Dr. Cumar Cilmi Dixood  oo  Hargaysa ku geeriyooday

 

Hargeysa (TNN):- Rabbi naxariistii janno Fardwasa ha ka waraabiyee,waxa goor dhawayd magaalada Hargaysa ku geeriyoodday Dr. Cumar Cilmi Dixood, oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta waa wayn ee Somaliland,  ka dib markii uu xanuun si kedis ah u gu soo booday.

Dr. Cumar Cilmi Dixood ,waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM, sidoo ka le wuxuu qayb ka ahaa siyaasiyiintii doorka weyn ka soo qaatay Nabadayntii iyo dib u dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu la soo shaqeeyay dhammaanba Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray.

Dr. Cumar Cilmi Dixood waxa uu hadda hayay oo uu ahaa La-Taliyaha gaarka ah ee siyaasadda Madaxweynaha Somaliland. Dhammaan maamulka  iyo weriyayaasha hawl wadee nadaa shabakada Timacade News,waxay marxuumka uga baryayaan inuu naxariis tii janno Fardawsa ka waraabiyo,ehelkii,qaraabadii iyo shacabka Som aliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.