WARSAXAAFADEED

 

 

 

Marka hore waxaanu mahadcelin balaadhan u diraynaa dhammaan taageerayaasha URURKA UM ADDA ee ku kala sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, sidii baaxadda lahayd ee ay u muujiye en cududooda, marxaladdii tirokoobka madax-taabashada ahayd ee dhowaan la soo gaba gabee yey.
 

Waxaanu iyana u mahadcelinaynaa Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda oo si habsami ah u gudanayey xilkooda mudadii ay socotey hawshii tirokoobka gobollada oo aanu urur ahaan ilaa hadda marnaba ku saluugin shaqadooda kuna qanacsan-nahay, sidoo kalena aanaan wax cabati na ama dhaliil ah u marin warbaahinta.


Balse waxay dhaliishayadu ku kooban tahay cabashooyinna aanu u soo jeedinay xukuumadda oo faragelin ku haysa ururada siyaasadda iyo geedi-socodka hanaanka Dimuqraadiyadda, waxana ka mid ah warbaahinta qaranka oo aan loo sinayan, xukuumadda oo aan dhexdhexaad u ahayn
ururada, cago-juglayn iyo xadhig loo gaysto ururada qaar, sida URURKA UMADDA oo saraakiisha ugu sareysa ururka ee Gobolka Sool lagu xidhxidhay magaalada laascaanood.


Haddaba waxay fariintayadu tahay in URURKA UMADDU kalsooni buuxda isku qabo, taageero baa xad lehna ka haysto bulshada, xukuumadana waxaanu leenahay “Buubaalku Wuxuu Ka Didaa Biy aha Calooshiisa ku Jira”
 


Gudoomiyaha Ururka UMADDA

Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose)