Dr. Gabboose oo Eedo Isugu Jira Maamul-xumo, Musuqmaasuq iyo
Farogelin Doorasho u Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

“Maamulka waxaan u haystaa dabacsanaani inay ka muuqato, musuqmaasuq
inuu ka muuqdo, aragti aan ballaadhnayni inay ka muuqato, eex iyo
qabiil”
“Waxaannu aaminsanahay dareeno nagu jira oo ah in xukuumadda ay ka
muuqmuuqdaan astaamo muujinaya inay farogelinayso doorashooyinka,
waxaannu tuhunsanahay in…”
Hargeysa (TNN)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, ahna Guddoomiyaha
urur-siyaasadeedka UM MADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa eedaymo
badan oo isugu jira maamul-xumo, musuqm aasuq, farogelin doorasho
iyo qaar kale oo dhawr ah u jeediyey xukuumadda uu hoggaamiyo Mada
xweyne Axmed Siilaanyo.
Dr. Gabboose waxa uu ku tilmaamay xukuumadda uu hore uga tirsanaa
mid aan lahayn aragti balla adhan oo siyaasadeed, si ay dalka u
gaadhsiiso horumarkii loo baahnaa, balse taa beddelkeeda ay ka
muuqdaan dabac maamul, musuq, eex iyo qabiil. Waxa kale oo uu ku
dhaliilay xadhigga masuuliy iinta eedaha musuqmaasuq u xidhan oo uu
sheegay in lagu degdegay ee si ka fudud loo xallin kari lahaa.
“Riyadaydii weli kumaan qancin oo maamulka waxaan u haystaa
dabacsanaani inay ka muuqato, m usuqmaasuq inuu ka muuqdo, aragti
aan ballaadhnayni inay ka muuqato, eex iyo qabiil inay ka muu qdaa.
Waxa aan isleeyahay kor bay u kaceen waa ganacsiga iyo waxyaabaha
gaarka loo leeyahay, iyaguna ma sii socon karaan haddii aan qaranka
maamulkiisu hagaagin. Markaa arrimahaasi ayaanu annagu is leenahay
wax ka qabta.
Waxaan qabaa in aan xadhig, cago-juglayn iyo hanjabaad midna aan
ummadda lagu gaadhsiin kar ayn bilays, dadnimadu waxay ku jirtaa
wacyigelin, wadatashi iyo wax wada lahaansho, isku dulqaa dasho la
sameeyo oo cagta loo dhigo, siyaasadda maanta degdeg baa ka muuqda,
waxaannan Madaxweynaha kula talin lahaa inuu arrimaha cagta u dhigo
oo aan degdeg laga yaabo inuu meel inaga tuuro lagula kicin
muwaadiniinta, qof kastaa wuu gefi karaa, hase ahaatee ha la
marsiiyo dariiqa sharciga ah. Waxa jira masuuliyiin waaweyn oo
xidhxidhan, anigu ma lehi dabmi ma laha laakiin waxaan qabaa haddii
cagaha loo dhigi lahaa in siyaabo badan lagu gaadhi kari lahaa in
wax la saxo. Markaa Madaxweynaha ayey ku xidhan tahay in gaadiidka
uu wado aannu jar ka tuurin illeyn shacbiga oo dhan baa dulsaarane,”
ayuu yidhi Dr. Gabboose oo isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee
xarunta Gobolka Sanaag u warramay shabakadda wararka ee Oodweynenews.
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMMADDA waxa kale oo uu ku eedeeyey
xukuumadda dalka ka talisay inay farogelin ku hayso hawlaha
doorashooyinka iyo u diyaargarowgooda, waxaannu baaq arrintaa la
xidhiidha u diray Madaxweyne Siilaanyo.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaannu aaminsanahay
dareeno nagu jira oo ah in xukuumadda ay ka muuqmuuqdaan astaamo
muujinaya inay farogelinayso doorashooyinka, wax aannu tuhunsanahay
in hantida ummadda si khaldan loo isticmaalo, waxaan Madaxweynaha
kula talin lahaa; Madaxweynihii ka horreeyey ee Daahir Rayaale wuxuu
ku faanaa inuu qabtay dooras hooyin xor ah, waxaannu siiyey
Madaxweynahan hadda talada haya fursad xalaal ah oo uu kula tartamay,
kagana adkaaday. Sidaa darteed, Madaxweynaha waxaannu ka codsanaynaa
ururrada iyo axsaabta tartamaysa in dareemada farogelineed ee jira
uu il-gaar ah ku eego, dhibaato weyn bay keenaysaaye, in laga
waantoobo oo faraha lagala baxo oo loo daayo Guddiga Diiwaangelinta.
Waxaan kula dardaarmayaa Madaxweynaha inuu ku faano doorasho xor ah
ayaan qabtay sidii Madaxweynihii ka horreeyey, waxaannu kula
dardaarmaynaa in aannu dhibaato gacmihiisa dalkan ugu keenin isagoo
is leh kanaad riixi kartaan iyo kanaad soo dhawaysan kartaan.”
Dhinaca kale, Dr. Gabboose oo ka hadlayey hawlaha tirakoobka
taageerayaasha ururrada siyaasa dda iyo sida uu u arko kaalinta
ururkiisu kaga jiro, waxa uu ku dooday in taageerada ururkiisu ka
helay gobollada dalka marxaladii madax-ka-tirsiga kun qof ay
muujisay in ururradu ku kala hadhe en oo ururkiisu kaalinta kowaad
fadhiyo.
“Muddo 21 sannadood ah ayaa la leeyahay ictiraaf baa la raadinayaa,
ururka UMADU waxa uu aa minsan yahay in aan weli wadadii saxda ahayd
ee ictiraafku ku iman lahaa la hayn. Ictiraafka ugu weyni waxa weeye
kow in ummaddu wax qabsato oo dalka la horumariyo, in maalgelinta
shisheeye fursad loo siiyo. Waxaas oo dhan waxa nooga sii muhiimsan
haddii Soomaaliya lala hadlayo iyo haddii la go’ayo, waxa muqadas
naga ah in Somaliland noqoto ummad midaysan, waxa jira maanta
gobollo dhan oo aan gacanta lagu hayn oo magac ahaan maqan. Markaa
annaga barmaamujyada ugu waaweyn waxa weeye in si walaaltinimo ah in
wixii tabasho ah aannu ula tagno oo aan ahayn baaq nabadeed oo afka
ah ee ay noqoto barmaamuj silsilad ah oo xataa qof kasta loo tagi
karo,” ayuu yidhi Dr. Gabboose oo ka hadlayey siyaasadda ururkiisa
iyo waxyaabaha u qorshaysan inuu wax ka qabto
Source:Jam
|