Beeney waa run ! Qaybtii 2aad.(Been baa Dowladnimada lagu soo xero geshaa—runtanawaa lagu dhaqaa)

 

 


Gudidada Doorshooyinka:-

Waxaa laga yaabaa in ay jiraan dad badan oo rumaysan in Doorashooyinkii ka dhacay Somaliland 26kii Juun 2010 ee aan goob jooga ka ahaa ,in ay ahaayeen Doorashooyin XOR iyo XALAAL ah ba lse anigu waxaa aaminsanahay in ay ahaayeen Doorashooyin XOOG iyo XALAAL ah .


Doorashooyinkii Madaxtooyada Somaliland 26 Juun 2010,waxay ahayd Doorashadii ugu  musuqma asuqa badnaa,doorashooyinkii ugu xatooyada badnaa ee soo mara Somaliland,balse cidii dan  lah ayd way ku gaadhay danteedii ay lahayd.Qaladaadkii dhacay Doorashadii Madaxtooyada ee  Som aliland 26 Juun 2010,inkastoo ay aad u badnaayeen,masuuliyadana ay lahaayeen shaqsiyaad iyo hayado kala duwani ,haddana kuwii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Ma jirin qalab wax hubinaya,gaar ahaan qalabkii been abuurka ahaa ee la magac baxay  “SERVE R”ilaa hadda ma jirto cid sheegi karta ,wixii lagu kala saaray ee aynu ka kala nabad galnay,wuxuun buu ahaa barmaamush iyo tabo casri ah oo loo adeegsanayey Doorashooyinka Somaliland.Waxaa haboon in aan loo adeegsan Doorashooyinka dambe haddii ALLE yidhaahdo.

2. Waxaa dhowr jeer dib u dhacday Doorashada,waxaa Xukuumadii markaa jirtay lagu baqa  geli yey in ay tahay tan Doorashada lugta haysa,iyadoo la wada ogaa sababaha dib u dhaca  keenay ey. Waxaa Xukuumadii xilligaa lagu baqa geliyey hanjebaado ay ka mid yihiin “Somaliland  gacantii na ha ku burburto”,laakiin waxaa socday tabo qarsoon oo ay wadeen Xisbiga Kulmiye.

3. Waxaa la xaday,oo la soo been abuuray ,oo wadamo dibada ah lagu soo daabacay Caadhadhkii diiwaan gelinta “Registration Cards”.Way ogaayeen G.Doorashooyinka Somaliland ,balse awood ay ku kala saaraan kaadhka runta ah iyo Card-ka beenta ah may lahayn.Kaadhadhka been abuurka ah, waxaa isticmaalay,oo loo soo daabacay Xisbiga talada haya ee Kulmiye,waa la yaqaan cidii soo daabacday,cidii lacagta bixisay, iyo weliba shaqsiyaadkii ka soo dejiyey garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

4. Shaqsiyaadka ka socda G.Doorashooyinka,Muraaqibiinta Xisbiyada,Ciidamada amaanka ee  goo bta intuba waxaa lagu soo xulay oo goobta lagu keenay hab QABIIL,Guddigga Doorashooyin kuna awood uma lahayn ay ku kala bedeli karaan ,waxaana la odhan karaa G.Doorashooyinku way ka gaabiyeen shaqadoodii .

5. Gobolada,goobaha uu ku xoog badnaa Xisbiga Kulmiye waxaa iyana laga isticmaalayey tabaha ay ka mid yihiin, in mar qudha la jaro(gooyo) ilaa 5 waraaqaha codbinta ah(Ballot papers),oo hal shaqsi loo wada dhiibo,marna la wada caamadiyo,ka dibna si toos ah sanduuqa loogu wada  rido.G. Doorashooyinku may lahayn awood ay ku hubiyaan,mana jirin wax hubin ah oo haba yaraatee ay sameeyeen G.Doorashooyinku.Laysuma eegin-hubin tirade waraaqaha ee hal sanduuq ku jira iyo buugga diiwaanka goobta in ay is leeg yihiin iyo in kale.

6. Waxaa jiray dad badan oo ka tirsanaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo aan lahayn Card-ka diiwaan gelinta oo si xoog ah ku codeeyey amase la siiyey Card-kii been abuurka ahaa,ma jirin  hu bin magaca buugga ku qoran iyo magaca Cardka ku qoran.

7.Waxaa jiray oo cadaan ahayd in taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay codkooda ku celceliyeen dhowr jeer,iyagoo isticmaalaya Card-kii been abuurka ahaa ee dibada laga keenay,iyo qaar hore loogu sii dhiibay shaqsiyaad madax dhaqameed ah.

Hadal iyo dhamaan arimahaa aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badan oo ka fool xun ayaa ka dhacay Doorashooyinkii Madaxtooyada Somaliland ee 26 Juun 2010.Waxaa haboon in si wada jir ah Mucaaridku uga wada tashadaan sidii aanay mar labaad u dhici lahayn khaladaadkaasi.

Waxaa aaminsanahay in Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xukuumadiisuba ay xilligan ku howlan yihiin qaar ka fool xun tabihii ay hore u isticmaaleen,waase haddii laga yeelaa.

Waxaa qabaa in labada Xisbi ee Mucaaridka ah UDUB iyo UCID in ay samaysan karaan Guddi wada jir ah oo soo baadha KHALADAADKII ka dhacay Doorashooyinkii Madaxtooyada Somaliland ee 26 Juun 2010, haddii kale mar labaad ayaa loo adeegsan doonaa tabihii markii hore loo adeegsaday.


Mahadsanidin


— la soco waxqabadkii 100kii maalmood ee Xukuumadu Xilka haysay——

 

 

 

 

 

Abdi M.Saleiman (Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com