska xaruntiisa oo aanu jecelnahay in ay noqoto xarunta ugu wayn uguna quruxda badan iyada lacagteedii waa lahayaa oo waanay dhamaatay, waxaa kale oo jira in xarunta taliska ciidamada Badda Somaliland iyadna lacagtii lagu dhisayay hadda la soo fasaxay dhawaana la bilaabi doono.” Ayuu yidhi Dr Gaboose.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Md Cismaan Garaad Soofe ahna ku simaha Wa siirka arrimaha Guddaha oo isna xafladan uu xilka kula wareegayay hadal ka jeediyay ayaa ka waramay qaabkii wada shaqayneed ee ka dhexeeyay isaga iyo Dr Gaboose muddadii uu xilka hayay isaga oo sheegay in ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen, waxaanu xusay in mudadii sanadka ahayd ee ay wada shaqaynayeen aanay marna is-qaban.


Cismaan Garaad Soofe waxaa uu sheegay in muddada uu sida ku meel gaadhka ah u hayo xilka wasiirnimo uu ku dadaali doono in uu kor u qaado amniga dalka, lana kaashan doono saraakiisha sar sare ee amniga qaranka iyo shacabka Somaliland “Waxaan ku dadaalayaa haddii Alle yidhaah do aniga oo adeegsanaya khibrada aan u leeyahay wasaaradani maadaama oo aan muddo sanad ah joogay oo aan fahmi karayo hawluhu sida ay yihiin sida ay isku saran yihiin iyo meelaha laga geli karayo heerka ay manta joogto iyo mid ka sii sareeya aniga oo kaashanay saraakiisha dhinaca amniga dalka u sareeya iyos hacbiga Somaliland oo iyagu markasta heegan u ah sugida amniga iyo amnigooda in aad iigu soo ducaysaan muddada aan xilkan hayn doono aan hadda la garan karayn”. Ayuu yidhi Md Soofe.


Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Aw Cismaan waxaanu sheegay muddadii sanadka ahayd ee Dr Gaboose ahaa Wasiirka Daakhiliga in ay ciidanka Ilaalada xeebaha u qabsoomeen wax qabadkii ugu balaadhnaa ee dhinacyada tababarada, qalabka iyo gaadiidka Ciiidanka.Waxaa kale oo uu tilmaamay Gen. Axmed in muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo in la laban laabay tirada ciidanka ilaalada xeebaha.


Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah oo uu hayay xilka Ciidanka Booliska ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen Wasiir Gaboose waxaanu ku tilmaamay nin shaqadiisa ka adag.


Waxaa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guddaha C/laahi Xusseen Cigge, Maayar ku xigeenka Caasiamda Hargaysa, iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Guddaha kuwaasi oo dhamaantoodba ku amaanay wasiirkii hore dadaal iyo wax qabad uu muujiyay muddadii uu xilka hayay, waxaanay sheegeen in ay si niyad sami ah u sii sagootiyayaan Wasiirkii hore isla markaana ay soo dhawaynayaan wasiir ku xigeenka sida ku meel gaadhka ah xilka loogu sii dhiibay.

Source; Somaliland.Org